SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Duuliyaha Diyarada inoo wada ,sii Khamriga !!

Imaanka iyo Allah ka cabsigu waa waxa kaliya ee ilaaliya qofka Muslimka ah sharaftiisa iyo karamaadisa ilaaliya ,waana shayga kaliya ee aad ku kala garankarto xumaanta iyo wanaaga,waana waxa kuu diida kaana horjoogsada in aad ku kacdo wax aanay shareecadu ogolayn.

Dad badan oo Dunida dacaladeeda ku kala nool ayaa xiliyada ay safrayaan,waxa ay ku safraan Diyaradaha Hawada duula,balse safarka diyaradahu inta badan waxa u caado ah,in hadii uu safarka diyaaradu dheer yahay in cabitaan iyo cuntooyin laysa siiyo.

Nin dhalinyaro ah oo Muslim ah ,ayaa waxa uu soo raacay Diyarad markaasi safar dheer ku duulaysay,sida cadada u ah diyaradahana,dadka rakaabka ah waxaa la siiyaa cuntooyin iyo cabitaano ay xaq u leeyihiin.

Diyaradii markii ay cabaar socotay ,ayaa shaqaalahii diyaradu waxa ay bilabeen in dadkii rakaabka ahaa, ay siyaan ,cabitanadii iyo cuntooyinkii ay ugu talagaleen ,taaso qofkasta halka uu fadhiyo loogu gaynaayo.

Ninkii dhalinyarada ahaa ee Muslimka ahaa,ayaa waxa markiiba u timi, gabadh ka mida dadka diyarada ka shaqeeya,kana mida shaqalhii qaybinayay cabitaanada iyo cuntooyinka kala duwan oo uu markaasi ku jiro khamrigu .

Gabadhii markii ay kortimi ninkii dhalin yarada ahaa,ayaa waxa ay usoo fidisay hal koob oo faaruqa iyo Quraarad (dhalo) ay markaasi ku jirto Khamri,waxanay ku tidhi ma doonaysaa oo ma kuugu shuba Khamriga.

Ninkii dhalinyarada ahaa oo markaasi ah nin muslim ah,Ilahayna uu imaan siiyay, ayaa waxa ku celiyay hadal ah "maya uma baahni mahadsanid",kadibna gabadhii waa ay ka tagtay,waxyar markii ay kasii maqnayd ayaa hadana ay kusoo laabatay, isla iyadii ayaa waxa ay ku tidhi,ma doonaysaa Khamri,waxa uu ugu jawabay isla jawaabtii hore oo kale ah ,waxaanu ku yidhi, maya mahadsanid.

Gabadhii markan waxa ay u qaadatay in malaha adeegeeda ay wax ka qaldan yihiin kadibna waxa ay u tagtay ninkii markasi shaqada uga sareeyay,waxanay u sheegtay in ninkaasi ay laba jeer cabitan khamri ay u gaysay balse uu ka diiday,waxanay ka codsatay in uu isagu ugeeyo,waba intasuu ka ogolaadaaye.

Ninkii odayga ahaa inta uu galaaskii iyo litirkii khamriga ahaaba uu soo qaaday ayaa waxa uu ula yimi ninkii Muslimka ahaa,kasoo labada jeer gabadha ku diiday khamriga,kadibna waxa uu ku yidhi "ma kuugu shubaa khamriga koobka oo ma u baahan tahay,ninkii Muslimka ahaana waxa uu u celiyay isla intii uu gabadha ku yidhi oo ah,maya uma baahni waad mahadsan-tahay.

Ninkii diyarada ka shaqaynayay ,waxa uu hadal ku celiyay ninkii Muslimka ahaa ee khamriga ku diiday ,waxaanu ku yidhi ,nin yahaw maxaad ku diiday adeega khamriga ee aanu ku siinay,mise ma jeclid sidaadaba adeega Diyaradahu ay bixiyaan.

Ninkii Muslimka ahaa ayaa u jawaabay oo ku yidhi ,khamriga waxa aad siisaa duuliyaha diyarada inoo wada !ninkii diyarada ka shaqaynayay inta uu yaabay ayuu ku yidhi "miyaad waalan tahay,sideen duuliyaha diyarada khamri u siiyaa"saw ma ogid in duuliyahu uu waajibaadkiisa gudanaayo,oo haduu khamri cabbo ay diyarada oo dhami ay halis galayso.

Ninkii Muslimka ahaa waxa uu ugu jawaabay "hadaba aniguna nin Muslima ayaan ahay waxanan gudanayaa waajibadkii Ilahay i saaray,hadii aan khamri cabana noloshayda oo dhan ayaa halisgalaysa If iyo Aakhiraba.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment