SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Quraanka iyo Sayniska (Damqashada Xanuunka)

Damqashada Xanuunku waxay ku taala Haraga Bani-Aadamka.
Waagii hore Dadku waxay rumaysnaayeen in damqashada xanuunku ay ku koobantahay oo kaliya Maskaxda Bani-Aadamka. Hase ahaatee dhowaan waxa la ogaaday in Maqaarka ama haragu ay leeyihiin nerfayaal loo yaqaano PAIN RECEPTORS oo ayaga la ‘aantood aanu qofku daremayn damqashada xanuunka.

Kolka Dhakhtarku qiimaynayo dhaawaca soo gaadhay ruux gubtay wuxuu eegaa inta dhaawacaasi halistiisu la eegtahay kadibna wuxuu ka taagaa bir yar boogta gubatay. Hadii ruuxu uu damqado kolkaas Dhakhtarku wuu farxayaa sababtoo ah wali waxa nool nerfayaashii damqashada xanuunka balse hadii ruuxii dareemiwaayo damqashada kolkaas Dhakhtarku wuu murugoonayaa maxaayeelay dhaawacaasi waa mid qoto dheer oo waxa ruuxaas ka dhintay nerfihii pain receptorska ama kuwii damqashada qaadayey.

Quraanku waa ka warramay arrintan gaar ahaan suurada 4 aad ee Nisaa aayada 56 aad isagoo Allah leeyahay:-
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِنَا سَوْفَ نُصْلِيهِمْ نَارًا كُلَّمَا نَضِجَتْ جُلُودُهُم بَدَّلْنَاهُمْ جُلُودًا غَيْرَهَا لِيَذُوقُوا الْعَذَابَ ۗ إِنَّ اللَّـهَ كَانَ عَزِيزًا حَكِيمًا ﴿٥٦
Kuwii ka Gaaloobay Aayaadahayaga waxaanu Galinaynaa Naarta, mar kastoo gubato Haragoodu waxaan ku badalnaa harko kale si ay u Dhadhamiyaan Cadaabka, Eebana waa Adkaade Falsan. [Nisa: 56]

Professorkii Tajatat Tejasen oo hogaamiye ka ahaa qaybta Anatomiga ee Jaamacada Chiang Mai University ee wadanka Thailand wuxuu cilmi baadhis badan ku sameeyey neerfaha qaada damqashada ee maqaarka ama haraga Bani-aadamka, markii loo sheegay in Quraanku ka hadlay arrintan bani-aadamku dhowaan daah fureen waxa kaliya oo u banaanayd inuu yidhaa, Laailaaha Ilaa Allah Muxamed Rasuul Allah.