SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

M/Maraykanka Donald Trump kama maarmo aduunka ,beenbuu naf-tiisa u sheegay.

Madaxwaynaha cusub ee loo doortay dalka maraykanka ayaa waxa dunida inteeda badan ay u aragtay in uu yahay nin macangag ah isla markana qaatay amaro iyo qawaniin aanay suura gal ahayn in ay dunidu ku wada dhaqanto.

Dhamaan dunida badankeeda waa ay ka jiraan Xisbiyo iyo madax ku ad-adag dadka ajaaniibta ah iyo qaxootiga,balse hadana iyada oo ay sidaasi tahay waa ay adag tahay in ay u dhaqamaan sidan uu hada u dhaqmaayo madaxwaynaha loo doortay Maraykan.

Maahmaah Somaliya ayaa waxa ay tidhaahdaa sidi-sididaada mooyee Dhul u dhacaaga hubso,ma jirto aduunyada cid tidhaahda dhamaan dunida oo dhan ayaanu ka maranaa,sidoo kalana ma jirto dawlad iyo umad ka maarmi kartaa dadka Muslimka ah.

Wadanka maraykanku inkastoo uu yahay wakhtigan xaadirka ah,dawlada ugu quwada iyo dhaqalaha badan dunida,hadana maaha sida la moodaayo,Maraykan waxa uu ku dhisan yahay dhaqalahiisa ugu badanina uu kasoo galaa wadamada Muslimka gaar ahaan Wadamada Carabta sida shidaalka iwm.

Maaha wax dhici kara in uu yidhaahdo dhamaan dunida oo dhan ayaan ka maarmayaa gaar ahaan dawladaha Muslimka ah oo uu ku sheegay in ay yihiin kuwo qas iyo qulqulatooyin lasoo galay dalka Maraykanka.

Hadii ay dhacdo in uu ku adkaysto Madaxwaynahaasi in cadaadiska iyo nacaybka uu Muslinmka u qabo uu si toosa u cadaysto,taasi waxa ay keeni kartaa in isagana ay ku timaado dhaqalo daro iyo cadaadis kaga yimaada dawladaha waawayn ee Muslimiinta iyo waliba dawladaha kale ee uu ee Dunida.

Qowad kasta oo Dunida soo baxdaa wakhti go'an ayay shaqaysaa,waxa inoogu danbeeyay quwadii wayneed ee Midawga Sofiyeeti oo maanta u kala jajabtay 15 Jamhuriyadood oo kala wada madaxbanaa.

Madaxwaynaha Cusub ee Maraykanka waxa a aan u malaynayaa in uu yahay kii quwadaa wayn ee Maraykan kala diri lahaa,taasna waxa kuu cadaynaysa cadhada uu u qabo dad yaw badan uu Dinida ah gaar ahaan Islaamka.

Burburkii Raashiya waxaa lagu tilmaama in uu sabab u ahaa dagaalkii aadka u xumaa ee ay la galeen Muslimiintii Afkanistaan,taasi oo markii danbana gaadhay in ay gabi-ahaanba burburaan,dhaqalahoodiina uu baaba'o.

Wadanka Meksiko oo ah dawlad la jaar ah Maraykanka waxa uu Madaxwaynahani ku dhawaaqay in uu ka dhisi doono gidaar uu iskaga xayndaabaayo,waana mid aan caqliga galayn,hadii ay dhacdo in Maraykanku dunida oo dhan iska xayndaabo,taasi waxa ay keeni kartaa in isagana Qool la iskaga xidho.

Dawladkasta oo Kibir iyo quwad isbidaa marka ay burburayso waxaa loo soo diraa Madaxwayne sida Donald Trump ah ,kaasii oo la yimaada asbaabtii iyo dhaqankii ay dawladaasi ku burburi lahayd,waana mida maanta ka muuqata ficilada uu qaadanayo ninkaasi.

Dunida taladeeda waxaa iska leh bilaw ilaa dhamaan ALLAH kaasi ayaanay ku xidhan tahay kolba sida uu Aduunkiisa ka yeelaayo,Oday noloshuba ay ku adag tahay ,Dirqina ku luudayaa waxba kama badali karo geedi socodka Dunida iyo sida uu ILAHAY ugu talagalay Dunidiisa.

Dadka ku dhaqan wadankaasi Maraykanka iwm waxa la gudboon in ay ogadaan in Ilahay uu isagu talada leeyahay, waxaana layaga yabaa in Ilahay si khayrle uu arintan u badalo,xaalkuna uu sidan ka sahlanaan doono.

Nolosha Maraykan waxa ay ku dhisan tahay dadka ajaaniibta ah ee wadanka soo gala, waayo Maraykan isaga ayaaba dhamaantii ah Qaxooti,ma jirto wadanka Maraykan maanta cid odhan karta anaga ayaa gaar u lahayn,waxa loo yaqana Maraykan Qaxotigii aduunka ugu waynaa.

Madaxwaynaha Maraykan ee hada la doortay Donald Trump ,madama uu ahaa nin maalqabeena,taasi waa mida hada ku kalifaysa Kibirka iyo isla watynida,balse siyasada uu qaatay maaha mid dadkiisa iyo dadkiisaba dhaqaysa.

Hadii uu isagu ka fikiray oo kaliya qaxootiga ka soo galaaya wadamada Muslimka,balse kamuu fikirin dadka qaxootiga ah aqoonta iyo xirfada ay wadanka kusoo kordhinayaan iyo in ay dadkani ka yimadeen wadamo iyo dawlado uu xidhiidh la leeyahay.

Hadii Madaxwaynaha hada Maraykan qabsaday ee Donald Trump uu isu arkay in dunida maanta meelkasta oo ku leeyahay Askar iyo Milatari,maskaxdana uu gashaday in dawladkasta o maanta aduunka ka jirta uu taladeeda qayb wayn ku leeyahay,taasi macnaheedu maaha in uu waligii sidaa ku waaraayo.

Tariikhda dunida gaar ahaan tariikhda Runta ah ee Quraanku inooga waramay,waxa aad ku arkaysaa intaasi uu dawladood oo kibir iyo isla wayni ay qaaday halkii ay markii danbe ku danbeyeen,waana mida aan maanta isleeyahay malaha waxa muuqda sansankeedii.

Balse hadana iyada oo ay sidaasi tahay,dalka Maraykan waxa uu taliya Odayaal iyo waxgarad aanay kasuura galin in ay talada oo dhan kusii dayaan Madaxwyanaha u haysta in uu saaran yahay Diyaradiisii khaas-ka uu u lahaa,wax walbana moodaya shirkadahiisii uu isagu goonida u maamulayay.

W/Q.Khadar Aar.


 

No comments:

Post a Comment