SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

SHEEKOYIN


Qiso dhab ah:-Waynu is-furay, inaga oo aan is-guursan !!

Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw ee Islanimada inagu galadaystay,kaasoo Nabi Muxamed (N.N.K) inoogu soo dhiibay Waxyiga Quranka ee dhamayska tirnaa.

Hor-dhac:-

Dunidan aynu ku nool nahay doodi kama taagna in ay Jaceyl ku uu yahay wax jira oo Ilahay csw aadmigiisa ku abuuray ,qofkasta oo aad waydiiso waxa uu yahay jacaylku waxa uu ku sheegayaa in uu jacaylku jiro, balse waxa laga yabaa in qofkastaba uu qaab gooniya u fasiro.

Qofka uu jacaylku hayaa waxa la mid yahay , qof saaran Doon bilaa shiraaq ah, oo badwaynta dhexdeeda ay mawjadaha baddu ay marba meel ku tuurayaan,cid uu miciin sadaana aanay u muuqan .

Isbarasho dhex martay laba qof ayaa kow u ah asaaska jacaylka ,kadibna waxaa bilaabanta xiiso iyo wada sheekaysi, waxaana looga sii gudbaa kalgacal iyo is-raali galin ,taasi oo aakhirkana keentay in laba qof ay isu qadaan jacayl dhab ah.

Inta badan sheekooyinka kusoo aroora jacaylku, xiisu badan ma yeeshaan hadii ay labada qof ee isjeceli ay yihiin kuwo iyaga oo aan wakhti badan isla soo qaaadan is guursada,waxa sheekoyinka jacaylka xiiso iyo kalgacal dheeraada u yeela waa dhawr arimood oo ay ka midyihiin:-

1.Labada qof ee isjecel oo markasta ay ku aadkaato in ay isfahmaan ,iyada oo ay dhici karto in mid uu si dhab ah wax u jecel yahay kan kalana aanu habeena ku seexan.

2.Mushkilad soo kala dhex gasha oo kaga timaada dhinaca dibada sida waalidka iwm.

2.Dhibatooyin kaga yimaada dhinaca dadwaynaha, ay dhacdana in la isku diro.

4.Dagaalo iyo qulqulatooyin ku yimaada deegaankii ay jogeen, kadibna keenta in qofba uu meel u furxada.

Jacaylku qofba si ayuu usoo maraa,sida aynu xanuunada inagu dhaca ugu kala nugul nahay,uguna kala jilicsanahay , ayaynu jacaylka iyo dareen kiisana ugu kala ad-kaysi badanahay.

Laba qof ee sida dhabta ah isu jeceli, cimrigooda isma ilaabaan, xataa hadii midkastaaba uu duruuf iyo dangaara yeeshay,midba midka kale ayuu maanka iyo maskaxda ku hayaa,ma kala fogadaan oo ma kala dheeradaan xataa hadii ay ku-kala noolyihiin qaaradaha aduunka, kuwooda ugu fog.

Qofka jacaylku hayo ,xumada iyo kaarka ka muuqdaa ,waa mid isaga u gaar ah oo ay adag tahay in uu qofna ogaado, hadaad aragto laba qof oo si dhab ah isu jecel ,macnaheedu waxa weeyo in ay isu hayaan ixtiraam iyo qadarin dheeraada oo aanay dadka kale u haynin.

Jaceylku waa dareen ,waa lahasho ,waa hibasho , qofka wax jecel waxa ku abuuran warwar iyo walaahaw, qofka jacaylku hayaa waa jooge maqan oo aan dhanaba jirin,ma seexdo oo hurdo way kala tagaan.

Hadii aad in badan maqli jirtay qofka jacaylku hayaa ma jiifsado oo hurdo habeen iyo maalinba ma lado,wax badan ayaa isbadalay,waxa la hayaa jacayl awadii qof jiifka iyo hurdadaba ka kiciwaayay,xasuuso,heestii Allah ha u naxariistee Kinsi Xaaji Aadan:-

Hurdo dhaban markaan dhigo

Dheelalaa ma toosee

Dhadhabka iyo riyadu waa

Intay taladu dhawdee.

Qofkasta oo wax jeceli inta badan kama fikiro inta uu leeg yahay jacaylka isaga hayaa, balse waxa uu ku fikiraa oo uu maskaxda ku daaliyaa qofka kale ee uu jecel yahay ixtiraamka iyo soo dhawaynta uu hadba siiyo.

Jacaylku malaha dhakhtar loola tago iyo daawo laga qaato sida sharuubada ama kiniiniga,ma jiro Irbad jacaylka kaxaysa oo la isku mudaa , balse daawada iyo cafimaadkiisu waa qofkastaa in uu hole qofkuu jeclaa,taasina waxa ay noqotay mid ay adag tahay in ay markasta sida saxa ah u dhacdo.

Hadii aan jacayl jirin , jaar lam ahadeen

Hadii aan jacayl kirin , Jagi lama cayareen

Hadii aan jacayl jirin , Adunyadu ma joogteen.

Sheekadan madama ay ay tahay sheeko xaqiiq ah, isla markana ay iiga sheekeeyeen dhinacyadii ay arintan jacaylku ay dhex martay mid kamida ,waa Muraad,sidoo kalana aan ka helay ogolaansho dhinaca Marwada,waxa ay noqotay in aan idiin soo gudbiyo.

Sheekadii aan idiin bilaabo:-

Waa sheeko iyo qisso dhab ah oo ka dhacday magalada Hargaysa ,qiyaastii tariikhdu markii ay ahayd 1980-tanaad kii, waa sheeko ka dhex dhacday dhalinyaro wakhtigaasi isku gayaan ahaa,una muuqday sida ay sheekada igu soo gaadhsiiyeen,kuwo ixtiraam iyo qadarin isu hayay.

Inta badan wakhtiga dhalinyarada la yahay,waxa uu jacaylku abuurma dhalin isku Iskuul ama isku xaafad ah meelna wada degan,kuwaasi oo markaasi isu qaata kalgacal ad u wayn oo aakhirkana ku danbeeya jacayl dhab.

Muraad iyo gacaladiisa Ladan waxa ay ahayeen laba qof oo sida xaqiiqda ah isu qalma,waxa ay ahaayeen dhalintii wakhtigaasi sida fiican ugu kacaantay magalada Hargaysa gaar ahaan degmada 26 Juun.

Muraad waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah oo si xishmad iyo wanaag ku jiro uga dhex muuqday dhalintaa ay iska kacaanka yihiin,waxa uu ahaa nin sida runta ah kasoo jeedaa raar markaasi magalada Hargaysa magac iyo maamuus ku leh.

Muraad waxa uu ahaa nin ka adag waxbarashadiisa dugsiga, isla markana aan marnaba lagu xaman warwareega dhalinyarada,sidaasoo ay tahay ayaa hadana waxuu ahaa nin isaga oo yar gacantiisa ku watay Gaadhi uu leeyahay oo uu markaasi Abihiisii dhalay uu u iibiyay,kadib markii uu u muujiyay baari nimada waalidka.

Muraad waxa uu aha nin kusoo koray nolol aan marnaba lahayn turxaan,waxa uu ahaa nin dhalin yaro ah oo abihii waxkasta oo uu u baahan yahay uu u iibiyo,taasna waxa aad garan kartaa xiligaasi aynu kaso waranay oo uu lahaa gaadhi.

Ladan ayaa iyaduna waxa ay ahayd gabadh ka tilmaaman gabdhaha ay markaasi isku gayaanka yihiin,waxa ay ahayd gabadh ku caan ah qurux iyo xishood dheeraada oo ay hablaha dheertahay.

Ladan waxa ay ka dhalatay reer si fiican looga yaqaano magalada Hargaysa,waxa ay ahayd gabadh lagu tilmaami karo mid ninkasta oo uu arkaa uu u hunguroodo,waxa ay caado iyo dhaqan u lahayd daganaan iyo dabeecad wanaag.

Ladan waxa ay hada ku nooshaya qaarada Ameerika,halkaasi oo duruufta iyo dantu ay gaysay wakhti aad u horeeyay,waxa ay tahay gabdhaha sida akh-laaqda iyo dhaqanku ku jiro aan marnaba ka tagin,halka ay joogtana karaamo iyo sharaf ku leh.

Muraad iyo Ladan, waxa ay xidiidh walaaltinimo ay lahayeen muddo aad u badan,iyaga oo markaasi ahaa dad aad u dhalinyar,waxa ay noqdeen laba ay isku xantaan dadka deegaanka ee ay xaafada wada daganyihiin.

Muraad iyo Ladan inkastoo wakhtigaa ay isbarteen ay adkayd in dhalinta iyaga oo kala ahi in ay isguursadaan,sababta oo ahayd iyada oo wakhtigaasi loo eegi jiray in ninka wax guursanayaa uu dhaqaale uu shaqaystay uu layimaado.

Hadana sidaasoo ay tahay Muraad kamay maqnayn in uu mar uun guursado gabadha uu jecel yahay ee Ladan oo iyada lafteedu malaha hadii wakhtigaasi uu ku odhan lahaa aan isguursano aan hadal kusoo celiseen,waye waxaba yaalay jacayl labadaba ka dhab ah.

Hadaba iyada oo sheekadii Muraad iyo Ladan ay meel aad u qurux badan ay marayso,la isna odhan karo malaha waxaaba dhici karta in ay isguursadaan hadii ay calaf isku leeyhiin ,ayaa waxa si kadisa ah Magalada Hargaysa uga bilaabmay tagaladii SNM iyo u dhaxeeyay Dawladii Kacaanka .

Dagaalkasi waxa uu sababay xiligaasi in uu kala irdheeyo kalana fogeeyo akhyaar iyo dhalinyaro isu dhaarsan in ay isguursadaan,kuwaasi oo ay ka mid ahayeen Muraad iyo Ladan.

Waxaa uu dagaalkii kusoo fiday degmadii ay markaasi Hargaysa kaga noolayeen,gaar ahaan xafadii ay markaasi Hargaysa ka daganayeen ee 26 Juun ,Ladan madama ay guriga kula nooshahay reerkeedii,si-gaar ahna uu u xanuusanaayo abahii iyada dhalay,waxa ku adkaatay in ay si dhakhsa ah ay magalada uga baxaan si ay uga badbaadaan xabadaha wiiftada ah ee la iswaydaar-sanaayo.

Ladan abaheed waxa uu kula taliyay dhamaan qoyskisii oo ay ka mid tahay Ladan in ay iyagu ka baxaan magalada,balse taasi waa laga diiday,aakhirkiina waxa fikir soo jeediyay Muraad ,kaasi oo ahaa in uu Ladan abaheed ku hayo magalada Hargausa inta ay dagaladu si uun isu badalayaan.

Muraad waxa uu sida u yeelayaa,noloshiisana uu ugu biimaynayaa in uu waalidka dhalay Ladan uu isagu la joogo waa jacaylka iyo kalgacalka ay isu qabaan Ladan iyo garashada iyo aqoonta ay isu leeyhiin reerka ay kasoo jeedo gabadhu.balse arintu sidii lagu talagalay may noqon ,Marwo abaheedna waxa aakhirkii lagu qanciyay in magalada laga saaro.

Wakhtii aan sidaasi uba sii fogayn markii la arkay in ay dagalada Wadanka ka socda ay yihiin kuwo aan kasoo raynayn,waxa ay labadii reer ee ay ka dhasheen Muraad iyo Ladan ,midkastaba uu goonidiisa u go'aansaday in uu Hargaysa dhinacuun uga baxo.

Nasiib daro waa ay dhici wayday in labada reer ay isku goob kaliya ay uga baxaan magalada kadibna ay wada degaan,sababta oo ah danta iyo duruufta reerkasta haysatay ayaa geediga waxa uu u raray halkii uu islahaa waad aad ku badbadaysaa.

Safarkaasi waxa uu ahaa kii ay ku kala fogadeen ilaa wakhtigan xaadirka ahna maqal mooyaane aanay wali indho iska qaadin,midkastaba waxa uu u safray meeshii uu islahaa waa aad ku badbaadaysaa.

Ladan waxa ay reerkoodii ula soo qaxday deegaamada Ethopiya ee markaasi qaxoontiyada laga furay, halkaasi oo ay wakhti aad badan ay ku qadatay.

Muraad isagu waxa uu soo galay safar dheer oo qaatay muddo aad u badan,kaasi oo dayac iyo dhibaatoyin aad u badani ay kasoo gaadheen,aakhirkiina uu ku yimi wadamada Yurubta oo uu hada ka mid tahay dadka ugu nolosha fiican ,inkastuu jeclaan lahaa in noloshani ay la wadaagto Ladan oo iyaduna wakhtigan xaadirka ah ku nool wadanka Maraykanka.

Hadaba waxyabaha aadka u layaabka badan waxaa ka mid ah,in Muraad iyo Ladan ilaa hada ay si aad u fiican ay u wada xidhiidhaan,mararka qaarna ay dhacdaba in soo joogta ah ay malinkasta Talafoonka isaga maqlaan kuna wada sheekaystaan wayahii aadka ee soo maray.

Waxyabaha kale ee iyaguna in sheekada lagu xuso ka mida waxaa ka mida,in mararka qaar ay talafoonka isaga heesaan wakhti aad u badan,taasi oo ku tusinaysa in jacaylkoodii ay bilabeen xiligii dhalinyara nimadii uu wali halkisii uu taagan yahay.

Halhaysyada laga hayo Ladan waxaa ka mida "hadii inta Mooye iyo Tib lasoo qaato, la isku tumo sida hadhuudhka, jacaylka ku haya iyo kan aniga hayo, kadibna laysku shukulo waxa aynu isku noqon lahayn hal qof.

Hadalada iyo odhaahda noocaas ahi ,waxa ay ku dareen siinayaan,xasuusta dheer ee aan marnaba ka baxaynin caqliyada iyo garaadka Muraad iyo Ladan.

Muraad wakhtigii uu Yurubta soo galay kadib waa uu guursaday ,waxanu leeyahay Caruur aad u farabadan,taasoo ay tahay hadana si gaar ah ayay ugu calamadaysan tahay gacaladisii uu jacalka dhalinyara nimada lasoo qaatay.

Ladan lafteedu kama dhacdo, waxa ay iyana guursatay ninkii Ilahay u calfay ,waxanay leedahay caruur,balse hadana iyada oo ay sidaasi tahay markaliya kama xiiso go'do sheekada iyo farxada ay la qaybsanayso Muraad oo ah ninkii wakhtigii ay dhalinyarada ahayd jacaylka ku gardaadiyay.

Muraad iyo Ladan, midkasta talafoonkiisa fariinta messej-ka ah ee ku soo dhacda, marka uu dhawaaqeeda maqlo , waxa uu aamin san yahay in aanay cidkale aanay usoo dirin,taasna waxa sababay , labada talafoon ayaa inta badan waxa ay yihiin kuwo u arbacuunan fariimaha ay isu gudbiyaan Muraad iyo Ladan.

Sheekadan magaceeda waxa layidhaa "Waynu is-furay inaga oo aan isguursan" magaca sheekadan ama halkudhigani waxa uu afkeeda kasoo baxay halhaysna u lahayd gabadha ay sheekadani ku socoto.

Magacani waxa uu u muuqdaa ama uu ina tusayaa in Muraad iyo Ladan ay u dhigmaan oo kale, laba qof oo inta ay isa soo guursadeen hadana kala tagay, malaha waxaa uu hadhay oo kaliya in ay rajactu yidhahdaan kadibna ay dib isugu noqdaan.


Sheekadan marka ad u fiirsato, waxa ay ku tusinaysaa,in ay la mid tahay, jacaylkii ku dhacay Axmed Saleeban Midde iyo gabadhii la magac baxday Leexo,labadaasi oo wakhtigii ay dhalinta ahaayeen ay is-calfan waayay ,kadibna ay is-guursaday iyaga oo labadooduba waayeel ah.

Inkastoo Muraad iyo Ladan aanay wakhtigan xaadirka ahayn kuwo lagu tilmaami karo dad waawayn dhinaca *cimriga , hadana marka aad u eegto xiliga ay arinta jacaylka bilabeen, waxa aad is odhanaysaa waxba kama duwana sheekadaa Axmed Saleeban Bidde iyo Leexo.

Muraad iyo Ladan waxa ay u muqdaan kuwo sidaasi oo kale ah,waxaana laga yabaa in duruufta wakhtigan xaadirka ah jirta ,isla markaana keentay in ay kala fogadaan ama kala irdhoobaan in ay meesha ka baxdo , kadibna ay is aroosaan.

Anaguna dhankayaga Amiin Amiin

W/Q: Khadar Aar.
 
 
 

No comments:

Post a Comment