SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wasiir Cali Mareexaan arintii FLY-Dubia isagaa buunbuniyey ee waa arin maalinwalba dhacda lana xaliyo.

Iftiinkacusub.com: Haddii aad tahay qof masuul ah ,isla markaana aad qaranka u hayso xil Wasiir nimo iwm ,waxa waajib kugu ah in aad ka fogaato waxyaabaha dadka curfiga iyo kala fogaynta ku abuuraaya,waxaana xaq laguugi leeyahay in waxkasta ku dhamayso caqli iyo garasho,waxba ma tarto i arkaaaaaaay i maqlaaaaaay iyo igu sawiraay.
Jimcahii aynu kasoo gudubnay waxaa Garoonta ay Diyaaradahu ay ka duulaan ee Hargaysa ka dhacday dhacdo aan sidaasi u waynayn ,balse uu buunbuuniyey Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland Cali Xasan (Cali Mareexaan)

Sida ay wararku inagu soo gaadheen waxaa diyaarada Fly-Dubia soo fuushay gabadh u dhalatay Somaliland,taasi oo sifa sharciga waafaqsan kusoo kortay Diyarada,balse aan fadhiisan Kursigii iyo booskii markaasi loogu talagalay ee ay xaqqa u lahayd.

Faallo kooban oo gabadha Diyarada laga dejiyey ka hadlaysa:

Horta arintan aynu laba arimood u kala qaadno,midi waa qofka iyo waxa sharci loogu leeyahay ,midda labaadna waxa ay tahay, qofka diyaarada raacaya iyo cabashada uu gudbisto iyo cidda xaqa u leh ee uu u gudbinaayo baahidiisa.

Gabadhan muwaadinada ah oo iyadu markaasi sidatay sida la sheegay ama sawirkeedaba laga arkay Ilmar oo caruura,ayaa waxa ay fadhiisatay Kursi iyo Boos aanay lahayn,kadib markii ay kursigeedii siisay sida uu Wasiirku inoo sheegay qofkale (Islaan)

Hadaba arinta noocan ahi inta badan waa mid ka dhacda gadiidka la raaco oo dhan hadii ay Diyaarad tahay iyo hadii ay wax kala tahayba,waanay dhacdaa markasta in qof dhibaataysan uu codsado in boos aan kii loogu talagalay aan ahayn in la siiyo,waase hadii uu waydiisto qofka iska leh booskaasi.

Marka aynu ka nimaadno dhinaca cabashada iyo codsiga uu qofku dhiibanaayo,xaq uma laha in uu markaasi ku dhaga'adaygo in aanu banaynayn Boos iyo Kursi aanu markaasi xaq u lahayn.

Kursi kasta oo Diyarada ku yaala waxaa ku qoran qofkale oo Lacag ka dhiibtay, ma jiro Kursi aanay cidi fadhiyini, haddii aanay markaasi Diyaaradu ahayn mid faaruq ah oo aanu dad badani saarnayn.

Hadaba sida wararkale oo madax banaan lagu helayaa waxa ay sheegayaan in gabadhaasi ay ahayd mid runtii aan gudbisan codsi ay ku dalbanayso in si naxariisleh Kursiga loo siiyo,waxa kaloo iyana jirta in gabadhaasi haba yaratee xataa aanay waydiisan Kursigaasi danbe ee ay fadhiisatay ciddi lahayd ,taas waxaa kuu cadaynaaya hadii ay jiri lahayd cid Kursigaasi leh oo u ogolaatay in aanu yimadeen isqabsigani.

Intaasi oo dhan waxaa dheeraa,sida wararka qaar sheegayaan in gabadhaasi awalkiiba ay Diyaarada soo fuushay iyada oo xanaaqsan,way dhici kartaa in meelo kale ama gurigii ay ka timi lagaga soo cadhaysiiyey,balse taasi hada ma shaqaynayso,xaq waxa aad u leedahay oo kaliya marka aad Diyaarada soo fusho in aad fadhiisato Booska iyo Kursiga aad leedahay ,hadii Kursigaaga aad adigu cid ku raali galisayna xaq waxa aad u leedahay in aad barido cida Kursiga aad fadhiisanayso iska leh.

Shaqalaha Diyaaradu xaq uma laha in ay iyagu qofka Rakaabka ah ku fadhisiiyaan kursigii ay doonaan,sidoo kalana kuma amri karaan qofka Rakaabka ah in uu baneeyo Kursiga uu xaqqa u leeyahay,hadii aad Diyaarada soo fuushana amarka iyo kala danbaynta waxaa iska leh shaqaalaha Diyaarada.

Hadiiba ay dhacdo in Diyaarada aad ka waydo meel markaasi kuu qalanta,iyada oo ay jirto dhibaatoyin adiga markaasi kuu gaar ah,waxa aad xaq u leedahay in aad u gudbiso hadba cidda markaasi xaqa u leh,hadii lagaa diidana waxa waajib kugu ah in aad Diyaarada iskaga degto ama aad ku khasbanaato in aad raacdo,balse xaq uma lihin amardiido,waana shuqulka Somalida lagu yaqaano.

Wasiir Cali Mareexaan:

Sida aynu dhamaanteen wararka iyo qoralada Wasiir Cali Mareexaan ku arkaynay,waxa isna diyarada saarnaa oo Rakaabka ka mid ah wasiirka Hawlaha guud Cali Mareexaan.

Wasiir Cali ayaa intii aanu warkuba soo bixin waxa uu si uu degdeg ku jiro Barta uu ku leeyahay Facebooka soo galiyey qoraal uu ku sheegaayo in uu ka cadhooday sida uu hadalka u dhigay, gabadh Somaliland-dar ah oo lagu bahdilay Diyaarada Fly Dubia,taas awadeedna uu isaga laftiisu uu kansal gareeyey safarkii uu ku raaci lahaa diyaradaasi.

Maxuma in wasiir Somaliland ka tirsani uu shacbigiisa iyo dadka uu madaxda u yahay in uu u damqado hadii markaasi laga gardaran yahay,waana wax fiican isagana sharaf iyo karaamo ayay u noqonaysaa.

Balse su'aasha meeshaa talaa waxa ay tahay, Wasiir Cali Mareexaan waxa aad moodaa qaabkii uu u hadlaayey markii uu qoraalka soo qoray in uu u eekaa in uu gartii cidsiiyey gardaradiina uu cid kale saarayo.

Wasiirku qoraalkiisa marnaba kumuu xusun in gabadhaasi Kursiga ay calmatay ciddi ku fadhiday uu codsi ula tagay ,isaga oo ka baryaaya in ay gabadhaasi caawiyaan,balse waxa uu markiiba Wasiirku cadho kula dulkufay Diyaarada iyo shaqalaha madaarka oo uu iyana si dadban u dhaliilay.

Wasiir Cali waxa kaloo markaasi qoraalkiisa ku xusnaa markii uu diyaarada kasoo degay in uu sheegay in uu raaci doono Diyaaradaha Somalida,taasi waxa ay ku tusinaysaa in uu Cali Mareexaan cadho gaar ah u qabay shirkadaha diyaaradaha ,gaar ahaan kuwa Ajannabiga ah ee dalka yimaada.

Cali Mareexaan in uu Diyaaradaha Somaliland ka hawlgala in uu kala xigtaysanaayo waxa aad ka dareemaysaa hadalkiisa ahaa ,""waxa aan raacayaa diyaaradaha Soomaalida"" taasi waxa ay ku tusinaysaa in uu Cali kasoo horjeedo halganka iyo dadaalka loogu jiro in dalka logu soo jiido shirkadaha Ajanabiga ah si ay uga qayb qataan horu marka dalka.

Waxaa kaloo Hadalkaasi laga dhan-dhansan karaa in Wasiirkuu aanu jeclayn Diyaradaha Itopiya,Fyldubia,D.Jabuuti iwm,waayo Wasiirku marnaba muu odhan waxa aan racayaa diyaarad ,balse waxa uu carabka ku dhuftay in uu raacaayo diyaradaha Soomalida,taasina waa kala xigtaysi kumana haboona nin madax ahi uu sidaasi u hadlo.

Waxyabaha kale ee uu Wasiirku ku tiraabay waxaa ka mid ahaa in uu sheegay in ay Somaliland ka jiraan Diyaarado dadka Somaliland**Laad kaga soo dejiya Diyaarada;taasi lafteedu waxa ay ku tusinaysaa in uu wasiirku habkan uu u dhaqmayaa uu yahay mid ka baxsan anshaxa iyo karamada uu leeyahay ninka wasiirka ahi.

Wasiir Cali markii uu Diyaarada kasoo degay waxa la sheegay in aanu gabdhii uu u calacalaayey in uu markiiba cidlo kaga tagay,taasina may ahayn mid fiican waayo madamaa uu hawsha intaasi leeg galayba waxa ay ahayd in uu waxoogaa gabadhaasi gacanqabto hadii ay dhab ka ahayd.

Ced sheegi kartaa ma jirto Cali Mareexaan iyo Gabadhaasi wax ka dhaxeeyey, inaguna maaha in aynu ku danbaabno,balse hadii ay arintu Ilahay dartii ka ahayd Wasiirkeena sharafta leh waxa ay ahayd in uu kaalmada sii waddo oo aanu ka tegin.

Wasiir Cali Mareexaan waxa uu sheegay isla markaana uu Guuuuuul ka dhigtay in uu kasoo degay diyaradii colaadisay,sida uu hadalka u dhigay Gabadh Somaliland dar ah,balse Wasiir Cali ismuu waydiinin in cida uu markaasi wax ka sheegaya in ay tahay Madaarka iyo shaqalaha ,taasina ay keeni karta in Somaliland Garoomadeeda la aamini waayo,sababta oo ah "iyadoo loo arko in ay xukuman dalka wasiiro dadka rakaabka ah ku tageeraaya xaqdarada".

Waxyabaha kale ee iyaguna khaladka ahaa waxaa ka mida in dacwada gabadha la gaadhsiiyo heer wasiir,waayo wasiirku ma xukumo Diyarada,iyada oo ay sidaasi tahay hadana, WASIIR FARXAAN ADAN WAXA UU KA QAATAY DOORKII SAXA AHAA EE UU KU LAHAA ARINTAASI.

Qofkastaa waxa uu leeyahay masuuliyad gaar ah,Bayloodka Diyarada waxa waxa uu masuul buuxa ka yahay dadka rakaabka ah ee Diyarada saaran,waxaana hubaal ah in loo qabsanaayo hadiiba ay dhacdo masuuliyad darro ka timaado dhankiisa iyo dhanka shaqalaha,waana mida keenaysa in uu ka qaato go'aamo adag qofkii uu u dareemo in uu dhibaato ku yahay Diyaarada.

Wasiirka Duulista Hawada Farxaan Aadan Haybe waxa uu ka qaatay Ilahay ayaa ina lehe arintaasi doorkii ugu sharafta iyo karamada badnaa,waxaanu ku sugnaaday cadaalada isaga oo aan dhinacna u hiilin, balse waxa intaasi dheer in uu ilaaliyey nidaamka iyo kala danbaynta ,waxaanu ku dhaqmay hananka ay madarada Aduunku u shaqeeyaan.

Midda kale may jirin sabab Diyaarada oo dhan rakaabka looga soo dajiyaa,manay muuqan caqabad iyo dhibaato intaasi leegi,balse Cali Mareexaan waa ay ka xumaatay,waxaanu islahaa Taalo ayaa laguu dhisayaa balse waxa ay hoos u dhigtay garashadiisii.

Waxa aan qoraalkayga kusoo gaba-gabaynayaa waxaa ii muuqatay in uu Wasiir Cali Mareexaan uu qaaday gar hal dhinac ah ,isla markaana uu ka baydhay dhinacyadii kale wixii ay gar lahayeen ,waana mid keenaysa in wax la iska waydiiyo Masuuliyada Cali Mareexaan uu qaranka u hayo iyo sida uu ugu cadaalad fali doono.

W/Q:Khadar Ibrahim Aar

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment