SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dhibaatadu waa sida Milixda,waana hadba inta aad Biyo ku darto.

Noloshu markasta waxa ay isugu jirtaa mid aad ku farax galisa iyo mid ku murug galisa,balse adiga ayay kugu xidhan yahay midkasta sida aad u maarayso,xalkuna waxa uu ku jiraa hadba sida aad ula falgasho midka markaasi ku haysta.

Maalin maalmaha ka mida ayaa nin oday ah,waaya'aragna ah dhinaca nolosha ayaa waxa uu arkay nin dhalinyara ah oo meel fadhiya, dhabanadana haysta,inta uu kusoo baydhay ayaa waxa uu ku yidh,i Adeer maxaa kugu dhacay ?

Ninkii dhalinyarada ahaa, waxa uu u sheegay ninkii odayga ahaa ,wixii markaasi murugada ku keenay,balse odaygii madamaa uu yahay nin khibrad badan u leh, sidi looga dabaasho dhacdooyinka aduunka, ee markasta qofka soo maraya,ayaa waxa uu ku yidhi,ma ii sharaxi kartaa dhibta ku haysataa inta ay leeg tahay?

Ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu isku deyay in uu ninkii odayga ahaa uu u sharaxo dhibta cusub ee uu dhabanada layhaysto iyo murugada noloshiisa lasoo daristay,isaga oo si faahfaahsan ugaga sheekeeyay.

Halkii uu ka filaayay ninkii dhalinyarada ahaa in uu dhibatada haysata uu markaasi wax kala qabto,ayaa ninkii odayga ahaa waxa uu kaxeeyay ninkii dhalintayaraa ee ay murugadu haysatay mudada aadka u faraha badan.

Odaygii iyo ninkii dhalinta-yaraa waxa ay wada galeen dukaan wax laga iibsado,ninkii dhalinta yaraa waxaa qalbigiisa markaasiba kusoo dhacay ,talaw ninkan odayga ahi waakan dukaanka ku keeneye ,maxay ayuu rabaa in uu kuu iibiyo .

Halkii uu wax kale ka filayay, ayaa odaygii waxa uu ninkii dukaanka hayay waydiiyay ,in uu hayo *Milix (cusbo) iyo in kale,kadibna ninkii dukaanka ayaa waxa uu ku yidhi waan haya,intee ayaan kaa iibiyaa.

Odaygii waxa uu dukaankii ka iibsaday ,waxoogaa Milix ah oo aan sidaasi u badnayn,waxa kale oo uu ka codsaday dukaan hayihii in uu ku caawiyo galaas yar oo biyo ku jiraan,kadibna waa uu siiyay.

Ninkii dhalinyarada ahaa ,waxa uu noqday mid layaaban odaygani waxan uu ku samaynaayo, biyahan iyo Milixdan uu iibsaday,hadana iyada oo ay sidaasi tahay ayaa ninkii dhalinyarada ahaa muu noqon mid degdega,waxa uu sugay bal odaygu waxa uu sameeyo.

Odaygii waxa ii inankii u dhiibay galaaskii biyaha ahaa,waxa kaloo uu u dhiibay sacab Milix ah ama cusbo ah qofba sida uu u yaqaano,kadibna waxa uu ka codsaday in uu isku daro (qasso)markii uu isku qasay ayaa waxa uu ka codsaday ninkii dhalintayaraa in uu isku dayo in uu cabbo ama uu dhadhamiyo.

Ninkii dhalintayaraa markii uu biyahii iyo milixdii oo isku qasan afka saaray ,ayaa waxa uu haynkari wayay dhanaankii kadibna wa uu tufay,odaygii ayaa waxa uu ku yidhi maxaad aragtay,sidee ayay biyihii iyo milixdii isku noqdeen,waxa uu ugu jawaabay,waxa ay noqdeen kuwo aan qof bini'aadmi ahi cabi karin dhanaan awadeed.

Odaygii hadana waxa uu kaxeeyay inankii dhalintayaraa ee ka cabanayay murugada iyo shaylayga,waxa uu geeyay goob ay markaasi qulqulayaan wabiyadu,inta oo wabigii oo qulqulaaya korkiisa fadhiisiyay inankii dhalinta yaraa,ayaa waxa uu u dhiibay marlabaad sacab milix ah (cusbo ) kadibna waxa uu ku yidhi wabiga ku shub kadibna dhadhami.

Inankii sacabdii Milixda ahaa waxa uu ku shubay biyahii wabiga,kadibna biyahii wabiga ayuu sacabka daray afka ayaanu ku shubay.odaygii ayaa waxa uu ku yidhi maxaad aragtay,waxa uu ugu jawaabay wax isbadala malaha waa sidoodii biyahu.

Odaygii hada waxa uu rabaa in uu bilaabo,ujeedadii uu kalahaa arimahan,waxa uu ku yidhi ninkii dhalintayaraa,dhibkasta oo ku haysataa marka hore waa ay yartahay waana sida milixda, balse waxa ay ku xidhan tahay sida aad adigu kolba isugu balaadhiso.

Hadii iyada oo dhibaato ku haysato,aad markasta ka fikirkeeda dhibtii iyo qaababkii ay kuugu dhacday ,waxa ay kugu noqonaysa sida milixdii aadka u yarayd ee koobka biyaha ah aad ku cabi kariwayday.

Hadii dhibkasta oo ku haysata ama Ilahay kuu keeno aad ku dadaasho sidii aad uga dabaalan lahayd,ka fikirkeeda iyo culayskeedana aad isu ilawsiin lahayd,waxa ay noqonaysaa Milixdii yarayd ee aad wabiga badhtankiisa ku shibtay.

Ninkii dhalintayaraa waxa uu qaatay taladii,waxa aanay noqotay mid si dhakhso ah u anfacda,madamaa noloshan aduunkuna ay tahay sideedaba mid dhib iyo dheef isu dabasocota,waxaa lagama maarmaan ah in markasta iyada oo Ilahay lala kaashanaayo in dhakhso,looga gudbo.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment