SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Noocyada habaarka ,Dumaroow habaarka joojiya !!

Habaarku waa wax laga ducaysto,balse waxaa dadkeena siiba dumarka caado u noqotay habaar iyo hiifitaan ay markasta kula dhacaan caruurta ay dhalaan iyo xaajiga guriga jooga.

Waa ereyo iyo odhaahyo aan adeegsigoodu fiicnayn ,loona baahan yahay in sidii la isaga dayn lahaa ,dadkeenana looga baraarujin lahaa ,kalmadahaasi ayaa waxa ay moodaa in ay maanta ka muuqdaan raadna ku leeyihiin bulshadeena.

Waxaa dhici karta in habaar yar oo hooyadu ay ilmaheeda maalinkasta ku tidhaahdaa in uu ku dhaco,taasina waxa ay noqonaysaa kugu dhac oo kaa dhac,hadii aad maalinkasta habaarto ninkaaga ama xaaskaga taasi waa habaar aan meel kaa jirin.

Ha laga fogaado ereyadan oo qaar kale oo la mida:-


1, Waxdaran illhay ku tus
2, Calaamo illahay ku saar
3, Meeldaran illahay kaa tuur
4,Balaayo kugu dhacday
5, Alle ku qaad
6, Cimri dagdag kugu dhac
7, Gablan oo gorofta noqo
8, Wax xun Illahay kugu salid
9,Iimaanka Illahay kaa qaad
10, Khaatumada seeg
11, Hoog la meer
12, Balaayo kugu dhacday
13,Baras kugu dhac
14,Cudur daran ku hel
15 Alle ku soo qabay
16 Cimrigaada Illahay dadaji
17,Habaar kugu dhac
18,Qandho fildaran Qaad
19,Cadaabkii Illahay ku gee
20 Lagu xansaas (waa gabdhaha)
21,Lagu Awd (gabdhaha)
22, Jifan oo nag dheh waa (gabdhaha)
23,kor laguula bax
24, Wadna gariir kugu dhac
25,Xargaga ka soo dhac oo isha Xanan la hel
26,Xudunta laf laguu dhig
27,Caloosha kaa soo dhacday
28 Daacuun kugu dhac
29 Qaaxo reerkiina laysay
30, Qabrigaada qabqab ka yeedhay
31,Isku bax
32, duf kugu bax
33,Fanta ku heshay
34,Raadkaaga roob qari
35, lagaa qax sidii Xamar (Muqdisho)
36,Nolasha lagugu dhaxal
37,Qalbiga lagaa dahaadh
38,Xishood beel ilahay idankiis
39 Caano beel
40, Maytidaa Alle Cadaab
41,Fidhin Illahay idankiis
42, Dooro Uur leh kaa talaabsatay
43,Illahay Qayrkaa kaa reeb
44,Illahay ku Casil
45,Si xun u Iilo

46.Hoostaada la hel.
47.LAGULA GUURSAY MA HABAAR BAA MISE WAA DUCO ?

Xigasho.midawga jidwaaq.

No comments:

Post a Comment