SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Fadhi ku dirirku ma dood-cilmiyeedbaa?

Afka-Somaliga waxa baryahan danbe kusoo biirtay ,kalmad iyo halku dhig casri ah oo layidhaa "fadhi ku dirir" kaasi oo uu macnahiisa guud uu yahay,dood iyo hadal madhalaysa oo aan marnaba la isaga garaabin ,isla markana socda wakhti kasta, kaasi oo aan lahayn xilli iyo abbaar u gooniya.

Fadhi ku dirirku malaha,dad gaar ah oo wada dooda,qofkasta oo Ilahay naf galiyay isla markana hadli karaa waxa uu dhiibanayaa doodiisa.Fadhi ku dirirku waxa uu isu keenaa sheekh iyo arday,aqoonyahan iyo aqoon laa'we,Kornayl iyo Dable,madaxwayne iyo badhi-wale.

Fadhi ku dirirku,waa barnaamijka kaliya ee aan lahayn kala sarayn.Doodisa cid qabata iyo cid ka garnaqda midna lama yaqaano.Fadhi ku dirirku malaha saacado go'an oo loogu talagalay in uu qofku rayigiisa ku dhiibto.

Waxyabaha layaabka leh waxaa ka mida,fadhi ku dirir kasta garan maysid goor uu bilaabmay,waxa laga yabaa qof aydaan isgaranayn, oo aad ku kulateen goobaha Shaaha laga cabbo,in uu si hawl yar idiin dhex maro ,doodaa madhalayska ah ee fadhi ku dirirku .

Fadhi ku dirirku, maaha barnaamij aqoon iyo waya aragnimo la isku waydaar-sanaayo,waxa uu ku kooban yahay ,dhacdoyinkii isdaba jooga ahaa ee dalka soo maray ,oo aan wali maskaxdii dadka aan ka bixin,gar iyo garawshiiyo toona aan la iska siin.

Hadaba hadii aad tahay mid ku cusub, barnaamijka isaga ah ee fadhi ku dirirka,ogsoonay marnaba ha ka filin in uu kuu garaabo dhinaca kale ee aad iskaga soo horjeedaan ,maaha xumaan gaar ah oo uu adiga kuu qabo,balse barnaamijka fadhi ku dirirka ayaa sharcigiisu caynkaasi yahay.

Hadaba su'aasha iswaydiinta lihi waxa ay tahay,waa maxay sababta keentay in fadhi ku dirirka aan la isaga garaabin?Hadii aan isku dayo in su'aashaasi aan si toos ah uga jawaabo,waxa ay ilatahay aniga rayigayga:fadhi ku dirarku horta sidiisaba ,dood maaha,aqoon iswaydaarsi maaha ,faalo maaha, dood cilmiyeed maaha,hadii aanu intaas midna ahayn muxuu yahay? waxa uu yahay sida magaciisaba ka muuqata "fadhi ku dirir" dagaal laysu jilba joogsado iyo hibatayn(xasuus murugo leh) dhacdooyin laga soo gudbay;taasi ayaa keenaysa in qofna aanu dhiibin garawshiyo.

Waxyabaha sababaaya in aan la isaga garaabin waxaa keenaaya,labada qof ee fadhi ku dirirku uu ka dhaxeeyaa,masalada ama muranka dhexdooda yalaa ,waxa uu yahay :dhacdo ay ku kala aragti duwan yihiin labadoodu,ama ay ku kala fikir duwan yihiin Qabiladoodu,ama ay ku kala qiyaas duwan yihiin deegamada iyo halka ay kasoo kala jeedaan.

Hadaba madamaa arigtida iyo fikirka la isku hayaaba uu yahay mid caam ah,way adkanaysaa in fadhi ku dirirku uu noqdo mid la isaga garaabo.Garawshiiyo la'aanta,waxyabaha u sababta ah waxaa kaloo ka mida,difiica labada dhan ee Qabiilka,deegaanka iyo siyasiinta ay kasoo kala jeedan.

Waxaa dhacda in labada qof ee dooda fadhi ku dirirka iskaga soo horjeedaa, ay ka doodayaan tusaale ahaan: Laba siyaasi ,kuwaasi oo midba uu midka kale tageer san yahay ama uu fikir kiisa la dhacsan yahay,waxaa laga yabaa in nin agtaada Mujaahid ehlu-karam ka ahi , isla saaxibkaagan kasoo horjeedaa uu u yaqaano Dilaa ama dhiigya cab ,taasi waxa ay keenaysaa in aan marnaba la isu garaabin.

Waxyabaha keena in aan fadhi ku dirirka lagu kala guulaysan, ama aanay ka dhcid dood cilmiyaysan,ayaa waxaa ka mida,qofkasta qumanahiisa ayaa qoorta u sudhan,waxa dhici karta in labaduba ay khaldan yihiin,waxa kaloo dhici karta in ay labaduba saxsan yihiin, balse waxa mushkilada keenayaa waa yaan lagaa badin,sutti gashaan ayaa la isu haynayaa.

Fadhi ku dirirku,waxyabaha kale ee uu kaga duwan yahay, doodaha cadiga ah waxaa ka mida, malaha ergo iyo dhex-dhexaadin;labada qof ee fadhi ku dirirku uu ka dhaxeeya ,dadka kale ee isu dhagaysanayaa, iyaguna waxa ay sida kubada kala tageersan yihiin,labada qof ee dooda madhalayska ah ku xiiqsan.

Fadhi ku dirirku,maaha inta badan mid ku eeg goobaha la iskugu yimaado oo kaliya ,sida Makhayada ,guryaha iwm ,balse fadhi ku dirirka ugu tirada badani ,waxa uu ka dhacaa baraha warbaahinta,sida facebook iyo intii la halmaasha.

Ha u qaadanin in fadhi ku dirirka ay ragga oo kaliyii ay ku halmaalan,waxa baryahan danbe kusoo biiray oo iyaguna dumarka/haweenkii ,balse waxa ay iyagu ragga kaga duwan yihiin,labadii maalin fadhi ku dirir aad u xumi uu dhex maraa,dib usuba salamaan.

Mida kale fadhi ku dirarka dumarka qaarkii waaba faniba.Tusaale ahaan :gabadh ayaa waxa ay soo guursatay sadax nin,midkasta waxa ay u dhashay caruur,dhamaan caruurteedaasi waa kala wada qabiil,waxa ay kasoo kala jeedaan deegamada aadka dhinaca siyasada isu haya;hoyadii caruurtaa dhashay,hadii ay tahay mid fadhi ku dirirka siyasada ku ibtilaysan , Alla maxaa haw u taala,ma waxay difaaci ...................?

Wali ma aragtay ama qayb ma ka noqotay,fadhi ku dirir u dhaxeeya nin iyo gabadh,Ilahay magantii waa dhiig joojin,Alla ceeb waynaa,markaas ayaad fadhi ku dirirba aad nacaysaa.Taas waxaba kasii daran ,nin iyo gabadh isqaba oo hadana dooda fadhi ku dirirku ay markasta dhextaalo,waayo waxa ay kasoo kala jeedaan deegaano iyo gobolo ku kala aragti diwan, dhinaca siyasada.Caruurtiina hadalkoodaba daa.

Waligaa ha filin ,maskaxdaadana yay kusoo dhicin, in dood fadhi ku dirir ay ku dhamaato meel wanaangas iyo garawshiiyo,maalintii Allah keenaba waa bilaw,halkii ay shalay taagnayd ayay maantana taagan tahay,barina way taagnaan doontaa ;waxa laga doodayaa ama la isku mashquulinayaa waa uun hal mawduuc, ama hal dhacdo uu muddo hore xaalkeedu dhamaaday.

Dooda fadhi ku dirirku uma baahna fikir iyo ka fiirsi dheeraada,qofka ay dooda fadhi ku dirirku idinka dhaxayso, inta aanu su'aashaba ku waydiin ama aanay afkiisaba kasoo bixin, waxaa u diyaar ah jawaabtii,mana aha wax la iskula yaabo,waayo waa dood iyo hadal-tiro Sanado.Bilo iyo maalmo soo socotay,waa casharo uu macalin u yahay Qabyaaladu.

Had iyo goor qofka fadhi ku dirirka xariifka ku ah,waxa uu yaqaana suuryada iyo dabinada qofka kasoo horjeeda looga cadhaysiiyo ,waxa kaloo uu xariif ku yahay, sida qofka kasoo horjeeda looga xanaajiyo ama loo murug galiyo.

Haduu fadhi ku dirirku guul iyo libin uu leeyahay ,waxa ay raacdaa ,qofka aan cadhoon,guuldaraduna waxa ay raacdaa qofka cadhooda ama dagalama.Taas macnaheedu maaha in aad fadhi ku dirirka dhirinaayo,balse waxa aan ka hadlayaa jadwalka iyo qaabka ay u jaangoyeen dadka hawshan xariifka ku ahi.

Fadhi ku dirirka farshaxanimada iyo farxada ku saabsani,dadkuna aadka u jecel yahay ,waakan lagu kala kaco,hadii aad aragto fadhi kudirir lagu leeyahay ,waxa uu ahaa mid wanaagsan,ogsoonaw waa mid la isku dilay ama gacan la isu qaaday.

Inta badan fadhi ku dirirka Somalidu, waxa uu u badan yahay siyaasada,waana mida ugu badan ee iminka dooda fadhi ku dirirku ay ka taagan tahay ,taas awadeed,hadii ay dantuba kugu kalifto in aad fadhi ku dirir ka qayb qadato,ha ka fikirin in aad xigmad iyo waaya aragnimo wax ku xaliso,hadii aad ka fikirto in aad qanciso,saxiibkaaga fadhi ku dirirka kaga soo horjeeda ,waxa aad dhaaminaysaa *haan gun'la.

Fadhi ku dirirka ragga xariifka ku ahi, sida aan horay usoo sheegay,waxa ay u cayaraan,hadaladana u heli ogyihiin, sida dadka shaxda yaqanaa ay xariifka ugu yihiin godadka shaxda lagu kala badiyo.

Fadhi ku dirir ha galin, hadii adan ahayn, mid yaqaana ,halka laga bilaabo ,iyo halka lagu dhameeyo.Dadka fadhi ku dirirka saxiibka ku ahi ,maaha kuwo kala xanaaqa,hadana iyada oo ay sidaasi tahay suura gal maaha in caqligoodu isu fayaw yahay,marka ay ugu yar tahay waa hadii ay dabadooda iska xantaan iyaga oo kala maqan.

Ilahay faraheena muu simin,Adanahuna sidiisaba waa uu kala aragti duwan yahay,wax aniga sax ila ah ayaa saxiib kay qalad ula muuqda, xaq uma lihi in aan ku colaysto,balse fadhi ku dirirku dhamaantii waxaas oo dhan waa uu ka wada duwan yahay,waa dagaal bilaa hub ah,waa xanaaq,waa dan la'aan,aakhirkana waxa laga dhaxlaa xumaan.

Waxaan kula talin lahaa dadka Somalida,way adag tahay malaha in aynu fadhi ku dirirka daynee,bal ha la yaraysto,hadii fadhi ku dirir xigmad leeyahayna ha loo yeelo,yan la is-biya dhiijin.
Wabilaahi tawfiiq.



facbook: khadaraar@hotmail.com

Gmail: khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar



 

No comments:

Post a Comment