SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiimaha Hooyadu leedahay .

Odhaah iyo Eray, Tix iyo Tiraab midna lagagama lallayn karo, lagumana soo koobi karo qiimaha iyo qaayaha hooyadu ay ka leedahay nolosha aadamaha iyo ifkoo dhanba.

Lama inkiri karo lagamana ilduufi karo kaalinteeda mugga iyo miisaanka ku qotonta, sidaas oo ay tahayna waxa ayaan darro ah hadii aynu ka irdhowno is xasuusinta qiimaha hooyada.

Hooyadu waa laf dhabarta wax alaale wuxuu EEBE uumay gaar ahaan aadamaha, waxaana shaki laana laf dhabartu inay tahay waxa kaliya ee wax walba la’aanteed aanu taagnaan Karin ama aanu jiri Karin.

Hooyadu waxaan odhan karaa waa nimcada ugu wayn uguna balaadhan ee ilaahay ku galladay uumiyaha.

Hooyadu waa iftiinka u baxa uumiyaha dhamaantiisba, iftiin kaasi haduu damana dhamaanba uumiyahu uu u dhamaan lahaa sida shamaca lashida uu u dhamaado.

Waxa kale oo aynu ogsoonahay in diinta islaamku ay si balaadhan uga faallootay una iftiimaysay qiimaha iyo qaayaha hooyadu leedahay. Sidoo kale Nabigeena suuban NNKH uu isna si waadaxa dhankiisa uga war bixiyay mugga iyo miisaanka hooyada iyo sidoo kale mansabka ama martabada hooyadu ay ku leedahay nolosha uumiyaha.

Qiimaha, qaayaha, qaddarinta, xushmaynta, intaba waxa inaga muddan hooyo macaan.

Waxa aynaan malaysan Karin in hooyadu ay tahay qofka ugu samirka baddan, ugu dulqaadka baddan, ugana xushmaynta baddan marka loo eego ilmiheeda, wiil iyo gabadh kuu ahaadaba.

Si kastoy ahaataba waxa aanu qof kastaaba inkiri Karin in aanu raali ka ahayn, hal ill bidhiqsi inuu dhabarkisa ku qaado qof kale oo nool. Haddaba hooyadu waa ta kaliya ee raali ka ah in ay dhabarka u ridato ilmaheeda, muddo aad u dheerna ay ku sido. Sidoo kale hooyadu waa ta kaliya ee u badheedhay in ay 9 bilood oo ka horaysa wakhtigaas in ay uur keeda ku qaado.

Hooyadu waa ta kaliya ee u golongoshay in ay ilmaheeda u marto dhib iyo xanuun kiisa u kulul uguna rafaadka badan. Hooyadu waa ta kaliya ee maagtay raaxada iyo nolosha macaan ugana door bidday xanuunka, rafaadka, silica, balanbalka iyo nolol aan raaxo lahayn. Isla markaana u hibaysay nolosheeda reexadeedi in uu ku naalloodo ilmaheedu.

Waxa la ogsoonyahay in umaddo baddan oo caalamka ku noolaan jiray qarniyadii tagay aysan haba yaraatee ruuxna ka hadhin wakhti xaadirkan. Sababtuna ay tahay waaqacyo baddan oo lasoo darsatay awgood.

Haddaba waxaynu odhan karnaa hooyooyinka soomaaliyeed meel kastay ku nool yihiin waa hooyooyinka inaga muddan mahad gaar ah.

Sababtuna ay tahay 25 kii sanno ee u danbaysay ummada soomaaliyeed meel ay jaan iyo cidhib dhigtay lama arkeen. Waxaanay ku biiri lahaayeen umaddaha caalamka sida tooska ah uga dabbar go’ay. Sababtuna ay tahay dagaalo hor leh iyo dhibaatooyin aad u tiro baddan oo lasoo darsay awgeed. Waxaynu odhan karnaa jiri taanka ummada soomaaliyeed waxa kaalinta koowaad ka ciyaraya mar walba waa hooyooyinka somaliyeed. Iyaga oo u adkaystay, u samray, una babac dhigay, dhabar kana u ritay silica iyo saxariirka, dagaalada iyo qaxa, nolosha adage e dhibaatada leh.

Hooyooyinka aduun waynaha dhamaan gaar ahaan hooyooyinka soomaalida. Ilaahay waxaynu uga baryaynaa in uu ilaahay xaqooda gadaal ka siiyo camal kooda oo saalixana ilaahay midigta kasiiyo, ilaahay waxaynu uga baryaynaa in ilaahay intooda dhibaataysan dhibta ka kor faydo, intooda xanuusanaysa ilaahay caafimaad sareecana ugu badalo. Amiin Amiin Amiin…..

Waxaynu ogsoonahay qiimaha iyo qaayaha hooyada in ilaahay Qurankisa Kariimka ah inoogu sheegay. Sido kalena Nabigeeni suubanaa NNKH uu inoogu iftiimiyay axaadiis aad u tiro badan.

Haddaba aynu isku dayno in aynu soo qaadano xadiiskii saxeexa ahaa ee ka hadlayay xaqa waalidka.

"Nabiga NNKH ayaa waxaa u yimi nin wuxuuna ku yidhi: – Rasuulkii Ilaahayoow yaa dadka iigu dhaw, iiguna horeeya isla markaana aan u wanaag falaa?

Rasuulkuna NNKH wuxuu ugu jawaabay HOOYADA. Ninkii wuxuu ku celiyay yaa kale? Haddana HOOYADA. Ninkii wuxu ku celiyay yaa kale? Haddana HOOYADA. Ninkii haddana wuxu ku celiyay yaa kale? Markas ayuu ugu jawaabay Rasuulku NNKH AABAHA".

Waxaynu aragnaa in Rasuulku NNKH uu saddex jeer ku celceliyay xaqa ay hooyadu ku leedahay diinta islaamka dhexdeeda.

Haddaynu u leexano dhinaca suugaan murtiyeedka soomaalida iyo waxay ka iftiimiyeen qiimaha hooyada. Abwaano baddan ayaa isku dayay inay gabbay, geeraar, calaacal iyo heesba ku balbalaadhiyaan qiimaha iyo qaayaha hooyada, dhinac walba ha ka istaagaane.

Abwaan Xassan Daahir Ismaciil (Wedhsame). Waa abwaan da’a yar isla markaana hees maansood ku muujiyay xaqa hooyada iyo qiimaheeda. Waxanay leedahay sida tan.

Saddex goor xaq mudan leeyeey hooyo

Xinjirtayda dhiigaay, xaram kii labaadeey

Xaaska hayba diisaay

Xogogaalkii dhaqankaay, xilibaanka noloshaay

Xuddun taan ka beer maay

la’aanta xayaatada hooyo xabaal baan ka galilaa.

Heestaasi waxay ahayd tudduc aan kasoo xigtay heesta (Saddex goor xaq mudan leey) ee xassan daahir ismaciil weedhsame alle ha waafajiyo ereyada inteeda suuban.

Haatana aan isku dayo ra’yigayga ama fikirka ku aadan mawduucan qiimaha hooyada in aan in yar oo kooban ku baraarijiyo shacab waynaha soomaaliyeed meel kastooy ku noolyihiin.

Gabadha soomaaliyeed, ta aan hooyada ahayni bari ayay noqon hooyo ta ahina waaba hooyo o aynu ila manta faaqidaynay xaqeeda haatana waxan odhan lahaa in la dhawro hooyooyinka iyo dhamaanba gabdhaha soomaliyeed lana dhawro sida ugu macqulsan marwalbana ay noqdaan qofka kaa xaq mudan wax walba oo kale.

W/Q: Nagiib Abdi Raabi

No comments:

Post a Comment