Waxaa jira xidhiidh ka dhexeeya Dadku Diimaha ay aamin
sanyihiin iyo hadba Xanuunada Dunida saf-mareeya sidan Coronavirus oo kale.
Dalka Shiinaha oo
xanuunkani kasoo faafay ayaa habka
xanuunku dadka u safmaraynaayo markii uu ka yaabay waxa ay ka macneeyeen Xanuun
Jinni soo faafiyey.
Inta badan Dadka shiinahu waxa ay aamin sanyihiin Xanuunada
Dadka Safmereeyaa in ay yihiin kuwo Jinni ka hawl galay. Hadalkii Madaxwaynaha
Shiinaha waxa uu u dhignaa sidan: "Cudurka faafaa waa jinni.
Inkastoo Xanuunada iyo Cudurkasta oo Dunida dadka asiibaa uu
yahay mid ku yimaada asbaab iyo xaalad markaasi sababta ,isla markaana aan la odhan Karin Islaamku
xijaab iyo Gidaar ka celiya ayuu leeyahay hadii cudurku faafo,hadana waxaan la
iska indho tiri Karin in Gaalnimada wakhtigan joogtaa ay la kulmayso Cawaaqib
xumo ka dhalata xakamayn la’aanta iyo Xoriyada Xayawaaniga ee Bini’aadmigii loo
sameeyey iyo Diin la’aanta sii kordhaysa maalinba maalinta ka danbaysa.
Waxay aamineen Sayniska ,waxa ay ka tageen oo ka fogadeen
dhamaan waxkasta oo Diin xidhiidh lalahaa xattaa kuwii ay khaladka ay ku
sameyeen iyo Kinisadahii Albaabada ayaa badankooda loo laabay .
Saynisku waa toosh yar oo lagu ifin karo nolosha Aadanaha
qayb yar oo ka mida 0.0% marka Diinta loo eego ,waana shay markasta isbedal iyo casriyeeyn u baahan.
Inaga oo haysana xalka uu Dunida keenay Rabbi ,maxaynu ugu
halgamaynaa ku dhaqanka xalka Aadanahu Dunida keenay ? waa su’aal iswaydiinteeda
leh.Dunida oo dhami waxa aad mooda in hada ay usoo guurayso nidaam iyo hab
dhaqan Diimaha lagu cidhib tiraayo.
Dadku way jecel yihiin xoriyada aan xakamaha lahayn,Diimahuna
intooda badan waxa ay ka siman yihiin in ay Xoriyada xad u yeelaan,Islaamka
ayaana ugu Sharaf badan in Xoriyada uu dadka u ogolaaday ay tahay mid
xidhiidhisa nolosha Ifka iyo Aakhiradaba.
Ma jirto Dunida wax nool oo aan Xadlahayni,dhamaan Xayawaanka
Ilahay abuuray,Dhirta iyo dhamaan abuurka Dunida oo dhami waxkastaaba waxa ay
leeyihiin meel ayna dhaafin waligood
,balse Aadanaha oo la siiyey garashada iyo Caqliga ugu fiican ayaa waxa
uu jecel yahay in aanu qaab nololeedkiisa xadaynin,waana sababta ay Dunidu
maanta u fasahaadey.
Hadaba Aadanahu hadii uu xad iyo lama-dhaafaan u yeeliwaayo
dabeecadahiisa nolosha ,isla markaana uu doorbido in uu u noolaado siduu doono
,saw ma ogid in ay iman karaan Xanuuno iyo aafooyin ka dhasha hab-dhaqanka
Xayawaaniga ee ay Dunida samaynayaan.
Dimuqraadiyada foodka ayaynu ku qiimaynaa iyo hab-sami u
socodka nidaamka Dawligaa ,lakiin waa ay
ka xeel dheer tahay,waxaana ay aasaas u tahay Xoriyada aan xadka lahayn.Dunida
badan keeda sharciyada iyo Qawaniinta la sameeyaa waxa ay ka shidaal qaataan
rabitaanka dadka waana aasaaska Dimuqraadiyada.
Dhamaan Dunida Gaalada isku wadagee ,nolosha waxaa lagu
maamulaa rabitaanka dadka oo macnaheedu yahay “”Sideed rabtaa in aad u
nolaato”” kadibna habka aad rabto in aad u noolataa xataa hadii uu yahay kan
Dunida ugu akhlaaqda xun waxa kaa xiga oo kaliya in Baarlamaankaagu ansixiyo.
Coronaviruses sida ay Dhakhaatiirtu sheegeen waa xanuun
ballaadhan oo fayras kiisu ku jiro Xayawaanno fara badan oo kala duwan, kuwaaso
oo ay ka midyihiin Bisadaha, Eyda,Jiirka,Fiidmeerta,Dameeraha
iwm
Dhakhaatiirtu waxa ay isku raceen horay in xidhiidhkasta oo
lala sameeyo Xayawaanka ,sida in la cuno ama Canahooda la cabo in laga qaadi
karo marar dhif ah,cudurka uu Xayawaankaasi oo qabo isla markaana aan laga
dawayn, sidaa awadeed Coronaviruses Xayawaanku way qaadsiin karaan dadka ka
dibna waxay ku faafi karaan Dunida oo dhan.
Sida ay sheegayaan warbixinnada rasmiga ah,xanuunkani waxa uu
ka bilaabmay horaantii agagaarka Suuqa wayn ee looga ganacsadi Iibna Hilibka
Bisadaha,Eyda,Masaska iwm,kuna yaala gobolka HUBEI Suuqaasi oo layidhaa Huanan ee
dalka Shiinaha.
Khubarada caafimaadkaayaa waxa ay rumeysan yihiin inuu yahay
Suuqani uu yahay midka kaliya ama isha cudurka Dunida usoo faafisay ,sababtuna
ay tahay Xayawanaadka Duurjoogta ah ee Hilibkooda iyo iyaga oo noolba halkaa
lagu iibiyo iyaga oo aan wax caafimaad ah aan la marin .Suuqa ayaa la xidhay
dabayaaqadii Bishii Diseembar bilowga faafitaanka Cudurka ,waxaana hadda
ilaalinaya shaqaalaha amniga,marka laga reebo sida wararka lagu sheegay hal
Dukaan oo dhinaca Internetka kusoo jiitay Dadka.
Muhiimada qoraalkaygu ma ahayn faalada iyo falan-qaynta
cudurka 'Coronavirus'balse waxa aan si kooban uga hadlaayey Diinta iyo
cafimaadka xidhiidhka ka dhaxeeya.
Shaki kuma jiro in Naftu marwalba raadiso raaxeysigeeda iyo
farxaddeeda isla markaana ay ku kasbato waafaqiddeeda wakhtiga iyo xiliga ay
joogto,lakiin farxadkasta oo naftu u baahan tahay haddii aanay jirin Diin ama
Waxyi xadidayaa waxa ay la kulmaysaa dhibaatooyin aan waxba laga qaban
karaynin.
Islaamkuna wuxuu la yimid waji wanaagsan oo la jaan qaadi kara
baahiyaha nafta bina Aadamka, iyo u soo jeesashadeeda dhanka dib-u-dejinta nafta
wixii ku haboon haday tahay Cunto iyo haddii ay tahay Cabitaanba.
Qof kastaa waxa uu ka kooban yahay Jidh iyo Naf (Ruux) Jidhka Qofka ee muuqdaa waxaa laga yabaa
hadii cudur ku dhaco in si fudud wax looga daawayn karo,Lakiin waxaa aad u adag
sida qofna Ruuxdiisa loo daaweeyo,sababta oo ah waxa ay ku xidhan tahay shaqo
badan iyo in uu ogolaado daawayntaasi.
Ma og tahay in Cudurka dhimirku (Waalidu) uu ka weyn yahay
cudurada dabiiciga ah, taa bedelkeeda, cudurada dhimirka ku dhacaa waxay keeni
karaan cudurada dabiiciga ah,taasi waxa aynu uga tusaale qaadanaynaa in
Cudurada Diin la’aantu ay keeni karaan Cudurada Dabicigaa ee Dunida ka
dhacaaya.
Diinta islaamku waxay la timid hab dhamaystiran oo nafaqeeya
Ruuxda iyo Jidhka Qofka Adanaha ah,kaasi oo ka hortaga Werwerka isla markaana
nadiifiya korna u qaada nadafada Nafaheena, waxaana tusaale kuugu filan in cudurkan
'Coronavirus'
sida kaliya ee looga hortagi karaa ay tahay in jidhka la nadiifiyo,iyada oo loo
maraayo habkii Waysada xiliga Salaada.
Ilaa hadda waxaa lala yaaban yahay Dawladahan sheegta
horumarka oo aan waxba ka qaban Karin ,wax ugu yar ee ku dhaca is bedalka
noloshooda .Hadana waxaa kasii yaabadan iyaga oo raadinaaya xalka Dunida iyo
siday ku noolaan lahayd.
Hadaba marka ay dhibaatadu
tahay dhaqankeena bulshada, sideen u doonaynaa inuu xalka u noqdo? Sideese
aynu u codsan karnaa in aynu fiicnaano Caafimaad ahaan,saw la mid noqon
mayno Qof dharkiisa aan wasakhda ka
maydhin hadana doonaaya in uu markasta nadiif noqdo.
Islaam nimadu waa wax Ilahay lagu mahadiyo,waana Caafimaad
Maskax iyo Jidhba hadii sida ay tahay loo raaco.
W/Q: Khadar Ibrahim Aar
France Paris
No comments:
Post a Comment