SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Risiq aad calaf ku leedahay ,cidina kuuma diidi karto.

Sadaqada iyo wax bixintu waa shay Ilahay agtiisa laga jecel yahay,bakhayl-nimada iyo gacan adayguna waa nusqaan iyo liidnimo mana aha wax fiican,in aad is-tustus iyo i arkay wax u bixiso , waxaa ka fiican in aad Ilahay dartii iyo ajar-doon aad u bixiso,taas ayaad ku liibanaysaa If iyo Aakhiraba.

Cid wax la siiyo lana kaalmeeyo waxaa ugu fiican, dadka foqorada ah ,gaar ahaan Agoonta aan Aabaha lahayn,kuwaasi oo markasta aanay bahidoodu aanay dhamaan ,wayo waxaa ka maqan oo Xabaal kaga jira ,lafdhabarkii reenka oo ah Abaha.

Nin ka mida dadka wanwanaagsan ee muxsiniinta ah,ayaa maalin maalmaha ka mida waxa uu Saylada xoolaha kasoo iibsaday neef xoolo ah,kaasi oo uu ugu talagalay in uu maalinta Ciida reerkiisa u qalo ,si ay ugu udxiyaystaan.

Neefkii markii uu soo iibiyay,ayaa waxa uu yeeshay waxoogaa shaqo ah,kadibna nin ay saaxibo yihiin ayaa inta uu neeftii Adhiga aha u dhiibay ku yidhi ,waxa aad gaysaa gurigaygii,kadibna ninkii waxa uu soo kaxeeyay neefkii adhiga ahaa , waxaanu geeyay gurigii ninka mid aan ahayn ,balse ah guriga aqal ahaan u xiga oo ay degan yihiin caruur Agoon ahi.

Wakhti yar ka bacdi ayaa ninkii neefka adhiga ah so iibsaday waxa uu yimi gurigiisii,kadibna waxa uu si dhakhsa ah markiiba u arki waayay neefkii adhiga ahaa ee uu soo iibiyay; waxa uu u yeedhay caruurtiisii isaga oo waydiinaya neefkii adhiga ahaa ee uu saxiibkii usoo dhiibay halka uu geeyay,in uu guriga keenay iyo in kale.

Caruurtii iyo Hoyadii gurigu waxa ay u sheegeen in aan wax adhi ah aan gurigan marnaba aan la keenin,balse waxa ay caruurtii ku dareen in neef adhi ah wakhtiyar ka hor la keenay gurigan ku xiga ee ay Agoontu ku jirto.

Odaygii reerki waa uu shakiyay,waxana maskaxdiisa ku soo dhacday,waar saxiibkaa neefkii adhiga ahaa ee ad usoo dhiibtay halkee ayuu la maray,shaydaanku xataa waxa uu ku yidhi malaha saxiibkaa neefkii hunguri ayaa ka galay .

Balse odaygii gurigu waxa uu tagay gurigii ay jaarka ahayeen ee caruurta agoonta ahi ay daganayd,si uu u hubiyo in neefkan ay caruurtiisu sheegaysaa uu yahay kiisii iyo in kale,markii uu albaabka garacay lagana furay, ayaa waxa uu markiiba isha ku dhuftay neefkii uu soo iibiyay oo reerkii u xaraysan.

Caruurtii agoonta ahayd iyo hoyadood ,madama ay si fiican u yaqanaan ninkan albaabka kusoo garacay ,waxa ay u qateen in maalintan Ciida ah uu u sido wax ay ku farxaan,balse waxa uu markiiba uu waydiiyay neefkan iyo cida u keentay.

Caruurtii iyo hoyadood waa ay is-eegeen kadibna hoyadii ayaa waxa ay tidhi,ma naqaano cidda waday waxa ay tahay,balse nin ayaa inta uu nagusoo garaacay nagu yidhi neefkan adhiga ah idinka ayaa lehe xaraysta,kadibna hoyadii waxa ay ninkii jaarka waydiisay waxa qaldan iyo neefkan adhiga ahi waxa uu yahay.

Odaygii jaarka ayaa waxa uu caruurtii agoonta ahayd iyo hoyadoodba u sheegay,qaabkii uu neefkani gurigooda ku yimi,kadibna waxa uu u balan qaaday in aan laga sarayn neefkan gurigan agoonta ,isaga oo ugu daray waxoogaa dhaqala ah oo ay raashin siistaan .

Hoyadii iyo caruurtii ay dhashay ee agoonta ahaa ,waxa ay noqdeen kuwo duco iyo Allah bari maalintaasi Ciida ah ku rayreeya,wadaadkii isaga ahaa ee neefka lahana waxa ay ugu duceeyeen ciibaado suuban iyo camal fiican If iyo Aakhiraba.

Sadaqada iyo wax isasiisku waa sharaf iyo karaamo uu leeyahay ninka iyo gabadha wanaagsani,waxaana fiican in aynu ku dadaalno ,madama walibaa maanta dadkeenu u badan yihiin kuwo aan waxba aanay gacanta ugu jirin.

Iska jir hadii tan oo kale ay kugu dhacdo in aad la bakhaysho ,raganimadu waxa ay ku jirtaa in aad Ilahay dartii uga tagto.

Khadar aar