SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maamulka Koonfur galbeed oo kasoo horjeestay tageradii dawladda Somaliya u fidisay dalka Qadar.

Maamulka Koonfur galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa qoraal uu soo saaray ku taageeray isbaheysiga Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, iyagoo sheegay in go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada khaliijka aan marnaba lagala tashan waxna laga waydiin.

War saxaafadeed ku qornaa Luuqada English oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu sheegay in maamulka Koofur Galbeed uu garab taagan yahay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ,taasi oo ay u arkeen in ay ku jirto dantooda gobolnimo iyo tanSomaliyaba.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Sacuudiga uu ka dhaxeeyo Soomaaliya xiriir iskaashi oo taariikh leh, sidoo kale waxaa lagu sheegay war saxaafadeedka in Imaaraadka uu Soomaaliya ka taageerayo dhinacyada bani’aadanimada, caafimaadka iyo gargaarka deg dega, dadka ku nool dhamaan gobolada dalka oo dhan.

Warsaxaafadeedkan waxaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay Ugaas Xasan Cabdi Axmed, isaga oo sheegay in maamulka Koonfur galbeed taageersan yahay dowladda Khaliijka ee xiriirka u jaray Qatar.

Qoraalka akhriso:
 

No comments:

Post a Comment