SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Fa'iidada ku xeel dheeraanta sandarsiga biyaha.

Sanku waxa uu ka mid yahay,xubnaha aadka u muhiimsan ee uu Ilahay inoogu talagalay,waana xubin aad u muhiima isla markaana aynu ka qaadano hawada iyo neefsiga,hadii ay wax dhibaato ah ay ku timadana,waxa ay noqonaysaa khatar soo wajahaysa Sanka , saamayna ku yeelan karta cafimaadkeena iwm.

Anigu ma ahi dhakhtar ,balse waxa aan qoralkan u keenay,waxyaabaha aadka u fiican ee aan ka arkay ,sandaarsigu fa'iidada uu leeyahay iyo biyaha oo sanka aan lagala baqan balse gudaha loogu shubo ,kadibna,lasoo fiifsado.

Sida aan marar badan ka maqlay dhakhaatiirka ku shaqada leh xanuunada sanka,waxa ay dhamaantood isku wada raacsan yihiin in sandaarsiga oo lagu xeeldheeradaa uu yahay cafimadka ugu horeeya ee marinka neefsiga ee sanka.

Waxaa dhici karta in marka aad sanka biyaha ku arooriso, in aad dareento xanuun iyo culays kaasoo fuula sanka gudahiisa,balse kaasi waxkale maaha sida aan dhakhaatiirta ka maqlay aan ahayn in ay bayahu taabteen ama ay gadheen gudahiisanka.

Waxa aad marar badan aad arkaysaa ama wakhtiyadan danbe inagu soo korodhay dad badan oo ka cabaanaaya sanka,kuwaasi oo marka aad la sheekaysato ,badan koodu kuu sheegaaya in aanay waligoodba sandaarsan.

Taasi waxa ay ku tusinaysaa,in sandaarsigu yahay shay muhiim ah,loona baahan yahay in Santa qashinta gudahiisa ku samaysma in qofku uu dibada isaga soo saaro,taasi na waxa ay ku imankartaa oo kaliya in aan sandaarsiga ku xeel-dheeraato.

Waxa aad u fiirsataa, aroortii marka aad hurdada kasoo toosto,aad doonaysana in aad waysasato ama aad wafiga fool-dhaqdo,waxa laga yaba hadii aad si fiican u sandaarsato in sankaaga gudahiisa ay ka yimadaan waxyaabo sida qolof aad mooda in dhiig yari ku dahaadhan yahay.

Hadaba waxaa iswaydiinle halkee ayay ka imanaysaa Qoloftani iyo dhiigan yar ee ku lamaani,waxa kale maaha ,aan ahayn ,kuwo ku samaysmay sankaaga gudahiisa,hadii aanad dibada isaga so sarinna ku gaadhsiin lahaa ,khatar inta kabadan ay dhici kartana in aad qaliin dhakhtareed u gasho.

Way adag tahay inta badan in dadka salada tukada,in ay yeeshaan cudurada sanka ku dhaca hadii aan dhibkale ku imaanin,qofkasta oo salaada tukada maalinkii waxaa laga yabaa in uu shan jeer wayso qaato,wayso kastana waxaa ku jirta shan sandaarsi.

Nabigu csw waxa uu inagu dhiiriyay in xiliga waysada sandaarsiga lagu xeel dheeraado,isaga oo inoo sheegay in ajar iyo xasanaad laga helaayo,halkaasi waxa aad ka fahmaysaa in sandaarsigu uu yahay shay caafimaad inoo ah,hadii aad sandarsan waydo ku talagal in sankaagu uu halis ugu jiro cudurada ku dhaca,sanka gudahiisa,qashinkuna uu ka buuxsamo.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment