SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

LA YAAB: IPHONE 7 ayuu ku sigtey in uu Indhihiisa ku waayo!

Laba nin ayaa xabsiga la dhigay ka dib markii ay isku dayeen inay indhaha kala baxaan nin ay ka dheceen mobilekiisa nuuca iPhone 7 maadaama uu indhihiisa security ahaan ugu xiray.
Dhibanahaan ayaa u socday gurigiisa isagoo lugeynaya isla waqtigaasna wuxuu asxaabtiisa la ciyaarayey ciyaar gacmeed toos ah laakiin laba nin oo tuugo ah ayaa ka qaatay mobilekiisa nuuca iPhone 7 ah.

Waxaa xusid mudan inay labadaan nin xitaa dhulka dhigeen ninkaan waxayna isku dayeen inay indhaha kala baxaan maadaama uu security ahaan ugu xiray mobilekiisa.

35 sanno jirkaan ayaa wuxuu kasoo jeedaa magaalada Surrey waxaana lagu soo waramayaa inay tuugadaani ku weerareen midni markii ay dhaca u geysanayeen. Dhibanaha ayaana dagaalamay raggaan ayaana dhibaato u geystay laakiin waa ay ku guuldarreysteen inay indhaha kala baxaan, wixii intaas ka dambeeyey dadkii u dhowaa ayaa ka caawiyey in isbitaalka la geeyo.

Lee Christopher Shopland, oo 25 sanno jir ah, iyo Jason Christopher Bailey, oo 29 sanno jir, ayaana goordambe oo habeenkaas ah xabsiga lasoo dhigay ka dib markii ay boliisku ka warheleen inay ahaayeen ciddii falkaan geysatay. Waxaana sahlay soo qabashadooda isla telkii ay dheceen ee iPhone 7 ahaa.


Iska jir in aad securty uga dhigti talafonkaga noockasta oo uu yahay,waayo waxaa dhici karta in dhibaato intaasi ka badan ay kasoo gaadho.