SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waa maanso Cusub oo la magac baxday "Duul Alloow bal ila daya" waxa tiriyay Abwaan,Yusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)

Iftiinkacusub.com: Abwaanku waxa uu Maansadan kaga hadlayaa sida aanay marnaba u fiicnayn in la xalaashado ama laga dhigto hanti Gaar loo leeyahay,xoolaha iyo maalka uu dad waynahu wada leeyahay,waxaanu muujinayaa sida aanay u jirin arimaha noocaasi ah cid ka damqanaysaa taasi oo ay dheertahay diihaalka dadwaynaha ka muuqda wakhtigan xaadirka ah.
Waatan Maansadii:

1.Duruufaha adkaadiyo

2. Waayo lala dakaamiyo

3. Doolkiyo abaaraha

4. marka daaqsinwaa dhaco

5. Duulduulka sebennada

6. dadku uma masoobee

7. Alla dahabsanaayoo

8. Dunwanaagsanaa qaar

9. Damac iyo hanweynaa

10. Darna dabar hallaw iyo

12. Keli doogsi jecelaa

13. Duulbaa ammaanada

14. Dumadooda lagu raray

15. Deeq iyo u qaba siin

16. Damqo oo xishood male

17. Ka dikhood xumaa male

18. Arrimaha badhkood diid

19. Ka dambee ka digarogo

20. Damiirkooda muu siin

21. Diintoodu may qaban

22. Daayinkii abuuriyo

23. Duugga iyo Aakhiro

24. Taladooda kuma darin

25. Daya daya bal ila daya

26. Duul Alloow bal ila daya

27. Dekedaha la iibsaday

28. Dadna gaar u leexsaday

29. Daya daya bal ila daya

30. Dugsiyada xaraashka ah

31. Ardaydoodi debed taal

32. Daya daya bal ila daya

33. Dhulka boobka lagu degey

34. Daaraha la weeraray

35. Daya daya bal ila daya

36. Dillaalkiyo mallaalkiyo

37. Damdamtiyo wishiirriga

38. Daya daya bal ila daya

39. Fadhatada daldalatiyo

40. Dooxatada faraa badan

41. Daya daya bal ila daya

42. Dareenli'ida shacabkiyo

43. Damiirli'ida lagu dhacay

44. Daya daya bal ila daya

45. Maal dawladeediyo

46. Hantidii dadweynaa

47. Daya daya bal ila daya

48. Danaystaha walwaashiyo

49. Sida loogu duurxulay

50. Daya daya bal ila daya

51. Isdifaaca murankiyo

52. Madhalayska doodda ah

53. Daya daya bal ila daya

54. Culimada digaysiyo

55. Farrimaha is daba yaal

56. Daya daya bal ila daya

57. Daya daya bal ila daya

58. Duqaydiyo waxgarakuu

59. Doorkoodi maqanyahay

60. Daya daya bal ila daya

61. Suxufiga duduuciyo

62. Dadka jeelka daayimay

63. Daya daya bal ila daya

64. Isku duubnideennii

65. Dabacsanid alagu riday

66. Daya dya bal ila daya

67. Ummaddii dabayshiyo

68. Dakharada kusoo kacay

69. Daya dayab bal ila daya

70. Hanjabaadda durugtiyo

71. Dilka laysu soo bu'ay.

72. Daya daya bal ila daya

73. Reer hebel difaaciyo

74. Dildillaaca soo baxay

75. Daya daya bal ila daya

76. Danyartiyo masaakiin

77. Dulmigiyo ku tumashada

78. Daya daya bal ila daya

79. Musdambeedka dayrkiyo

80. Gidaarrada kusoo dumay

81. Intaa waxan ku darilaa

82. Dayaxaa dhac waa halis

Maansadan waxa tiriyey Abwaankeenii waynaa ee Yusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)

No comments:

Post a Comment