SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Markii aan Dawarsan jiray ayay isoo gacan qabatay!

Nin wakhtigan ka mid ah dadka ugu ladan dalka Shiinaha, balse yaraantiisi darxumo iyo rafaad u soo dhamaaday, ayaa abaal celintii ugu wanaagsanayd u guday haweenay wakhti xaaladu aad ugu adkayd gacan qabatay, xiligaas oo uu aad u da’ yaraa.

Waan ku Sooryaynayaa lakiin bi-shardi wax hasoo cunin, gar ma la iigu leeyahay!

Iftiinkacusub.com: Sooryada iyo marti-qaadku waa camal Ilahay jecel yahay ,sharaf iyo karamana laga dhaxlo.Marti qaadku waa uu noocyo badan yahay ,qofkasta ama umadkasta si gooniya ayay Martideeda u maamuustaa unasoo dhawaysaa ,haday tahay cuntada iyo haday tahay habka qaabilaaddaba.

Nin ku furay xaaskiisii Cabitaanka Badeecadda!

Sida ay ku warameen qaar ka mid ah wakaaladaha wararka ee aduunka nin u dhashay dalka Sucuudi Arabiya, ayaa dacwad ka dhan ah xaaskiisa la hor tagay, laanta awqaafta iyo arrimaha dhaxalka ee wasaarada caddaalada waaxdeeda magaalada Qadiif, ee dalka Sucuudi Arabiya.

Faras ka dul Baroortay maydkii ninkii dhaqday!

In kastoo ay dadka badankoodu xayawaanka ka aaminsan yihiin, wax aan garaad iyo garasho lahayn, laakiin waxa aragtidaas beeniyay, Faras ku nool dalka Baraasiil, kaas oo dareemay dhimashada saaxiibkiisi dhaqday oo aaskiisa loo tubnaa, la isuna diyaarinayay sidii xabaasha loogu ridi lahaa.

Duliyahii Diyaradda aad saarnayd haddii uu Geeriyoodo maxaad samayn lahayd?

Iftiinkacusub.com :Cimrigaaga intii aad noolayd Diyaarad ma fuushay,hadaad fuushayse ma kula duushay oo saacado aad u farabadan hawada ma kula mushaaxday,maxaa kuugu layaab badnaa intii aad Diyaarad raacaysay,inaba ma isleedahay waxa jira mar ay khatar kaala kulantay safar Diyaradeed.

Qisso cajiib ah: Saxiib maxad dawlada kalsoonida ugala noqotay?

Iftiinkacusub.com:Magacaygu waa Qurbajoog, wakhtiyo aad u farabadan ayaan waxa aan maqlaayay rag siyaasiyiin ah oo sheegaaya in ay dawlada kalsoonidii ay kala noqdeen,hadana isla wakhtiyar ka bacdi waxaa inoo xigta maqalka in ay ku biireen

Qofka Bini'aadmiga ahi ma u dhiman kara hadal qof ku yidhi?

Iftiinkacusub.com: Qofka Bini'aadmiga ahi waa uu xanuusan karaa,xanuunkaasi waxa uu noqon karaa mid si run ah u haya iyo mid ka yimi shaki iyo dareen ku xeeran waxyaabo ay maskaxdiisu u sheegayso oo lagaba yaabo in ay khalad tahay dad ay ku abuureen.

Qisso cajiib ah:NHO-ga Magafe iyo Geeridii Hoyadii!

Wakhtiyadan danbe waxa aad mooddaa in ay xoog leeyhiin ku shaqaysiga ururada loo yaqaano NHO-ga.NHO Non-governmental organization, oo ah ururada aan dawliga ahayn,kuwaasi oo inta badan qabta waxyaabo bulshada faa'iidooyin u leh.

Qisso cajiib ah:Baafin caruurtii aan u dhalay madaxwaynaha Maraykanka!

Waxay ahayd 15 Agoosto 2014 Habeen Jimce ah ,waxaan ku sugnaa xurunta shaqada, waxaa ii timid islaan magaceeda igu sheegtay Xaawo Shamis, waxay ila aheyd 45 jir muuqaalkeeda waxay u muuqtay dadka Qurba joogta ah qof ladana way u eekayd.

“Hellow, hellow, naayaa maxaadan ii ga qabaneyn Teleefoonka?!

Aniga oo dhex muquuraya bad weynta salalka iyo saadaasha xun, ayuu iga soo wacay teleefoonka. Waa seq dhexe xilligu, dad iyo duunyaba wax dhaqdhaqaaqaya ma jiraan. Sariirtii baldhaca weyneed ee aan hadba doc ugu galgalanayey ayaan iska

Ururka Al-Saacdicuuna Bil Xaq oo khilaaf horleh ka dhax abuuray Puntland

Ururka Al-Saacdicuuna Bil Xaq oo khilaaf horleh ka dhax abuuray mas’uuliyiinta maamul gobolleedka Puntland.Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland C/xakiin Cabdullaahi Camey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay

Shirkada Twitter-ka oo u fududaysay dadka aan haysay Internetka xawaaraha leh.

Fariin wax ku ool ah :-Shirkada wayn ee Twitter-ka oo Isticmaalkeeda Loo Fududeeyey Dadka Aan Haysan Internet Xawaarihiisu aad u dheereeyo ama uu sareeyo.Waxa kaloo ay Shirkaddu daboolka ka qaaday

Waswaaska sariirta hoosteeda kaa gala iyo sida loo daaweeyo. !


Iftiinkacusub.com:Shakiga iyo waswaasku waxa uu ka mid yahay xanuunada aadka u daran ee dadka wakhtiyadan danbe kusoo kordhay ,shakigu waa dareen iyo ismoodsiid ku tusinaya in ay wax kugu dhacayaan amaba ay kugu dhaceenba.

Shakiga Cabdilaxmaan Cirro,Cabsida Muuse Biixi iyo hiilka Faysal Cali Waraabe.


Booqashadii Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal.

Godoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi , ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE ,ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Veronique Lorenzo.

Gudoomiye Cirro iyo Khudbadii Berbera.

Iftiinkacusub.com: Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Wadani.Mudane Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wafti aad u malaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa saaka safar gaaban ku tegay gobolka saaxil gaar ahaan magalo xeebeedka Berbera.

Ka tigtoonow in Tawxiidka Ilahay la isku kiin diro .

IFTIINKACUSUB.COM : Waxa aad moodaa in si dadban wakhtiyadan danbe Diintii dulaan loogu soo qaaday.Waxaa baryahan inagu soo badanaaya gaar ahaan baraha warbaahinta ,sida WhatsApp iyo Facbooka iwm

Waxan tuugsadaa(dawarsadaa) Talyaniga dhexdiisa!

Faarax waa wiil Soomaaliya, kuna dhashay Koofurta Soomaaliya. Wuxuu ku soo hana qaaday magaala madaxda Soomaaliya Muqdisho, halkaas oo uu ku soo gunaannaday waxbarashadiisa, ilaa heer Jaamacad.

Daahitaanka hadalka iyo hadala'aanta caruurta.

Dib u dhac ku yimaado cod soo saarista iyo hadalka caruurta waxay calaamad u noqon kartaa xaalado badan.

Xaaladahaasi waxaa ka mid ah hawlgab maskaxda,

Guleed darxumo iyo dayaw ayuu la waashay!

Guuleed wuxuu ku dhashay, kuna soo barbaaray, magaalada Marka. Waa madi, aabbihiis isaga oo dharebta ku jira ayuu geeriyooday. Wuxuuna u geeriyooday cudurka qaaxada. Guuled markii uu soo gaaray da’da 14-jirka,

Maraykanka iyo madaxdii kala gadisnayd ee soo martay.

Maaha wakhti siidaasi u fog ,xiliga dalka maraykanka ay ka hana qaaday ,dawladnimada aadka u wayn ee uu maanta Dunida ugu faantamo.Wax aan ka badnayn laba Qarni ayaa la odhan karaa waa ay ku eeg tahay dhismaha dalwaynaha Maraykanku.

Somaliland ma xisbiyo qaranba ka jira misse xulafaysi qabiil.

Iftiinkacusub.com : Halku dhigga qoraalkayga waxa laga yaaba, in dad badani marka ay akhriyaan ay u qaatan in aan cid gaar ah duulan ku ahay ;taasi lakiin waxa ay suura gal noqon lahayd hadii uu jiro Xisbi isagu ka madax banan

Sadaqo Yar oo uu Bixiyey ayaa Ka Badbaadisay Geeri uu Qarka u Saarnaa !

Waxaan ahaa bare sare oo haysta shahaadada Doctorate oo wax ka dhiga qaar ka mida jaamacadaha wadanka Masar, waxaa ila soo darsay xanuun adag.

Waxaan safar caafimaad ugu kicitimay wadamada reer galbeedka

Qisso cajiib ah:Ilayn xoro Jin ayaan soo galay!

Waxay ahayd 1996 mar aan booqda dhulka baadiyaha ee g/saaxil bari ka xiga ayaa waxa dhacday in aan habeen u hoydey reer ka kooban nin iyo xaaskii oo aan wax ubad ah markaa haysan, laakiin haysta in yar oo adhi ah iyo awr,

Ma guursan lahayd gabadh Indha’la,Dhago’la,aan hadlin ,curyaanna ah ?

Qisso laga soo wareyay dadkii hore :Asad Adaani Ibraahim ,Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah wuxuu ag marayey Beer weyn dhinaceeda, waxa uu arkay xabad Tufaax ah oo Geed beerta ka mid ah ka soo dhacday.

Sirtu Waa Rajadda Iyo Mustaqbalka .W/Q: Garyaqaan Axmed Nuur Guruje.

Haddii dadku ina arkaan , inaggoo baabuur cusub kala badalayna , guryo qurxoona dhisanay , dadku ina rumaysan maayaan , markaa waa in aynu dadkeena wax la qabnaa , waxoogay masaariifta ah ee aynu qaadanana isku filaysiinaa ''( M I Cigaal )

Shaqo tag mise shaxaad tag midkee sharafleh?

Shaqo iyo shaxad ,labadaduba waa shaqo,balse kala sharaf iyo karaamo badan,shaxaad ku noolahu waxa uu wakhti badan siiyaa sidii uu maalin walba shaxaad ku heli lahaa,shaqaystahuna sidoo kale waxa uu u kalahaa sidii uu shilin uu shaqaystay naftiisa iyo tan qooyskiisa ugu maarayn lahaa.

Garnaqsigii Xoolo dhaqatada iyo Kaluunka Badda !

Runtii bahal Abaar la yidhaa ayaa ina aafaysay,hadda Abaaro maaha,dadku afkiisa waxa uu bartay erayga Abaaro ,taasi oo ay jamciyaan kana dhigaan kooxo Abaaro ah oo inagu soo duulay, ,waar haynagu jamcinina yay inagu badanine,

Xaalada Abaarta ee Degmooyinka Saba-wanaag iyo Cadaadley.

Sida aynu wada ognahay waxaa dalka Somaliland ka taagan xaalada abaar ah oo aad u daran, taasi oo sii laxaadsanaysa maalinba maalinta ka dambaysa. Hadaba Degmooyinka Saba-wanaag iyo Cadaadley

Qabiilbaa Kala Geeyaye, Kii kasaari laa Waa Kuma Somaliland?

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid oo lasoo baxay siyaasad cabqariyad ku dhisan iyo midaynta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Isagoo bilaabay inuu toos uga shaqeeyo horumarka dalkiisa iyo nabadaynta isagoon wali kursiga qaban.

Qisso cajiib ah : Dadku wax aanay haynin ayay ku Bakhaylaan!

Dadku wax aanay haynin ama aanay filayn in ay helayaan,ayay hadana dadka kale ee la saxaxibada ah ama ay isyaqanaan ay kala bakhaylaan .Waa dhaqan hanti goosi ah,kaasi oo odhanaaya waxkasta waa in aad adigu heshaa ama aad adugu yeelataa.Waa xoolo- cirdoonimo tii ugu waynayd.

Qofka magaciisa yahay Maxamed, oo ay yartahay ,fursad shaqo in uu Sweden ka helo!

Cilmi baadhis lagu sameeyay ,suuqa shaqada Sweden ,ayaa lagu soo bandhigay, in dadka watta magacyada Carabtu ee ay Somalidu ka midka tahay , ay yihiin kuwa ugu yar in wareysiga shaqada loogu yeedho.

Fadhi ku dirirku ma dood-cilmiyeedbaa?

Afka-Somaliga waxa baryahan danbe kusoo biirtay ,kalmad iyo halku dhig casri ah oo layidhaa "fadhi ku dirir" kaasi oo uu macnahiisa guud uu yahay,dood iyo hadal madhalaysa oo aan marnaba la isaga garaabin ,isla markana socda wakhti kasta, kaasi oo aan lahayn xilli iyo abbaar u gooniya.

Hufnaanta hadalka.

Carrabku waxa uu turjumaa qiimaha qofka iyo waxa ay tahay shaqsiyadiisu, sida oo kale carrabku waxaa uu cabbir buuxa uu ka bixiyaa cilmiga iyo caqliga uu leeyahay qofkaasi, sidaa daraadeed in carrabkaaga hagtaa oo aad huftaada waa haybadaada. Hadalka wanaagsani waa hadiyad la isa siiyo teeda oo ugu wacan

Cashuurta Caano ku bixi!

Doorashadii Golaha Deegaanka Somaliland ee 2012 ayaanu tababar ka wada qayb-galnay in ka badan 105 dhalinyaro ah oo isu diyaarinaysay ololaha oo dhamaantood musharixiin ahaa. Kulanadii tababarka mid ka mid ah ayaa la waydiiyay musharax kasta sababta uu isku soo sharaxay.

Geelu Isku Marbuu Noo Dhalaa Isku Sina Nooguma Tarmo.

Geelu waa xoolaha la dhaqdo kuwa ugu kala fog dhinaca rimidda iyo dhalidda. Inta badan geelu wuxuu rimaa labo sano kadib marka uu dhalo, wuxuuna uurka ku sidaa 12 bilood taas oo ka dhigta inuu 3-dii sanaba mar dhalo. Haddaba bari baa waxaa jiray sadex nin oo qaraabo ah oo geel isku darsaday.

Mobilkaaga ka ilaali in aad markasta dhigto meel kulul!

Mobilku waxa uu ka mid yahay ,aaladaha casriga ah ee maanta Dunida yaala, kuwa inoogu faa'idada badan .Mobilku waxa uu inoo fudaydiyay waxyaabo badan oo maanta wakhti badan iyo saacado badan ay inagaga lumi lahayeen; haddana iyada oo sidaasi ay jirto ,ayaa waxa  lagu sheegaa in uu leeyahay dhibatooyin caafimaad darro.

Kalyahayga mid ka mida ayaan iibiyay ,si aan Yurub ugu tahriibo,Qaybtii 4-aad !

Marka hore Ilahay ayaa mahad iska leh ; kaasi oo i garan siiyay ,awoodna ii siiyay, in aan qoraalkan idiin soo gudbiyo, idinkuna aad akhrisataan. Waxa aan qaybtii hore ee sheekada idiinku soo gudbiyay, wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Afganistaan,kaasi oo jacaylka iyo rabitaanka uu u qabo dhoofka Yurub, iibiyay labadiisa Kalyood mid ka mid ah.

Seedigaa Siyaasad haysugu imanina!

Nolosheenu waxay dhufsane u tahay Mi'yi iyo Xoolo jirnimo, Samankii hore, Dumarka iyo Geelu waxay ku jireen Noolaha aan xerro go'an lahayn, Mulkiyidooda iyo ku tasarufkooduna wuxuu magan u ahaa Hadba xerreda ay ku Galab dhacdasaan, Awood, Dhac, iyo Boob ayay Gacmo ugu kala wareegi jireen.

Puntiland oo dawlada Somaliya ku eedaysay in deeqaha Turkigu bixiyaa aanay soo dhaafin Xamar.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo dhaliilay mashaariicda Turkiga ay ka fuliyaan Muqdisho, Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa dhaliil kala dul dhacay mashaariicda Dowladda Turkiga ay ka fuliso Somaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Dulin Abareed!

Guud ahaan dalka abaar adag iyo seben baa ka dhacay mana aha wax aad qiimaynkarto ama wax laga sheegi karo gaar ahaan nugaal iyo hawd intii aan u ahay xog ogaal gobolada sool sanaag togdheer iyo nugaal gebi ahaan waxaa dabar go'ay oo xaadhmay duunyadii ay dadku ku noolaayeen.

Falsafadda xisbiga Wadani iyo Cirro, Arin lagu dawakhay!

Inkaste oo Xisbiga WADDANI dhalasho ahaan uu yahay kan ugu yar xisbiyada qaranka, hadana waa loolamaha ugu adagg ee xisbil-xaakimku ka cabsi qabo maant. Ma jirto guul siyaasad ahaan tan ka wayni, balse waxa xiisaha leh, sababta keentay in CIRRO iyo xisbigiisa WADDANI, guusha intaa leeg ku gaadhaan wakhtiga inta leeg?

Maaraynta Isbedbedelka ku Yimaadda Qiimaha Shillinka Somaliland.

Falsafadda cilmiga dhaqaalaha ee buugaagta lagu dhigtaa inta badan wuxuu ku sallaysan yahay fikirka (theory) ka jira waddamada reer galbeed ee xaga dhaqaalaha horey ugamaray sida Maraykan iyo Yurub. Waana falsadda loo yaqaano (capitalism) ama Hantigoosadka.

Ayaadu ama Eedadu maxay caruurta uu ninkeedu dhalay ay u xumaysaa.


Labadan kalmadood ee kala ah Aayo iyo Eeddo waa laba eray-bixin oo ay kala isticmalaan dadka Somalida ahi, gaar ahaan reer Konfurka iyo reer waqooyiga,iyada oo dadka Reer waqooyiga ah ama Somaliland ,waxa ay inta badan Aayo u yaqanaan gabadha ama islaanka uu qabo Abahaa ee aan adiga ku dhalin.

Aabe waaya arag ah oo tallo dhaxalgal ah siinaya wiilkiisa.

Qormadan waxa aynu ku eegidoonaa aabbo wiilkiisa u guntaya tallo dhaxalgal ah, wiilkiisa oo noqday gaashaan qaad markaas dunida u furantay oo diyaar u ah in uu bulshada dhex gallo masuuliyada noloshiisana dusha u rito.

Toban Sababood Oo Keena Caruurtu Inay Waxbarashada Nacaan !

Waxbarashada caruurtu waxaa marar badan dhacda in qoysaska iyo macallimiintuba ay ka cawdaan mushkilad dunida aad ugu soo badanaysa oo ah in ardayga yari uu waxbarashada niyadda ka sii jeediyo ama uu dugsiga tegitaankiisaba naco. Qormadan oo aynu soo turjunay waxa ay khubarada arrimahan ku xeel dheeri

Taariikh nololeedkii Saxaabigii boqorka ahaa Najaashi [Asxama ibnu Al-abjar]

Magaca Najaashi waa naanays loo bixin jiray cidii boqor ka noqota dawladii Xabashida, sida Fircoonba loogu yeedhi jiray cidii boqor ka noqota dalka Masar. Najaashii noolaa xilligii nabigeena Muxamed waxa magaciisa la dhihi jiray Asxama ibnu Al-abjar.

Ka-faa’iidaysiga Biyaha Roobka iyo Xakamaynta Gaajada.

Waxaan leeyahay, shilinka xaga kale aan u rogno oo aan eegno dhinaca rajadana. Waxaan leeyahay, haddii gacanta lays qabsado wax wayn baa nolosha laga bedeli karaa. Somaliland, marka la eego xaalada ay hadda ku jirto, waxa lagu tiriyaa wadamada ugu dib-dhacsan marka lagu cabiro halbeega caalamiga ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo GNP per Capita,

Ibliis hadii naar laga abuuray maxaa naar loogu cadaabay ?

Imaamkii waynee ee Muslimiinta Imaamu Shaafici oo aad dhamaantiin wada taqanan aqoontiisa Diimeed iyo garashadiisa aadka u xeeldheerida badan,ayaa maalin maalmaha ka mida isaga oo fadhiya Masaajidka ayaa waxaa u yimi nin ka mida dadka hadka had iyo goor su'aal waydiiska badan.

Haweeney iyada oo nool loo diiwaan geliyey inay geeriyootay !

Islaan ayaa lagu war-geliyay inay dhimatay oo laga saaray liiska dadyoowga nool kolkii ay cusbital u tagtay inay dhiig ugu yaboohdo.

Islaanta ayaa kolkii ay tagtay daaqadda soo-dhowaynta cusbitalka oo ay is caddeeysay cidda ay tahay lagu war-geliyay inay u qoran tahay inay diiwaanka geerida ku xusan tahay, middaasi oo fajac gelisay islaantii ; Hase yeeshee islaantaasi oo ku dhaqan wadanka Sweden