SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Mukhtaar Rooboow Abu-maansuur oo Shabaab Afar-jaho ay kasoo werareen.

Iftiinkacusub.com: 9/8/ 2017 (IC) -Wasiir ku xigeenka wasarada Amniga ee maamulka gobolleedka Koonfur galbeed Cabdirisaaq Cabdi Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in dagaal culusi uu ka dhex dhacay Al-shabaab iyo ciidankii difaaca iyo Ilaalada u ahaa Mukhaar Rooboow Abuu-Mansuur.

Dagaalkan oo ka soca ilaa hadda dhulka Buuralayda ah ee magalada Xuddur, ayaa leysku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la xaqiijinayaa in ay dagaalka hogaaminayaan saraakiin iyo madax ka tirsan Alshabaab,kuwaasi oo Afar jaho kasoo weeraray goobta Fadhiisinka u ah Mukhtaar roobow.

Dagaalka oo sida la sheegaayo soconaya mudo aan ka yarayn Afar saacadood,ayaa xogaha la helayaa waxa ay sheegeen in uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Abal, oo ah dhul isugu jira Kaybo iyo BUURO,waana mida la filaayo in ay Mukhtaar Roobow u sahasho in uu muddo dagaalami karo.

Wasiir ku-xigeenka amniga ee maamulka Koonfur galbeed ayaa warbaahinta u sheegaya in ay qorsheynayaan in ay saacadaha soo socda ,in ay halkaas gaadhaan una diraan ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed iyo AMISOM oo wada jir ah,hasse yeeshee ma uusan sheegin in ciidamadaasi gacan siin doonaan Mukhtaar Rooboow iyo in kale.

Tan iyo markii uu Mareykanku ku dhawaaqay in uu xayiraadii saarneyd uu ka qaaday Mukhtaar Rooboow, Al-shabaab waxaa ay godoomin ku hayeen deegaanka uu ku nool yahay ee gobolka Bakool ka tirsan, iyaga oo marar kala duwan ka codsaday in uu dib ugu soo noqdo Ururka.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment