SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Aboowe haygu odhan,adigaa Aboowe iyo wax ka xunba ahe!

Wakhtigan aynu ku jiro waxa aad mooda in dadku ay hayaan ugu jiraan sidii ay u gaadhi lahayeen wadamada Yurub iwm,dadka safaradaasi ku jiraa Somalida oo kaliya maahan ,balse waxa aad moodaa in dunida oo dhami ay fikirka hayaanka wada qabaan.

Hadaba wadamadan marka aad timaado shayga ugu muhiimsan ee laga helaa waxa uu yahay sharciga wadanka aad ka hesho,balse qaabka iyo farsadama sharciga lagu heelaa qadarta Rabbi ka bacdi ,waxa ay u baahan tahay in aad laanta socdaalka ee dalkaa aad iska dhiibtay aad u cadayso sababta aad dalka u timi.

Dad yawga aduunka oo dhami oo ay Somalidu ka mid tahay ,waxa inta badan ay isku dhiibaan hadba halkii ay isleeyhiin waxa aad ku helaysaa sharci iyo goobaha ay markaasi dhibaatadu ka taagan tahay.

Madamaa wadankii Somaliya la odhan jiray uu wakhti dheer ka hor uu burburay,ilaa maanta waxa ay Somalidu isku dhiibtaa kolba halka ay isleeyhiin waxa aad ku qadanaysaan sharci,iyada oo badankoodu amma 100%99 ay dhab ka tahay magan galyo doonistu.

Hadaba waxaa Esweden ka dhacday sheeko aad u qosol badan ,kadib markii laamaha socdaalka mid ka mida,uu iska dhiibay nin dhalinyara ah oo u dhashay Somaliland kaasi oo isku dhiibay koonfurta Somaliya,isaga oo sheegtay in uu kasoo cararay dhibatooyinka ay shabaab ku hayaan dadka.

Khasab waxa kugu ah madamaa aad sheeganayso gobol aanad u dhalan in aan luqadiisa iyo qaab nololeedkiisa aad si fiican u barato,waayo waa waxa kaliya ee lagugu jirabaayo amma wax lagaa waydiinaayo waa gobolkaasi aad sheegatay.

Wiilkii dhalinyarada ahaa ,ayaa waxa loo qabtay balantii interviewga si wax looga waydiiyo,xaladaha uu markaasi sheeganaayo iyo mushkiladaha ka jira gobolkaasi uu ka yimi.

Sida ay dadkuba inta badan ka warhayaan marka waraysiga laga qaadaayo waxaa lagu balaminayaa turjumaan luqadada yaqaana,hadaba ninkii dhalinyarada ahaa oo fadhiya xafiiska lagu xogwaraysanayay,su'aalahii la waydiinayayna lagu gudo jiro,ayaa ninkii turjumaanka ahaa oo u dhashay konfurta Somaliya ayaa ninkii dhalinyarada ahaa ee reer waqooyi waxa uu ku yidhi:-

Aboowe waxa ay ku waydiinayaan meesha aad ka timi?kadibna ninkii dhalinyarada ahaa oo kalmada Aboowe u haysta CAY xun,ayaa waxa uu ku qayliyay ninkii turjumaanka ahaa,kuyee adiga iyo hooyada ayaa aboowe ah aniga mardanbe haygu odhanin.

Murankii iyo fara isku taagtaagi meesha ka dhashay ayaa gabadhii kiiska haysay,waxa ay dareentay in wax ay qaldameen ,kadibna waxa ay waydiisay waxa dhacay ee uu ninkan dhalinyarada ahi uu ka xanaaqay.

Waxa uu ku yidhi turjumaanka,ninkani waxa uu sheegtay in uu Konfurta Somaliya u dhashay,balse kalmada caadiga ah ee qofkasta ee Soomaliyii uu yaqaanana waxa uu isagu u yaqanaa cay,taasi waxa ay ku tusinaysaa in aanu ahayn meesha uu sheeganaayo.

Hadal iyo dhamaan ninkii dhalinyarada ahaa,fahamka qaldan ee uu kalmada Aboowe ka qaatay waxa uu ku wayay dhamaan in wadankii uu iska dhiibay oo dhan uu sharci looga diido ,waxa kaloo u dheeraday dacayadda ay Somalidu ku hayso oo ah "koonfurta Somaliyana waad isku dhiibtay aboowana caybaad u taqanaa xagee laga dheelaa"

Ninkii dhalinyarada ahaa markii wax laga waydiiyay Aboowe waxa uu ka aaminsan yahay waxa uu sheegay in labada kalmadood ee Aboowe iyo Abaayo uu u yaqaano cay xun oo ay reer koonfurku ku cayaan reer waqooyiga, bal-adba.

Waxa ii waramay ninkii ay ku dhacday.

Wabilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar