SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

“Hellow, hellow, naayaa maxaadan ii ga qabaneyn Teleefoonka?!

Aniga oo dhex muquuraya bad weynta salalka iyo saadaasha xun, ayuu iga soo wacay teleefoonka. Waa seq dhexe xilligu, dad iyo duunyaba wax dhaqdhaqaaqaya ma jiraan. Sariirtii baldhaca weyneed ee aan hadba doc ugu galgalanayey ayaan iska ka dul saaranahay. Hurdo kuma indha kuusho, mana dhadhansado, hilowga iyo harraadka aan u qabo muuqaalkiis awgiis.

Teleefoonkii oo dhacaya ayaan meel ii dhaw ka eegayay, aniga oo ka walwalqaba warka xilligaan ii soo yeeri doona. Xibnaha jidhkeyga oo idil wey jarcinayeen, sida qof qabow ba’an dhex fadhiya.

Gacantayda oo gariireysa ayaa waxaan qabatay teleefoonkii. Waxaan taabtay badhankii jawaabta. "Hellow, hellow, naayaa maxaadan ii ga qabaneyn Teleefoonka?! Maxaad intaas oo dhan ku maqneyd? Yaad la jiiftay caawa? Diin iyo iimaan aad leedahay ma jirto wasakhadyahay" ayuu hadal iyo wacdaal ii ga billaabay.

Erayadaas markii ey ku dhaceen maqalkeyga, waxaan dareemay qabow ku saaqay waaxyaha jidhkeyga oo idil. Sida baraf cadceed la dhigay ayan u dhalaalay. Ooyin ayaan ku dhuftay. Haa, waan is ka ooyay, waayo waa tabarta qura ee aan kaashan karo, inkastoo ragga intooda badani aaminsan yihiin in ooyinta dumarku ey astaan u tahay beenta iyo dhagarta lagu sheegay.

Meeshii aan ka filanayay in uu naxariis iyo naruuro ii muujiyo, wuxuu sii labajibbaaray canaantiisii, isaga oo igu tilmaamaya in aan Sheydaanka ka dhagar badanahay, illinta iga burqaneysana ey tahay dabool aan ku qarinayo falalka gurran ee uu igu maleynayo.

Wuu iga fog yahay, misana waa qof aad umalaxun. Haa, gogaldhaaf iyo falal xun ayuu igu tilmaami jiray. Waa dhaqan aan waligey maskaxdeyda ku soo dhicin, balse, Eebbe ku ibtaleeyay qofka aan nolasha la wadaago. Kama tagi karo, oo waan jecelahay, isagu sa wuxuu ii gu gooddiyaa in uu iga tashan doono, haddii aanan caga dhulka dhigin. Waa gartiis, oo wuxuu la liitaa xanuunka shakiga, aniguna waxaan goor walba is ku dayaa in aan nabarkaas ku yaalla saygeyga ka dhayo, hasa yeeshee, ma aaminsano dulqaadkeyga.

Erayada igu foosha xun ee uu ii adeegsado waxaa ka mid ah in aan ahay uun ka hagardaamo badan Sheydaanka, hadde waa Sheydaanka dhan ee la sheegay in uu malaayiin qof duufsado daqiiqaddii. Mararka qaar waxaan ku shallaayaa in aanan heysan awoodda sheydaankaas uu i garab dhigo had iyo jeer. Haddaan heysan lahaa, waxaan ku duufsan lahaa qalbigiisa iga sii jeeda, masa awoodi. Waa sidaas oo ey tahay, waxaan agtiisa ka ahay xuddunta sharta iyo fidno ku soo biirtay nolashiisa.

W/Q; Cabdicasiis Maxamed Shidane.

No comments:

Post a Comment