SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Diintu Wadaad Caqli badan ayay u baahan tahay.

Wadaadka si khaldan Diinta u fahmaa waxa uu ka dhigan yahay oo kale dhakhtar daawo aan tii loogu talagalay aan ahayn qof bukaan ah  u qoray.
Saban aynu soo dhaafnay  ayaa waxaa laga sheekeeyaa in ay wada safreen  laba wadaad oo saxiib ahaa .

Wadaadadii oo sheekadu isugu baxayso ayaa marka ay marayaan meel dhexe waxaa qabsaday Roob xoogleh ,kadib waxaa soo rogmaday dhamaan wixii dooxyo(Togag) dhulkaasi oo lahaa kuwaasi oo keenay Biyo aad u farabadan.
Saacado uun markii ay dooxyada mid ka mida ay garbidiisa taagan yihiin  ,ayaa waxa ay maqleen dhawaaq dumar oo dhiillo xanbaarsan kaasoo odhanaysa "hayaaaaaaay yaa Muslimaaaay i badbaadiya iwm"".
Naxdintii iyo baala-daymoodkii kadib Labadii Wadaad markiiba waxa ay indhaha ku kala qaadeen Gabadh meel aan iyaga ka fogayn Biyaha ku hafanaysa ,dharkii ay xidhnaydna  badan kiisii ay Biyahu kala hadheen ,dacalkana haysata Geed meesha ku yaala hadii aan dhakhso looga gaadhinna halis ugu jirta in ay Biyaha soconayaa qadaan ama ay raacdo.
Fiiro gaar ah :- Cilmiga Diinigaa oo maskaxda si fiican loogi Karkariyaa waxa uu ka dhigan yahay adiga oo asiibay Quraanka iyo Sunaha Nabiga CSW.Waana garasho iyo fahmo Ilahay dadka qaarkii uu siiyo.
Labadii wadaad midkastaaba cilmigii diiniga ahaa ee uu bartay ,garashadii iyo Maskaxdii Ilahay siiyay ayuu sidii ay lahayd u adeegsaday.
Midkamida labadii Xerow markuu arkay gabadhan qaawan oo Jidhkeeda badankiisu uu muuqdo  isla markaana aan haysan ama aanay ku duubnayn wax maro ahi,hal mar inta uu isdadbay(jeestay)  kadibna Istaakh-fululaystay isaga oo leh  subxanalaah,  ayuu indhaha ka dabooshay si aanu cawradeeda u arkin,  gargaar uu u fidiyo iskadaaye  waxaaba naftiisa uga shakiyay in gabadhani haduu u dhawaado in danbi kii u waynaa uu ka raaci doono kadibna dacal ayuu uga durkay.
Wadaadki labaadna inta uu Dooxii oo Biyahu soconayaan isku tuuray markiiba ayuu Tunka(Dhabarka) usoo ritay gabadhii oo naftu kusii daba yartahay waxaanu usoo saaray dibada.
Gabadhii waxa ay u mahadnaqday wadaadkii soo badbaadiyey,waxaanay u sheegtay in ay hadda socon karayso reerkooduna aanu meesha ka fogayn.
Mashaqadaa dhacday kadib Labadii wadaad halkii ayay kasii wateen safar koodii,balse iminka sheekadu sidii wakhtigii hore isugumana baxaysa labada wadaad ,waayo wadaadkii gabadha ka indha qarsaday  ,waxa uu rumaysan yahay  in saxiibkii danbi wayn oo kabaa'ir ah uu ku dhacay, kadib markii uu korkiisa saaray  gabadh horayba in gacanta laga salaamaa ay xaraam ka ahayd.
Wakhti dheer markii la socday safarkii ,ayaa wadaadkii gabadha badbaadiyey saxiibkii ku yidhi"" saxiib maxaad iila hadli wayday oo aad inooga joojisay sheekadii safarka "" kuyee wadaadkii  Israakhfurulaystay isagoo cadhaysan  ""Dumarka in jidhkooda aynu taabanaa saw ma ogid in ay xaraam inaga tahay oo Ilahay inoo diiday ,sidee ayay ku dhacday adiga oo wadaad ah in gabadh saalaan teedaba laynaga xaraam tinimeeyey  in aad dhabarkaaga saarto ?
Wadaadki Gabadha badbaadiyey inta oo qoslay kuyee "oo anigu gabadha markii aan soo badbaadiyey isla markaana aan banaanka Dooxa uga soo saaray  ayaa iigu danbaysee ,adigu ilayn wali waad sidadaa oo maskaxdaada ayay ku jirtaa!!!
Guntii iyo gaba-gabadii:
Arimaha noocan oo kale waxa ay ina tusayaan sida Culimada iyo dadka Kutubta inoo akhriyaay ee aynu u naqaano sheekh Hibel iyo Wadaad hebel in ay kala duwanaan karaan marka xalada noocan oo kale ay ku yimadaan qof dhibataysan oo u baahan in la kaalmeeyo.Fahamka Diintuna uu u baahan yahay Maskax intan ka balaadhan.
Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment