Ereyga ama kalmadda “Genocide"Xasuuq waxa ay soo baxday xiliyadii
Tariikhdu ahayd 1944.Waana xiliyadii uun
waxyar ka dib ay dhamadeen dagaladii ka dhacay Yurub ee u dhaxeeyey Jarmalka
iyo dawladahii kale.
Ereygani waxa uu leeyahay macno gaar u ah, macnahaasina waxa
uu ka turjimayaa xiligii iyo xaalad markasuun dhacday ,walibana waxa uu si
gooniya u tilmaamayaa Xasuuqii Yuhuuda uu u gaystay Jarmalku.
Kalmadan “GENOCIDE” Af-Somalina noqonaysa Xasuuq lama odhan
karo waxaa “bixiyey” lakiin waxa aynu odhan karnaa waxa HIBEEYEY fikir kiisana ay tahay ninka layidhaa "Raphael
Lemkin" oo asalkiisa lagu sheego Polish Yuhuudi ah, ku noolana dalka Poland.
Eraygan Xasuuq waxa uu kaga duwan yahay eraybixino badan oo
jira, waxa si guud u tilmamayaa xaalado gaar ah oo ku sifaysan dhibaatooyin loo
gaystay Qoomiyad isku Af,Isir,Qabiil,Deegaan iyo Diin loogu gaystay waxa ay
yihiin ama ay aamin sanyihiin iyo sida ay u fikirayaan.
Erayga Xasuuq waxa uu koobsanayaa inta dhibaato Bulsho loo
gaysto sida , Dilal, gaajaysiin,masafurin,xadhid,bara-kicin,iyada oo
Bulshadaasi inta ay ka kooban tahay oo dhanba aan loo kala aabo yeelayn ee la
dhibaateeyo sida ,Caruurta, Waayeelka,Aqoonyahanka,sheekh iyo shariif
koodaba,taasi oo ay ku lamaan tahay Dumarka oo si aargoosi axmaqnimo ah loo
beegsado , iyada oo lagu xumaynayo cida markaasi halgankooda wada ama masuulka
ka ah.
Hadaba Sanadkii 1944, qareenkan Polish-Yahuudiyaanka ah ee
layidhaa "Raphael
Lemkin" waxa uu doonayey inuu sharaxo siyaasadahii Xasuuqa ee Naazigii
Jarmalku uu kula kacay Yuhuuda ,taasi oo uu u arkaayey in Dilalkaasi ay ahayeen
kuwo nidaamsan oo leh ula jeedo gooni ah.
Ninkan odayga ah mushkiladahii Yuhuudda ku dhacay waxa uga
soo dhex baxday halbuurka kalmadda GENOCIDE "xasuuq" isaga oo kalmadan
ka keenay isku darka labada luqadood ee kala ah Giriigga iyo Laatiiniga .
Madamaa aanu ahayn nin Luqada Ingirisiga si fiican u yaqaana
sida Taariikhda lagu sheego ,Erayga layidhaa“” GENO””waxa uu kasoo qaatay
Luqada Giriiga macnahiisuna waxa uu yahay
Isirka, Qowmiyadda ama Qabiilka iwm, Erayga kale ee layidhaa
“”CIDE “ waxa uu isna kasoo qaatay Luqada Ingiriisiga taasoo leh
macnaha Dil,kadibna waxa uu noqday kalmada
dhamayska tiran oo caanka ka noqotay Dunida ee layidhaa “ GENOCIDE”.
Marka sida xaqiiqdaa eraygan loo cabiraayo waxa uu noqonayaa "qorshe
abaabulan oo ka kooban talaabooyin kala duwan oo loogu talagalay in lagu
burburiyo Dad iyo Dalba waxyaabaha daruuriga u ah nolosha kooxahaa,Qabiilka,Ururada
iwm , ujeedada laga laga leeyahayna ay tahay in gabi ahaanba la baabiyo lana
cidhib tiro ciddaa loo dan leeyahay;iyada oo loo adeeg sanaaya waxkasta oo Hub
ah oo markaasi lagu cidhib tiri karo.
Mu’alafki Eraygan GENOCIDE ama Xasuuq, waxa aad moodaa in uu diiradda
saaray laba xilli oo kala duwan oo taariikhi ah,midi waxa uu yahay xiligii dagaladii
Xasuuqa ee Yuhuudda oo ah markii uu magacan bixiyey isla markaana uu noolaa iyo
abuuritaankii iyo samayntii wayadii danbe Maxkamadii Danbiyada Xasuuqa (1991-1998) taasi lagu ansaxiyey in magacan
sifa sharciya loo qaato laguna daro sharciyada caalamigaa. Inkastoo aan anigu
aamin sanahay in Maxkamadahaasi ay cid gaar ah uun u shaqeeyaan oo aan loo
sinayn.
Eray bixinta Magac u yaalkan oo kale maaha wax sahlan oo
qofkastaaba uu si fudud samayn karo
halku-dhag sidan oo kale ah,balse hadana waxa uu ku iman karaa munaasabad
xiligeeda iyo xaaladeeda leh oo ay xagga Rabbi wax iska waafaqaan
ERAYGA ILA-MEERAYSO.
Erayga indhawaalaba kasoo baxay Somaliland ee ILA-MEERAYSO
,inkastoo aanu Xasuuq iwm aanu tilmaamayn ,hadana waxa aad muudaa in xaaladii
uun markaasi jirtay in uu yahay mid waxbadan iftiiminaaya .
Eraygaasi ILA-MEERAYSO waxa alifay Mujaahid Cabdi Ibrahim
,waxa uu wax ka cabiray xaaladii markaasi jirtay sida uu u arkaayey iyo Dawlada
Muuse Biixi siday wax u waddo.
Kalmadda Ela-meerayso waxa laga hal-abuuray
Heeso,Majaajilooyin,Gabayo iyo iyada oo loo bixiyey Makhaayado iwm.Waana halku
dhag maanta dhulka Somalida oo dhan laga yaqaano.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar.
No comments:
Post a Comment