SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso cajiib ah: Bogga Twitterka ayaa Ilahay, bahidayda ku sheegay !!

Dunida majiro dad loogu talagay in ay noloshooda oo dhan Hodan (maalqabeen) noqdaan,haday jiraana waa fara-kutiris,sidoo kalana ma jiraan dad iyagana loogu talagalay noloshooda oo dhan in ay faqiir noqdaan.

Faqiirka iyo maalqabeenka labaduba waxa ay marti u yihiin markasta Ilahay SW, kaasi oo qofka uu doonana Hodan ka dhigaaya kii uu doonana faqiir ka dhigaaya,hadana iyada oo ay sidaasi tahay,maalqabeenku faqiirnimo ayuu kasoo bilaabay nolosha ,balse faqiirku maalqabeen kam soo bilaabo nolosha.

Faqiirnimadu maaha wax la isku caaya ama la isku ceebeeyo,faqiirka iyo maalqabeenku, waxa kaliya oo ay ku kala duwan yihiin, waxa uu yahay, dhaqaalaha iyo maalka,balse deganaashaha iyo farxada ,waxaa hawlyar kan faqiirka ah,inkastoo faqriga qaarkii uu yahay wax Ilahay laga magan galo.

Waxaa dhici karta in kan faqiirka ahi, uu ka niyad san yahay kan maalqabeenka ah, marka loo eego,kalsoonida iyo niyad wanaaga,waayo inta badan maalka iyo Lacagtu waa fidno ilaa qof Ilahay ka badbaadiyay mooyaane.

Waxa aan halkan waxyar oo kooban aynu kuso bandhigi doonaa ,qisso iyo sheeko aad u layaab badan taasi oo qabsatay nin ka mida dadka foqorada ah ee ku nool wadanka Sacudi-arebiya ninkaasi oo u dhashay dalka Balgaladhesh Muslina ah.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay in la yidhaahdo Nuzruol Abdikariim,waxa uu ka mid ahaa dad-yawgii wakhtiga aadka u faraha badan, ka xoogsanayay wadanka Sacudiga,waxanu ahaa dadka camalkoodu uu yahay dhul-xaadhka ,ama qashin guraha ,waxaanu si gar ah qashinka ama kudaafada uga guraa ,dariiqa loo yaqaano Asian 50s ee ku yaala magalada Riyad.

Ninkan dhulxaadhaha ah,waxaa uu wakhti wakhtiyada ka mida uu ka fikiray in uu tago wadankiisii,si uu usoo arko caruurtiisii iyo xaaskisii oo uu muddo ka maqnaa,kuwaasi oo wakhti badan aanu arkin.

Hadaba madamaa uu soo dhaw yahay ,wakhtihii uu ka fikiraayay in uu tago wadankiisii hooyo,ayaa waxa uu ka fikiray in uu xaaskiisii uu jeclaa u usii iibiyo Dahab ay xidhato,kadibna waxa uu usoo baxay suuqa si uu bal qiimaha dahabka iwm usoo ogaado una soo indha-indheeyo ,madama uu yahay nin jeebkiisu aad u liito.

Waxa uu yimi suuqyada waawayn ee magalada Riyad,taasi oo ay ku yalaan, dukamada aadka u quruxda badan ee lagu iibiyo Dahabka qaaliga ah ,balse ninkan isaga ah, suuqan iyo goobahan ay dukamada dahabku ku badan yihiin waxaa looga yaqaana si xoog ah.

Cabdikariim isaga oo markan dawanaaya ,murayadaha aadka u waawayn ,ee ay ka dhexmuuqdaan dahabku,ayaa waxaa arkay wiil dhalinyaro ah, oo markaasi ninkan garanaaya,wiilkii yaraa waxa uu la yaabay, ninkan dhul-xaadhka ah ee hadana doonaaya in uu iibsado dahabka aadka u qaaliga ah,waxa kaloo uu inankii yaraa ninkan isaga ah u arkay in uu yahay nin aan xaqba ulahayn in uu dukamadan oo kale uu fiirfiiriyo.

Inankii yaraa ,uqadanwaagii iyo layaabkii ku dhacay awadii ,waxa uu sameeyay in uu Mobaylkiisa sawir kaga qaado ninkii dhul xaadhka ahaa oo kolba murayad ka daawanaya dahabkii uu jeclaan lahaa in uu xaaskisa u iibiyo, balse aanu hadii uu cimrigiisa oo dhan shaqeeyo aanu goyn karayn.

Inankii yaraa markii uu sawirkii ka qaaday ,waxa uu markiiba ku tuuray ,Bog uu ku lagaa Twitterka,isaga oo sawirkii ku soo dulqoray hadal ah " ma waxa uu u malaynaya qashin iyo kudaafad"kadibna waxa uu sii raciyay qosol kkkkkk.

Ayaamo ka bacdi waxaa magaladii oo dhan ku faafay sawirkii iyo hadalkii jeesjeeska ahaa ee ku dulqoraa ,balse waxaa isaguna si lama filaana u helay sawirkii iyo qoraalkii ku qoraa, ninkii maalqabeenka ahaa ee iska lahaa dukaankii dahablaha ahaa ee uu cabdikariim booqashada ku tagay.

Ninkii maalqabeenka ahaa ee dukaanka lahaa ,ayaa isaga laftiisu waxa uu barta uu ku leeyahay Tweterka uu galiyay sawirkii Cabdikariim, isaga oo dadwaynaha ka codsanaaya in ninka Cabdikarim layidhaa cida soo aragtaa in ay u keento ama ay lasoo xidhiidho.

Shan-faroodle isma waaye,ninkii isaga ahaa ee Cabdikariim markiiba waa lasoo helay,waxaana loo sheegay in uu doonaayo mudana uu baafinayay maalqabeenka iska leh dukamada dahabka lagu iibiyo ee Sacudiga mid ka mida.

Cabdikariim oo yaaban,balse ilaa hada aan garanayn sababta uu ninkaasi u doonaayo,ayaa waxa loo geeyay ninkii Dahablaha iska lahaa,isbarasho iyo gacanqaad ka bacdi waa lawada sheekaystay.

Cabdikariim waxa uu u sheegay ninkii dukaanka Dahablaha iskalahaa, sababta uu markii hore ku yimi dukaankiisa,waxa kaloo uu ku wargaliyay in uu doonayay in uu dalkiisii Bangaladhesh u dhoofo,taas awadeedna uu ka fikiraayay, hadii uu lacag u helo, in uu xaaskiisii Dahab uga iibiyo dukaankan.

Ilahay mahadi ha ka gadhee ,ninkii maalqabeenka ahaa,waxa uu ninkii dhul-xaadhka ahaa uu siiyay *Sad Dahab ah,walibana kii ugu fiicnaa uguna qaalisanaa,waxa kaloo uu ka bixiyay Tigidkii diyarada uu ku raaci lahaa,waxa kaloo uu gacanta ka galiyay qadar lacaga oo cadaan ah,waxa kaloo sii raaca in uu u balan qaaday in uu Cimrada sanadka ee Maka in uu ka bixin doono.

Waxaa hadana markale Twitterka lasoo galiyay.qisadii dhex martay ninkii dhul xaadhka ahaa ee Cabdikariim iyo maalqabeenkii Sacudiga ahaa iyo dahabkii iyo xoolahii faraha badnaa ee la siiyay Cabdikariim,halkaasi oo uu Cabdikariim ugu duceeyay ninkii dhaqaalahaasi siiyay .

Hadaba walaalkayga Muslimka ahow,waligaa ha ku cayaarin ,hana ku kibrin,hana u malayn in aan Ilahay siin karayn, qofkasta waxa uu u bahan yahay,waayo waxaaba dhici karta in inta adiga lagaa qaado in isaga lagu wareejiyo,iska jir in aad adoomaha Ilahay ku jeesjeesto ama aad *yasto (yaraystato) iyada oo ay dhici karta i uu kaa khayr badan yahay.

Ha-ilaabin maalka iyo shaqada aad haysaa in ay tahay mid lagugu eegaayo,xasuusnow dadka foqorada ah ee an haysan sidaada xoolo aad u farabadan,waxkasta waa imtixaan,Ilahay waxa aynu ka baryaynaa in uu inoo fudaydiyo Imtixaanka Aduunyo iyo kan Aakhiraba amiin amiin.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment