SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qaabkii Dawlada Somaliya u afduubtay Cabdikariim Qalbi-dhagax.

Waxaa fashil xoogan ka taagan yahay Dowladda Soomaaliya uu Hogaamiyaha ka yahay Maxamad Cabdullahi Maxamad (Farmaajo) taasi oo ku fashilantay Arimo badan oo ugu horeeyo Amniga Caasimada hase yeeshee Arinta ugu xoogan ee iminka Culeyska ka taagan yahay ayaa ah Dhiibistii Qalbi-Dhagax.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ay hogaanka uqabtay Farmaajo waxay Shacabka Soomaaliyeed sugayeen isbadal la taaban karo iyo Hormar-weyn oo ka badalan wax qabadkii Madaxdii dalka Soo martay Burburkii kadib waxaana markii lagu Dhawaaqay in Madaxweynaha Soomaaliya uu yahay Maxamad Cabdullahi Maxamad (Farmaajo) Shacabku ay dhigeen dibad-baxyo waa-weyn oo aan loo kala harin, taasi oo sababtay xataa in loo sameeyo suugaan iyo erayo gooni ah oo ay ka dhacday Ar-farmaajo ee Geeya, hase yeeshee iminka ayaa xaaladu waxa ay mareysaa ar-farmaajo iga qariya.

Waxay dad farabadani oo Soomaaliyeed aad uga xumaadeyn dhiisibtii ay Dowladda Soomaaliya ogolaaday in Cabdikariim (Qalbi dhagax) loo gacan giliyo Cadoowga Soomaaliyeed ee Itoobiya waxaana soo baxay Guux farabadan oo ka imaanayo Shacab, Siyaasi iyo Culimo.

Waxaa wax lala yaabo noqday oo Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ka naxeen in Muwaadin Soomaaliyeed loo gacan giliyo Dowlad Cadow ah iyadoo wadanka uu leeyahay Dowladda.

Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax waxa uu ka mid ahaa qaybtii 21-aad ee ciidankii xoogga dalka Soomaaliya sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa ciidankii Soomaaliyeed ee 1977 dagaalka la galay Ethiopia.

Hadii aan soo gudbino Xogaha Shacabka iyo Warbixino lagu kalsoonyahay oo ku aaday Qaabkii Adan Abdulle International Airport looga qaaday Cabdikariim (Qalbi dhagax) iyo wixii dhacay? (Akhri):

Markii Cabdikariim lagasoo qaaday Magaalada Gaalkacayo ee MUQDISHO la keenay waxaa lagu wareejiyey ciidanka NISA wuxuuna ku xidhnaa xaruntooda waxaana loola dhaqmay si wanaagsan, isaguna wuxuu qabay kalsooni 100% ah inuu Ethiopia ka badbaaday.

Kadib markuu heshiiskii Wareejintu dhacay ayaa waxaa taliyaha askartii NISA ee haysay Cabdikariim sh muuse loo sheegay in Maxbuuska loo wareejinayo goob kale (Xabsi kale) Cabdikariim laftiisa waxaa lagu wargeliyey in goob kale lagaynayo.

Kadib maxaa dhacay?

Waxaa goobta tagay Agaasimaha NISA Sanbaloolshe iyo lataliyaha M/weyne Farmaajo S/guuto Bashiir goobbe waxayna wateen baabuur ayna xabbaddu karin oo laga leeyahay Madaxtooyada (villa Somalia) waxaana la socday askarta koofiyad casta ah ee Madaxtooyada.

Kadib waxaa Cabdikariim la geeyey Safaaradda Ethiopia oo Madaxtooyada ku dhextaalla, waxaana halkaas kasoo raacay laba sarkaal oo ka tirsan Wardoonka Ethiopia, markuu arkay Saraakiisha Ethiopian-ka ayuu Cabdikariim dareemkii ugu horreeyey qaaday, isla dhawr daqiiqo yar gudohood waxaa la geeyey Airport-ka MUQDISHO.

Kadib maxaa dhacay?

Markii laga dajiyey gaadhigii lagu waday ee larabay in diyaaradda lasaaro ayuu Cabdikariim dagaalamay wuxuu ahaa nin xoog badan waxaa xakaym waayey ilaaladii wadday, meeshii waxaa ka dhacay buuq, waxaa soo farageliyey Saraakiishii iyo askartii Airport-ka joogtay waxayna yidhaahdeeen: "celiya ninkan!, diyaaradda xoog laguma saarayee".

Kadib maxaa dhacay?

Dibbaa loosoo celiyey Cabdikariim, waxaa la geeyey xerada Afisyoone, waxaa lagu sameeyey jidh-dil xoog badan, waxaa aad looga garaacay madaxa, lugaha iyo gacmaha markii la jilciyey waxaa madaxa loo galiyey maro lagu qariyey dhammaan madixiisa, waxaana loo xidhay laba dible.

Sidaas ayaa markale loogu qaaday Airport-ka laakiin markan ma’uuna ahayn nin isdhaq-dhaqaajin kara! waxaana lasaaray diyaarad yar oo garoonka meel gees ah ka taallay isagoo ay garbaha kaga jiraan laba askari oo soomaali ah oo Koofiyad cas ah, waxaana sii raacay Saraakiil Tigree iyo soomaali isugu jirta, waxaana laga dejiyey Magaalada Baydhabo.

Hadabo hadalkaani iyo warbixintaani maahan mid lasii dhameystiri karo xanuunkeeda hase ahaatee waxay shacabku sugayaan waxa soo yeeri doono iyo sida ay ka yeeli doonnaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo matalo Shacabka.

Xigasho : Abdirizak Ali Hassan

No comments:

Post a Comment