SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

QISSO CAJIIB AH.DAD DILAY DAWAARLAHII WAX TARAAYEY!!


 Nin Cimrigiisu aad u wayn yahay ayaa waxa uu ku noolaa meel Tuulo ah,waxaanu ku shaqaysan jiray xirfada Dawaarle nimada,mana jirin cidkale oo markaasi shaqadaasi ku wehelisaa ama taqanaaba ,dadka Tuulada ku noolina waxa ay ahayeen kuwo markaasi isaga ku xidhan jecelna habka uu wax ugu tolo iyo farshaxan nimadiisa.

Odaygan Dawaarleha ah Suuqa meesha uu kaga ganacsado waxa isna meel aan sidaasi uga fogayn Ganacsi ku haysta nin isaga laftiisu aan ka yarayn cimri ahaan shaqadiisuna ay yahay iibka Hilibka (Hilible ah) waana laba nin oo isyaqaana saxiibna ah.

Tuuladani inta badan waxa ay caan ku tahay kagana duwan tahay deegaanka ay ku taalo Saboolnimada iyo dadka degan oo ah kuwo si xaad dhaafa uu fakhrigu u saameeyey.

Akhriste Ilahay amarkii maalin maalmaha ka mid ah ayaa ninkii Dawaarlaha ahaa waxaa korkiisa soo istaagay nin cadhaysan una muuqda in aanu ahayn dadka Tuuladan deegaanka u ah,kadibna isaga oo xanaaqsan ayaa waxa uu hadal ku bilaabay isagoo Dawaarlahii la hadlaaya ""Shaqadan Dawaarle nimada waxa aad ka heshaa maalinkasta Lacag aad u badan,maxay ayaad u caawin wayday dadkan Saboolka ah ee Tuulada kula degan Maryahana kaa tosha, isaga oo hadalkii sii wata ayaa waxa uu raaciyey "" bal u fiirso Ninkan Hiliblaha ah ee agtaada ku ganacsadaa isla markaana aan haysan dhaqaale badan hadana dadka Tuulada ayuu maalinkasta waxa uu siiyaa Hilib bilaash ah""?

Odaygii Dawaarlaha ahaa inta uu dhoolacdeeyey ayaa waxa uu ku yidhii ninkii xanaaqsanaa "" Adeero i nabad gali aqoon isuma lihine""!!

Sixun wax u sheeg Sixir waa ka daran yahay'e Ninkii Socotada ahaa ayaa dadkii Tuulada si xun wax ugu sheegay ,kadibna waxa ay Maalin maalmaha ka mida u qaadeen Gacanta waxanay u gaysteen dhawacyo badan oo sababay aakhirkii in uu u dhinto.

Dhimashadii Odayga Dawaarlaha markii laga soo gudbay ayay dadkii Tuuladu sidii caadada u ahayd waxa ay isa soo kor tubeen Miiskii  Hiliblaha iyaga oo markaasi doonaaya Hilibkii bilaashka ahaa ee ay uga barteen,isna waxa uu u sheegay in naanu maanta gabi ahaanba aanu jirin Hilibkii ,sababta markii ay waydiyeenna waxa uu ku jiwaabay  "" Hilibkii bilaashka ahaa ee aan maalin walba idin siin jiray waxa lacagtiisa bixin jiray Odaygii Dawaarlaha ahaa ee aad Disheen sidaa awadeed anigu wax hiliba idiinma hayo"".

Sheekadan maxay ayaynu ka faa'idayna ?

Waxa ay ila tahay in sheekadani ay inoo faa'idaysay in aynu markasta wax hubsano,isdejino oo aynaan ku degdegin ficilada khatarta ah ee keeni kara ama hadhaw nolosheena aynu ka qoomamayn doono.

Maxaad sheekadan ka fahamtay adigu akhriste?

Khadar Aar.


No comments:

Post a Comment