SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: Aaboow Quraanka imaad barin!

Nin socoto ah ayaa maalin maalmaha ka mida waxa uu soo maray goob markaasi uu fadhiyo nin oday ah oo murugaysan isla markaana ay Ilmadu ka da'ayso,kadibna waxa uu waydiiyey sababta uu la ooyaayo iyo waxa ku dhacay?

Ninkii odayga ahaa isaga oo Ilmada iska tiraaya ayaa waxa uu ugu jawaabay ninkii su'aasha waydiiyey sidan:-

""Waxa aan dhalay wiilkan oo aan Aabihii ahay , waxa aan u sameeyey nolosha Aduunka waxkasta oo uu u baahdo ,waxa aan siiyey waxbarasho kasta oo wanaagsan si uu u noqdo nin aqoon fiican leh,nimco kasta oo dunida taala waa aan u dhamaystiray,heerka aqoonta waxbarashada waxa uu qaatay shahadooyin aad u farabadan sida:- C.E.P -B.E.P.C-BAC-LICENSE-MASTER-DOCTORAT.

Ninkii odayga ahaa isaga oo hadalkiisii siiwata ayaa waxa uu yidhi" Nasiib darro wiilkaygu hadda waa uu xanuusanayaa ,dhakhaatiirtu dhamaantood waxa ay yidhaahdeen iskuna raaceen in aanay waxba ka qaban karayn xanuunkiisa,waxa kaloo ay nagu wargaliyeen hadal murugo nagu noqday oo ah in fursada kaliya ee uu haystaa nolosha Aduunka ay tahay 30 Sodon daqiiqo oo kaliya in uu noolaado kadibna uu dhinto".

Odaygii wiilka dhalay isaga oo si aad ah u murugaysan isla markaana ay adag tahay sida uu hadalku uga soo baxayaa,ayaa waxa kale oo hadaladisii ka mid ahaa "Wiilkan aan dhalay waxa uu iga codsaday kadib markii ay dhakhaatiirtu nagu wargaliyeen fariinta murugada iyo geerida xambaarsan in aan u keeno dhamaan shahadooyinkii laga siiyey tacabkii waxbarashada ee aan galiyey.

Wakhti yar kadibna waxa aan u keenay wixii shahaado la siiyey halxabana kamaan reebin, balse anigu aabo ahaan ma fahmaayo sababta uu u doonaayo shahadooyinka iyo waxa uu ku samaynaayo,dhamaantood gacanta ayaan ka galiyey kadibna waxa aan si xeeldheer u fiiriyey wiilkaygu waxa uu i odhan doona iyo shahadooyinka waxa uu ku samayn doono.

Hadal layaable oo aanan ka filayn ayaa Inan kaygii afkiisa kasoo yeedhay ,isaga oo ooyaaya kana muuqato cadho iyo ciil aad u wayn oo aad moodo in uu aniga ii qabo waxaanu yidhi :-

"Aabow kuwani waa shahadooyinkaygii waxbarashada ee aad adigu sabab u ahayd in aan barto,balse Aabow ma aadan i barin Quraanka Ilahay ,xaataa Aayad kaliyana ,mana haysto kumana jirto shahadooyinkan aan Aduunka kaga tagaayo mid sheegaysa in aad Quraanka i bartay adigu ,Aabow ma garan doono waxa aan ku odhan doono Allaah wakhti dhaw dhimashadayda ka bacdi ,kadibna wiilkii sidaasi ayuu ku dhintay!!

Saaxibadayda qaaliga ahaw qisadan iyo sheekadan oo kale ma aha wax lagu madadaasho amma maaweelo laga dhigto ,balse waa qiso lagu cibro qaato una baahan in aynu nolosheena waxkaga badalno.

Imisa dhalinyaro ah oo Somaliyeed ayaa maanta waalidkood halgan iyo hammi dheeraad ah ugu jira in ay ka qalan-jabiyaan jaamacadaha dunida ugu sareeya isla markaana aan aqoon xataa hal AAYAD OO QURAAN AH,balse xiftisan oo ay maskaxdooda ka dhaansan tahay cilmi aduunyo oo aan Aakhro waxba uga tarayn.

Waxa aan kula talin lahaa Waalidka aan aniguna ka midka ahay in ay caruurtooda baraan Diinta fahamsiiyaana intii Itaalkooda ah,si ay uga nabad galaan in aakhiro iyaga loo qabsado ama ay carurtoodu aakhiro ku markhaati kacaan in aanay Quraanka iyo Axadiista Nabigeen Muxamad SCW aanay barin.

Qisadan waxaa isoo tabisay walaashay qaali ah Ilahay ajar iyo xasanaad ha ka siiye SAMIA HADI (Saamiya Hadi) waana qalinkii Khadar Ibrahim Aar .

No comments:

Post a Comment