SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xisbiga Mucaaradka ah Kenya oo sheegay in la xaday Hanaankii Doorashada.

Arbaco, 09/8/ 2017 Hogaamiyaha mucaaradka ugu awooda badan ee dalka Kenya Raila Odinga oo tartan xoogan kula jira Madaxwaynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in hannaankii doorashada la jabsaday, isaga oo arintaa ku tilmaamay ‘’khiyaano weyn oo xad dhaaf ah’’

Waxaa uu sheegay Raila Odinga in kooxaha jabsaday Kombiyuutarradu ay badaleen natiijada doorashada iyaga oo ka dhigay mid uu ku horreeyo Uhuru Kenyatta.

Website-ka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee loo soo gaabiyo IEBC, ayaa muujinaya in madaxweyne Kenyatta uu doorashada ku hoggaaminayo codad ah 54%, halka Odinga uu haysto 45%, ayada oo la tiriyey 93% codadka.

Warka ka soo yeedhay dhinaca mucaaradka ayaa shaki badan ku abuuray dadka reer Kenya oo markii horeba wadnaha farta uga hayay,iyaga oo ka baqaayey qalalaase ka dhalan kara natiijada doorashada.

Raila Odinga ayaa intaa ku darray in khiyaanada la sameeyay aanay ku koon nayn oo kaliya codbixinta doorashada madaxweynaha, balse la sameeyey khayaanooyin fara badan oo doorashada oo dhan khuseeya.

""Natiijada hor-dhaca ah ee ay baahisay IEBC ee ka hadlaysa doorashada Madaxwatynaha waa mid gabi ahaanba been abuur ah, kuna salaysan xisaab laba goor la jibaaray ,taasi oo Uhuru siineysa codad aan la dhiiban" ayuu yiri Odinga.

"Khiyaanada ay xisbiga Jubilee ay kula kaceen dadwaynaha Kenya, waxa ay kor ka martay xatooyo kasta oo tariikh ahaan wadanka soo martay,markan waanu ku qabanay" sidaa waxaa yidhi Odinga,kaasi oo madaxweyne Kenyatta ku sheegay inuu yahay "khiyaanoole".

Wali ma jirto wax warbixina oo kasoo baxday dhinaca xisbiga Jubilee iyo soo bandhigitan mala-awaalka ah ee ka waramaysa natiijada doorashada,sidoo kale kamay hadal eedayntan loosoo jeedinayo.

Illaa hada si rasmi ah looguba dhawaaqin cida ama shakhsiga noqonaaya Madaxwaynaha Dalka Kenya,iyada oo goobaha qaar ay wali ka jiraan tirintii codadku,taasi oo ay tahay ayaan la garanayn wax dhici doonaa saacadaha ama ayaamaha soo socda,iyada oo ay dadka qaarkood ay saadalinayaan in uu doorashada ku guulaysan doono Madaxwaynaha hada talada dalka haya.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment