SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Wakiilkii Xisbiga Ucid ee dalka South Afrika Maxamed Sh Cabdilaahi Axmed oo maanta Hargaysa lagusoo dhaweeyey.

Iftiinkacusub.com: Wakiilkii mudada badan Xisbiga Cadaladda iyo daryeelka ee Ucid u fadhiyey Dalka Koonfur-Afrika gaar ,ayaa waxa uu maanta gaadhay dalkiisi hooyo gaar ahaan magalada Hargaysa.

Siyaasi Maxamed ayaa waxa halkaasi kusoo dhaweeyey dad yaw aad u farabadan oo ka kala socda hawlwadeenada Xisbiga Cadalada iyo daryeelka ee Ucid iyo dadyaw kale oo iyagu soo dhawaynta siyaasiga ka qabgalay.

Maxamed oo isagu warbaahinta madaxa banaan la hadlay ayaa waxa uu markii u horaysay u mahadnaqay dadyagii aadka u faraha badnaa ee soo dhaweeyey,waxa kaloo uu Maxamed sheegay in sababta ugu wayn ee uu dalka ugu soo noqday ay tahay,in uu dadkiisa iyo dalkiisa kala shaqeeyo sidii loo horumarin lahaa.

Maxamed waxa kaloo uu madaarka Cigaar intii uu ku sugnaa uu sheegay in uu si hagar la'aan ah uga qaybqaadan doono doorashooyinka wakhtiga yari inaga xigo ,isaga oo balan qaaday in uu Xisbigiisa cadalada iyo daryeelka sidii uu usoo bixi lahaa uu guntiga-dhiisha isakaga dhigidoono.

Maxamaed waxaa markii danbe lasoo galbiyey goobta uu ka degan yahay Magalada hargaysa,iyada oo la filaayo in ayaamaha inagu soo socda uu Maxamaed kormeero shaqo iyo kuwo booqasho Ehelkiisiiba ah uu ku taki doono deeganada uu kasoo jeedo ee Bariga Sanaag.

Maxamaed Sh Cacbdilaahi oo ah siyaasi dhalinyaro ah isla markana la odhankaro waxa uu waxbadan ka qabtay intii uu qurbaha joogay Siyasada Somaliland gaar ahaan tan xisbiga Cadalada iyo daryeelka ee Ucid.

Maxamaed waxaa uu dalka ka maqnaa muddo ku dhawaad aan ka yarayn Toban sano,isaga oo markasta ku hawlanaa sidii uu horumar iyo wax la taaban karo uu u gaadhsiin lahaa dalkiisa Somaliland.

Siyasigan da'da yar ayaa waxa laga yaaba in uu ayaamaha inagu soo aadan in uu xisbiga Ucid looga magacaabo xil ka gadisan midkan uu iminka u hayey ee ahaa wakiilka South Afrika u jooga xisbiga,waxaana dhici karta in uu Maxamad sida la filaayo loo magacaabo xil culus kaasi oo la fili karo in uu si hagar la'aan ah uga soo bixi doono.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment