SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah : Dadku wax aanay haynin ayay ku Bakhaylaan!

Dadku wax aanay haynin ama aanay filayn in ay helayaan,ayay hadana dadka kale ee la saxaxibada ah ama ay isyaqanaan ay kala bakhaylaan .Waa dhaqan hanti goosi ah,kaasi oo odhanaaya waxkasta waa in aad adigu heshaa ama aad adugu yeelataa.Waa xoolo- cirdoonimo tii ugu waynayd.

Waxa laga sheegaa dad yawgii inaga horeeyay ,qisso odhanaysa .Nin dhalinyaro ah ayaa maalin maalmaha ka mida , isaga oo maraaya meel dariiq ah,isla markaana aanay dadku ku socod badnayn,ayaa waxa uu arkay dhagax wayn ee meel wadada dhinaceeda ah yaalla ama ka qotoma.

Waxa lagaba yabaa in dhagaxaasi uu yahay, mid halkii Ilahay ku abuuray ku dhidban ,hadana iyada oo sidaasi tahay,ayaa wiilkii dhalinyarada ahaa ,waxa uu kusoo baydhay dhagaxii ,kaasi oo uu maalin walba kusoo mari jiray halkan uu hadda yaallo.

Ninkii dhalinyarada ahaa,markii uu dhagaxii dulyimi,ayaa waxa uu arkay qoraal far-yaryar ku qoran,kaasi oo macnihiisu ahaa"hadii aad dhagaxan dhanka kale u rogtid,waxaa aad helaysaa waxyaabo badan oo noloshaada anfaca".

Ninkii dhalinyarada ahaa,isaga oo yaaban ayaa waxa uu iswaydiiyay,su'aalo aad u farabadan oo ay ka mid yihiin,marka uu dhagaxa dhinaca kale uu u dhigo ,waxa kasoo bixidoonaa waxa uu yahay ? ma lacagbaa? ma Dahabbaa?tolaw maxaa kasoo bixidoona? ma Dheemanbaa?waxkasta oo nolosheenu ay jeceshahayba maskaxdiisa waa ay kusoo dhacday.

Dadka bini'aadmiga ah sidiisaba ,waxa uu yahay mid damac badan .Ninkii dhalinta yaraa,cabaar waxa uu mashquul ku noqday dhagaxii iyo hareerahiisa:Waxa intaasi dheer,waxa ii iska ilaalinayaa dadka dariiqa marayaa in ay fahmaan ama ay dareemaan in dhagaxani uu yahay mid cilmi ku fadhiya;isaga aragtidiisa.

Wakhti aan saacad ka yarayn, markii uu ku meeraalaysanayay dhagaxii iyo hareerahiisa,maskaxdiisiina ay ku daashay dhagaxan marka halkiisa laga dhaqaajiyo ama dacalka kale loo rogo ,waxa kasoo bixidoona waxa uu yahay ,ayaa waxa uu markii danbe ku fikiray in aanu dhagaxan halkiisa ka dhaqaajin inta Gabalku/Habeenku uu madoobaanaayo.

Waxaa taas kasii daran,waxa ay maskaxdiisu siisay,in aanu ilaa maanta dhagaxa agtiisa ka fogaan kana ilaaliyo/waardiyeeyo, cidkasta oo uu isleeyahay ,dhagaxa iyo axwaashisa ayay wax ka fahamsan tahay .

Waxa uu fadhiistay meel aan sidaasi uga fogayn halka uu dhagaxu yaallay,waa uu ku Qado iyo cuntaba seegay.Xiligii la gaadhay Habeenimada,ayaa waxa uu damcay isaga oo hareeraha iska eegaaya in uu dhagaxii dhinaca kale u rogo, ;culayskii uu Dhagaxu lahaa aawadii, iska daa in uu dhinac u rogee ,waxaa ku adkaatay xataa in uu waxyar dhaqaajiyo/gundhiyo/nuuxiyo.

Markii uu arkay in ay adag tahay in dhagaxan halka uu yaalo laga dhaqaajiyo,dhabarkana loo rogo;ayaa waxa uu ku tashaday ,in uu raadsado cid caawisa oo dhagaxan la rogta.Hadaba intii aanu raadsan dadka caawinta uu ka doonaayo,ayaa waxa maskaxdiisi kusoo dhacday shaki iyo mala'awaal odhanaaya"dadka aad u yeedhataa ,malaga yaaba in ay kaaga murmaan amaba ay sheegtaan,Risiqqa Ilahay mucjisada uu kugu tusay ?

Shakigaasi iyo cir-waynidii aadka u badnayd waxa ay gaadhsiisay in aanu cidna u yeedhan,taas awadeed ayaa waxa uu seexday habeenkii meel aan sidaasu uga fogayn halkii uu dhagaxu yaalay.

Markii waagu baryay ayaa uu galay hawshii rogitaanka Dhagaxa,balse waa ay ku adkaatay ;wixii iminka ka danbeeya waxa uu ku tashaday in uu raadiyo cid caawisa iyo cid kaalmo u fidisa,taas oo ku khasabtay in uu cida uu caawimada ka doonaayo uu u sheego dhagaxan iyo mucjisada uu isleeyahay waa ay ku hoos jirtaa.Waxa uu u yeedhay nin dariiqa maraaya,waxa uu ka dhaadhiciay dhagaxan iyo sirta ku duugan.

Ninkii isaga ahaa ee uu soo kaxaystay,isaga laftiisa markiiba waxa uu la qaatay taladii;waxa ay usoo jahaysteen markan in ay dhagaxa halkiisa ka dhaqajiyaan,marka ay waxyar usoo jiraan halkii dhagaxu yaalay,ayaa waxa ay arkeen inanyar(kuray) caruur ah oo dhagaxa dushiisii wax ku feegaraaya(wax ku qooraaya)degdeg ayay usoo talaaba dhereeyeen,waxa ay soo gadheen dhagaxii iyo wiilkii yaraa ee korkiisa wax ku qoraayay/fegaraayay.

Si cadho leh ayaa ninkii dhagaxan risiqa ka sugayay uu inankii yaraa ula hadlay ,inta uu gacanta ku qabtay wiilkii yaraa ayaa isaga oo xanaaqsan waxa uu ku yidhi "waar dhagaxa aanu leenahay maxaad ka dulqabanaysay"?inankii yaraa isaga oo yaaban,ayaa waxa uu yidhi "Adeer waxba maan samaynayn , balse su'aal shalay oo macalinku u waydiiyay jawaabteedii,ayaan shalay dhagaxa dacalkiisa ku qortay".

Ninkii dhalinta yaraa ee isagu dhagaxan qoraalka ku qoran Mucjisada u haystay, wakhtigu kaga lumay,waxa ii inankii yaraa waydiiyay" jawaabta aad dhagaxa dacalkiisa ku qoratay maxay ayay tahay ? inankii yaraa isaga oo aan isba dhbin ayaa waxa uu yidhi "adeer waa tan" isaga oo farta ku fiiqaaya,qoraalkii uu ninkani mucjisada u haystay ee uu u habeen dhaxay. Cadhadii qabatay inta uu inankii yaraa tukhaan-tukhiyay(hore utuuray) ayaa waxa uu ku yidhi "mardanbe dhagxaanta wax ha ku dul qorin".

Somalidu waxa ay hal-hays u leedahay,laba Cali kumay wada hadal.Dhaqanka anaani-nimada iyo xoola cir-doonimadu,mararka qaar ayay waxa ay kaa indha tirtaa garashada iyo fikirka fiican.Ninkaasi dhalinyarada ahi hadii markuu uu arintan dhagaxa arkayba uu maskax ahaan uu dadka kalena wax u ogolaan lahaa,wakhtiga intan leegi kamuu lumeen,balse kaligaa cun,kaligaana yeelo,kaligaana noolow ayaa ishaa inoo yeeshay.

W/Q.Khadar Aar



No comments:

Post a Comment