SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaableh: Qabiilkiina imisaa ku dhintay dagaalka?

Xilayadii laga soo noqday dagaalkii jabhadii SNM ay kula jirtay dawladii Maxamed Siyaad Barre,ayaa koox saaxibo ahi ay Makhaayad isugu yimadeen,kadibna waxa ay guda-galeen faalo iyo iswaraysi ku saabsan dagaalkii wadanka ka dhacay iyo sidii uu midkastaaba uga qayb qaatay.

Hadaba Nin kamida raggii Goobta fadhiyay ayaa sheekadii waxa uu u badalay qaab Qabiil oo aan la isku ogayn .Ninkasta oo ka mida Jameecada meesha fadhida waxa uu waydiiyey su'aal ah"" waxa aad sheegtaa Dagaalkii Maxamed Siyaad aynu kula jirnay inta nin ee Reerkiina kaga dhimatay"?

Ninkasta oo ka mida raggii Makhayada fadhiyay dib ayuu isugu noqday,waxanu uu ka fikiray bal in uu ogaado tirada Reerkooda kaga dhimatay Dagaalkii ,kadibna raga badankiisu waxa xasuusteen Boqolaal in ay kaga dhimatay.

Nin isagu ka mid ahaa dadkii meesha fadhiyay ,ayaa xasuustisii waxa ay soo qaban wayday tirada ragii reerkooda kaga dhintay dagaalka , tiro ahaana waxa uu dhaafin waayey dhawr nin oo kaliya ,halka ragga qaar ay boqolaalka soo bandhigeen .

Ninkii markii uu tirada raga ka dhintay uu dhawr dhaafin waayey, arkayna in aanu haynin Mayti Xabaalaha ku jirta oo uu ku faantamo ,dhicina karto in madashan aanu mardanbe soo fadhiisan doonin ,hadii aanu wakhti xaadirkan aanu sheegin in Tolkii uu ku dhamaaday dagaalka,ayaa raggii madasha fadhiyay waxa uu ku yidhi" Ilmadeerayaal waxbaan idinka codsanayaa maantee ii balan qaada in aad iga aqbalaysaan" ; raggi inta uu is eegay ayaa waxa loogu jawaabay "sheeg waxa aad naga codsatay waanu kuu yeelaynaaye" ,kadibna waxa uu soo gudbiyay codsigii waxaanu yidhi "Waar Ilmadeerayaal tolbaynu nahaye Ragga naga dhintay noo kordhiya "! qosol iyo afkala qaad ayay noqotay waana lagu kala kacay

Faanku waxa uu inala marayaa in aynu isugu faano Badnida dadkii inaga Geeriyooday ee Xabaalaha maanta ku jira.

Allaw sahal amuuraha.

No comments:

Post a Comment