SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaableh: Abbaayo iyo Abboowe waligay cay ayaan u aqaanay !


Gabadh u dhalatay Somaliland ayaa waxa ay gaadhay wadamada Yurub qaar ka mida,kadibna waxa ay isku dhiibtay sheegatayna in ay kasoo jeeddo dhalasho ahaan Koonfurta Somaliya gaar ahaan inta ku dhowdhow Muqdisho,
waxaanay ku dacwootay in ay cabsi awadeed ay kasoo carartay dhibtii ay Shabaab ku hayeen.

Waxaa xafiiska dacwadeeda lagu eegaayo si wadajira u fadhiya gabadha dacwadeeda la dhagaysanaayo ,turjubaan loo qabtay,qof ka socda dawlada ahna qofka su'aalaha waydiinaaya dacwootada iyo Looyar dhinaca sharciga ka caawiya Haweenayda.

Hadaba iyada oo badhtanka lagaga jiro kiiskeedii ,su'aashii la waydiiyana ay kaga jawaabayso wixii ay u diyaarsatay,ayaa halmar waxa uu ninkii turjubaanka ahaa gabadhii waydiiyey su'aal ka timo qofkii hawshan qaabilsanaa,turjubaankii si toos ah umu gudagalin Su'aashii oo mutaxan waxa uu ka horaysiiyey erayga abbaayo waxaanu ku bilaabay sidan oo kale : Abbaayo ..........?




Hadaba gabadhii iyada oo aan suginba dhamaadka su'aasha ayay cadho la sarajoogsatay waxaanay ku tidhi turjubaankii"" Adiga iyo Hooyadaa ayaa Abbaayo ah,waar ma anaad i caayaysaa oo aad abbaayo igu leedahay"!!!

Gaalkii xafiiska fadhiyey ayaa waxa uu dareemay in Turjubaankii iyo gabadhii khalad uu dhexdooda ka dhacay ,kadibna waxa uu turjubaankii waydiiyey waxa ay gabadhu ka xanaaqday,turjubaankii isaga oo isbaraxaaya runtana sheegaaya ayaa waxa uu afkii qalaad ku yidhi ""jaaja juu jii kaa kii iwm"" calashaan "Gabadhani Koonfurta Somaliya in ay u dhalatay ayay sheeganaysaa dhalasho ahaan ,kelmadda Abbaayo oo koofur caanka ka ahna cay ayay u haysataa".

Wakhtiyar ka bacdi waxa lasoo afjaray hawshii xafiiska loo fadhiyey,gabadhiina waxa loo sheegay in wakhti dhaw kiiskeeda go'aan laga gaadhi doono,muddo ka bacdina waxaa usoo baxday DIIDMO,waxana loo sheegay in sababta ay Diidmada ku mutaysatay ay tahay in aanay dhalasho ahaan kasoo keedin Koonfurta Somaliya isla markaana ay u dhalatay Somaliland ,taas oo lagu ogaaday kadib markii ay Abbaayo u fahamtay in ay tahay cay.

Qisadan aniga gabadha ay ku dhacday ayaa iiga sheekaysay,waxanay ii sheegtay in ay waligeedba erayga Abbaayo iyo Abboowo ay u taqaanay cay iyo aflagaado ay reer Xamarku isku cayaan,tasaa la leeyahay hays-raacdo.

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

No comments:

Post a Comment