SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Tirada qoyskiinna xisaab ma kusoo saari kartaa?

Sida ugu fudud ee lagu soo saari karo tirada qoyskaaga xisaab ahaan,iyada oo waliba qaacidadaa xisaabta ah ee la raacaayo ay ka muuqan doonto ,tirada Inamada iyo tan hablahaba .

Waxa kaloo iyaguna raaca in Labadada waalid haddii mid nool yahay amaba uu dhintay aan qaacidadan kusoo saari doonto,waxa kaloo iyaduna raacda oo qaacidadan aad kusoo saari kartaa hadii aad tahay qof madi(kali ah)  ama agoon ah.

Balse qacidadan waxaa inta badan fahmi kara ciddii waxbarashada Iskuulka soo martay ilaa heer dugsi dhexe,ama siyaabo kalaba xisabaha melahaas uga baratay,inkastoo iminka dadka badan koodu ay isticmalaan mishiinka Calcularorka,balse waa laga fiican yahay in mishiinkaasi ii aqoon kuu noqdo,waxa fiican in aad qalinka ku barato sida wax loo xisaabiyo loona kala jaro.

Qacidadani xisaab ahaan waxa ay maraysaa dhawr martabo ama noocyo kala gadisan ,kuwaasi oo kala ah ,isku dhufashi,isu-gayn ,kala jaris iyo lamid ama =



Waatan qaqidadii.

Ila soco qaabka aan xisaabta u dejinaayo kadibna adigu qooyskaaga ku tijaabi.

Tusaale ahaan:- saxiibka ama saxiibada ayaa waxa uu qoyskoodu ka kooban yahay sidan:-

lix wiil

laba gabdhood

laba waalid oo nool

intaasi waa aynu isla fahanay oo tira ahaan marka la isu geeyo waa qoys ka kooban Toban Ruux ,hadaba waxa aynu u baahanahay in qoyskaasi aynu xisaab ahaan kusoo saaro inta uu ka kooban yahay,wiilal,gabdho iyo waalid .
qaacidadu waatan ee yay kaa xoos bixin ,waxa aynu isticmaali doonaa ereyo aynu soo gaa-gaabsanay oo ka turjumaaya sida :-



Inamada ama Wiilasha oo aynu kusoo gaabsan doonno (IN)
Hablaha ama Gabdhaha oo aynu kusoo gaabsan doonno (HB)
Waalidka oo aynu kusoo gaabsan doonno (WL)
Erayga tirada waxa aynu usoo gaabsan doonnaa (TR)

Waatan qacidadi,waxa aynu rabnaa in qooys ka kooban 10 ruux 6 wiil iyo 2 gabdhood iyo labadii waalid aynu xisaab kusoo saarno.

TR IN 6 x 2=12+3=15x5=75+HB2=77x10=770+WL2=772 waxa aad haysataa 772 hadanan qaldanayn idinkuna ila eega.

waatan sirta ama qaacidadu:-

772- xisaabtan waxa loo isticmalayaa qaabka kala jarista waxana la kala jaraya 772 waxana laga jaraya 150 .
150 
622      Xisaabtan 150 iyadu waa qaacido markasta aanad ka maarmayn. 622 =halkan waxa aad ka aragtaa in qoyskasi ka kooban yahay 6 wiil 2 hablood iyo laba waalid oo nool.
markasta lanbarka bidexda u xiga waa wiilasha kan dhexena gabdhaha kan midigtana waa waalidka.

Xaataa haddii waalidka mid dhintay xisaabta waa uu ka maqan yahay.haddii aad madi (kali)tahayna waa sidaa si leeg.

Iftiinkacusub.com