SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso yaableh: Aabe Ilmayar oo uu dhalay qayb ka mida jidhkiisa ka jaray!

Iftiinkacusub.com: Caruurtu waxa ay ka midyihiin waxyaabaha ugu badan ee aynu ku faano,waa hadyad iyo fadli dheeraada oo Ilahay uu ina siiyey,hadana iyada oo sidaasa waxa aad moodaa in aanay dad badani dareen sanayn hadii caruur la'aani ku dhici lahayd sida uu noqon lahaayeen.

Waxaa jira dad badan oo iyagu marka ay caruurtoodu galaan danbi yaryar ,oo aanay garanayn sababtii ay u sameeyeen,ka aar goosta isla markaana u gaysta dhibaato ka badan danbigii yaraa ee ay sameyeen caruurtu.

Ma fiicna in caruurta ciqaab loo gaysto ama la garaaco,sidoo kalana ma wanaagsana sharcina maaha in cauruurta loo muujiyo cadaawad dheeraada,ilma kasta waxa uu dhibaato gaysanayaa isaga oo aan aqoon u lahayn ama ay qaadayso caruurnimadu.

Hadaba waxa an halkan idiinku soo gudbinayaa qiso yaab badan oo ku saabsan Aabe isagu Ilmahii yaraa ee uu dhalay dhaawaca halisa u gaystay,kadib markii Birtii uu ku dhuftay ay goysay ama ay jartay Farahii ilmaha yar qaar ka mida.

Waatan sheekadii.

Nin oday ah isla markaana wax caruura leh hal inan(Wiil) ayaa waxa uu soo iibsaday Babuur aad u qurux badan,waxaanay ahayd markii ugu horaysay ee uu noloshiisa baabuur yeesho,waanad fahmi kartaa waxkastaa marka ay kugu cusub yihiin waxa ay leeyihiin xiise gaar ah.

Ninkii markii uu Babuurkii keenay Gurigiisi ayaa sida inta badan iska caadada ah,waxaa markiiba farxada gaadhiga uu soo iibsaday Aabaha qoysku kusoo cararay dadkii markaasi guriga ku noolaa oo ay ka mid yihiin xaaskiisii iyo Wiilkii yaraa ee uu dhalay ,kaasi oo markaasi da'diisu aanay ka waynayn Todoba sano.

Markii Babuurkii la daawaday iyada oo lagu faraxsan yahay, la isuna hanbalyeeyey ,ayaa waxaa goobtii ka dhaqaaqi waayey Wiilkii yaraa ee uu dhalay Aabaha Gaadhiga soo iibsaday,kaasi oo markaasi ka xiiso goyn waayey Gaadhiga uu Aabhii soo iibsaday quruxdiisa.

Wiilkii yaraa waxa uu marba dhinac kaga wareegayaa Gaadhigii,mararka qaarna waa uu dhunkanayaa farxada iyo jacaylka uu u qabo Aabihii in uu gaadhi soo iibsaday,isaga oo jeclaan lahaa in uu Aabihii mar uun u furo in uu Gaadhiga shidhka ama gudaha uu u galo,si ay farxadiisu u dhamays tirnaato.

Balse Aabaha isagu Gaadhiga soo iibsaday isla markaana dhalay Wiilka yar ayaa waxa uu u diiday in uu mar naba u furo Gaadhiga gudahiisa,isaga oo markaasi kala lexejeclaabaaya ama aan ogolayn in uu Ilmaha yari gaadhiga gudaha u galo.

Si kastaba ha ahaatee, Ilmiihii yaraa oo wali Gaadhigii Aabihii sidii ugu dulwareegaaya,caruurnimo iyo kalgacalka uu Gaadhigan u qabo awadiina aan markaliya dhinacna uga dhaqaaqin,ayaa waxa uu soo qaatay Dhagax yar,kadibna waxa uu Gaadhigii meelka mida ku qoray qoraal ah"Aabo waan ku jeclahay" taasi oo uu uga jeedo farxada gaadhiga iyo mar-uun in uu gudaha u gali doono ama uu raaci doono .

Waxyar ka bacdi Aabihii ayaa waxa uu arkay Wiilkiisii yara oo Gaadhigii cusbaa xariiqyo ku sameeyey, kadibna si lama filaan ah ayaa waxa uu wiilkii yaraa ku soo tuuray ,Birta loo yaqaano Shaag-baanaha,oo iyadu ah Bir Gaadhiga qayb ka mida lagaga shaqeeyo.

Birtii sida xooga lahayd uu ugu soo tuuray,waxa ay Inankii yaraa ka qabsatay Labada Farood ee gacanta Midigta,kadibna waxa uu halkaasi ku waayey Laba Farood oo gacantiisa ku yaalay ,iyada oo ay isu qabteen Birtii uu Aabihii kusoo tuuray iyo qayb gaadhiga ka mida.

Qayladii iyo Dhiig baxii Inanka yar ayaa Aabihii waxa uu Wiilkii yaraa ula cararay dhakhtarka,balse akhriste ma isleedahay Wiilkii yaraa iyada oo gacmaha Dhiigu ka tifleeyahay Ilmada iyo oohintana aad yaabto ,ayaa hadana waxa aad uu Aabihii dareemay farxada uu Inankiisa yari ku faraxsan yahay gaadhiga uu soo fuulay iyo raaxada uu dareemaayo.

Inankii yaraa markii dhakhtarkii Aabihii geeyay waxaa la ogaaday in laba farood oo gacantiisa ka midii ay go'an yihiin,kadibna waa lasoo duubay waxaana laga joojiyey Dhiigii ka qubanayey,waxaana uu Aabihii usoo dhaqaaqay dhankii Guriga.

Arinta layaabka lihi waxa ay tahay in Inankii yaraa markii uu arkay in laba farood oo gacantiisa ka midii ay maqan yihiin,waxa auu Aabihii ku bilaabay hadal ah"Aabo goorma ayay Farahu ii soo baxayaan"taasi oo uu uga jeedo in aabihii ka jaahil saaro in farahisii usoo noqonayaan iyo in kale,taas oo uu Aabihii ku noqoday caloolyow iyo murugo.

Aabihii markii uu Inankisii yaraa Gurigii geeyay,ayaa hadana Wiilkii yaraa isaga oo dhawacan waxa uu damcay in aanu ka degen Gaadhiga aabihii,waxaana farxad iyo rayn-rayn u noqotay fadhiga oo fadhiyo gaadhiga gudahiisa,taasi oo xataa ilaw siisay xanuunkii faraha badnaa ee kasoo gaadhay dhawacii uu Aabihii u gaystay.

Markii danbe Aabihii waxa uu wiilkisii yaraa kasoo dejiyey Gaadhigii,markii uu dhulka uga soo dhaadhacay ayaa wiilkii yaraa inta uu Aabihii gacanta qabtay ayaa waxa uu tusay wixii uu Gaadhiga ku qoray,Aabihii ayaa waxa uu arkay indhahana ku kala qaaday qoraal aanu marnaba filayn oo ah "Aabo waan ku jeclahay",taasi oo markii danbe Aabihii ku noqotay murugo labaad isla markaana uu la ilmeeyey.

Balse waxaa intaasi u dheerayd Aabihii in wiilkii yaraa markasta uu waydiiyo Aabihii in ay faarahii dhawaan usoo baxayaan iyo in kale,aabuhuna aanu hayn wax uu kaga jawaabo.

Runtii qisadani waxa ay ku tusaysaa,Waalid badan oo caruurtoodu markay dhibaato yar sameeyaan uga aargoosta sida cadawga ,una gaysta dhaawac iyo dhibaato aanay waligood kasoo kabanayn.

Waxa aan ku talin lahaa caruurta yaan lagula degdegin in dhibaato loo gaysto,dhibkasta oo aad Ilmahaaga u gaysataa waxa uu markasta kuu keenaysaa hadiiba aad garaad leedahay in ay noloshaada murugo iyo calool-yow kugu abuurto.

Iftiinkacusub.com

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.


No comments:

Post a Comment