SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sigaarya cab iyo Yurubna maxaa kala haysta.

Hadii markii aad wadankaagi joogtay ama Afrika meel ka mida aad ku noolayd ,kana mid ahayd dadka Sigaarka cabba ama buufiya,marka aad Suuqyada dalkaaga aad dhex maraysana inta aad bidixda ku qabsato xabad Sigaara aad isla qaloocin jirtay ,Yurub markaad timi maxaad kala kulantay.

Dadkii Sigaarya-cabka ahaa markii ay yimadeen wadamadan Yurub,waxaa khasab ku noqotay qaar badan oo ka mida in ay iska dayeen cabistii Sigaarka,kadib markii ay arkeen xaalada ay ku sugnanayaan marka ay rabaan in ay xabad Sigaara shitaan.

Qofkasta oo Yurub jooga caddaan iyo madaw hadiiba uu Sigaar-cab yahay, waxa dhibaato ku ah sharciga iyo qanuunka loo sameeyay qaabka wadamada Sigaarka loogu cabbo.

Hadaba maxay ayaa ku dhacay dadki iyagu Sigaarka cabi jiray,ninka Soomaliga ahi marka uu joogay wadankiisii isla markana uu rabo in uu xabad sigaara shito ,waxaan xasuustaa waa isla qaloocin jiray kibir iyo isla wayni awadeed,taasoo aad moodi jirtay in uu diyaarad kicinaayo.

Hadaba hada maxay ayay la kulmeen dadkii Sigarka cabi jiray ee wadamadan soo galay, wadamadan waxaa yaala sharco odhanaaya,Sigaar waxa aad ku cabbi kartaa oo kaliya meel dibad ah,gaar ahaan goobaha aanay bulshadu isu imaanin,xataa waxa ay ka mamnuuceen gobahii ay khamrada iyo cabitaalka ay ku isticmali jireen.

Waxa kaloo aan lagolayn in xataa Sigaarka lagu cabbo goobaha Basasta iyo Tareenada lagu sugo,waxa kaliya oo loo ogolaaday in Sigaarka lagu cabbo goobo gar ah ee walibana dibada Guryaha iyo xafiistada ku yaala,halkaasi oo inta Hashatariyo waawayn loo dhigay ayaa waxa aad arkaysa guri kasta dadkii oo dibada ugala soo baxay oo siday mudaharadaan iskala soo horjeestay qiiqa Sigaarka.

Waxa kaloo taasi ka daran goobahaasi sigaarka lagu cabaayo,waxaa khasab kugu ah in markasta aad tagto,xataa hadii roob da'aayo ama uu baraf xoogani dhacaayo marnaba laguuma ogola in aad Sigaar ku dhix cabdo goobaha dadwaynaha.

Waxa iyaduna jirta in xataa aan la ogolayn in aad Sigaar ku dhex cabdo Basaska ,babuurta,tareenada,waxaas oo dhami waxa ay noqdeen kuwo hadii lagugu arko adoo ku dhex cabaaya in Maxkamad lagula tiigsado.

Waxaa gooba dibada kaga yaala guryaha isugu yimi dhamaan dadkii Sigaarya cabka ahaa oo dhan,kuwaasi oo halkaasi isbarasho ka qaaday,waayo qofka sanad dhan aad edegaasi yar sigaarka ku wada cabayseen runtii aakhirka waad isbaranaysaan.

Hadaba markii xaalkii Sigaarku halkaa gaadhay,waxaba soo baxday in dadka badankiisii ay u arkeen Sigaarkii in uu yahay wax xun oo wakhtigan xaadirka ah laga xishoodo,sababta oo ah Madax iyo minjo waxaa dadkii la isugu wadakeenay Guri kasta dibadiisa taasina waxa ay u cuntami wayday dadkii aqoonta lahaa,aakhirkiina waxa dhacday in dad badani sidaasi ku dayeen Sigaarkii.

Marka aad wadankeenii joogto bal dib u xasuuso,iskadaa Basaska'e waxa lagu dhex cabaa Dhakhaatiirta iyo goobaha Ganacsiga,Makhayadaha,tolaw goorma ayaynu heerkaasi gaadhi doonaa?

Isha Allahu waynu gaadhi, balse aynu ku horayno in aynu wadankeena ka gurno Qashinka Suuqyada yaala ee meelkasta ka muuqda,Sigaarkana ha la oogaado in kuwii samaystay ay sidaasi Suntiisa isaga ilaalinayaan in aynu inaguna ku baraarugsanaano.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment