SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ma og-tahay qashin kasta oo aad dhulka ku tuurto,in uu qofkale qaadayo !!

Qashin ama kudaafad kasta oo aynu dhulka ku tuuro ,ogow iyadu isma qaado ee qofkale ayaa qaada,hadii qofkaasi uu qaadiwaayana,waxa ay kusoo noqotaa kudaafadii iyada oo magac kale oo cudur layidhaa sidata,kadibna waxa ay dishaa  qofkuu markii hore dariiqa ku tuuray iyo kii aan kutuurinba.

Qashinku waxa uu ka yimadaa waxyabaha aynu isticmaalo kadibna aynu ka maarano,waxkasta oo aynu iyaga oo cusub soo iibsanaa aakhirka waxa uu ku danbeeyaa qashin iyo kudaafad,sidoo kale waxkasta oo aynu cunno oo marka hore ila macaani aakhirka waxa uu isu badalaa saxaro iwm.

Ma ogtahay qofkasta oo inaga mida qashinka iyo kudaafada uu dhulka ku tuuro,in uu qaadaayo qofkale oo aan ahayn kii tuuray,hadii qofkasta oo inaga mid ahi qashinka uu dhulka ku tuuraayo uu geyn lahaa goobaha loogu talagalay,may dhacdeen in qofkale inta uu foorarsado in uu dhulka ka qaado.

Warqadayar ee aynu dhulka sida ciyaarta ah ugu tuuraa marka ay batado waxa ay noqotaa qashin sida buuraha ah,hadii maanta magalada aad degan tahay ay ku nool yihiin dad gaadhaya boqol kun oo qof,saw ma'ogid in midkasta oo ka midii maalintii hadii uu tuuro ugu yaraan laba warqadood oo qashin ah,in ay noqonayso qashin gaadhaya laba boqol oo kun oo warqadood.

Hadii guriga aad ku jirto, ayaamo isku xiga aad kudafada ka qaadi waydo,waxaa xaqiiqa in aad dareemayso dhibaato cafimaad oo aan fiicnayn,bal ka waran hadii magalada aad joogto aad sanad qashinka iyo kudafada laga qaadi waayo,tasi saw mahan in ay dadkaasi ku dhacaan cuduro.

Saxiib ha ku kalifin dawlada hoose in ay qashinka qaado ee naftaada waxa ad ku khasabtaa in aanay khashinka ay isticmaasho aanay wadooyinka ku daadin,qofkasta oo inaga mida hadii uu qashinka naftiisa iyo gurigiisa kasoo baxa uu geeyo goobaha loogu talagalay ,waxaa marag-madoona in dadka ku shaqada leh qashinka in ay fursan fiican u heleyan in ay magalada qashinka ka dhameyaan.

Waxyabaha aadka loola yaabo waxa ka mida,dadka Somalidu marka ay wadamadan Reer galbeedka ay yimadaan,waxa ay qataan cadooyinka iyo dhaqamada dhulkan ka jira oo ah in aanay jirin kudaafad wadooyinka iyo suuqyada talaa,xaataa waxa adag in aad mararka qaar aragto hal warqad oo uu qof wadada ku tuuraayo.

Hadaba dadka qurba joogta ahi maxay ayay marka ay wadankooda tagaan,ay kudafada iyo qashinka wadada ugu dadiyaan,ninkamida oo aan arintaasi wax ka waydiiyay,ahna nin qurba joog ah,ayaa waxa aan waydiyay waa maxay sababta aynu wadankeena qashinka ugu daadino,inaga oo marka aynu qurbaha joognaba raacayna nidaamka dalkan aynu joogno u yaala.

Waxa uu iigi jawaabay ,dalkeenu isaga ayaa marka hore ah qashin qub ama kudaafad,taas awadeed marka aad aragto wadankii oo goobkastaba uu qashin yaalo adna waad ku tuuraysaa,.

Hadalkaasi kasoo yeedhay ninkaa qurba jooga ah , waxa ay noqotay mid iga yaabiyay,sababta oo ah ,waxa aan isaga iyo qayrkiiba aan ka filayay in ay horseed u noqdaan dadka wadankii jooga,ee lagaba yaabo in iyagu aanay arag wadan dadkiisii ay qashinkii ka ilaalinayaan.

Hadaba dhalinta iyo dadka qurba jooga ah waxa aan kula talinlahaa,waya-aragnimada iyo xadarada aynu kala kulano wadamadan Yurub iwm waxa ila fiican in aynu dalkii gayno, inaguna aynu iska bilawno oo aynu noqono kuwo dalkooda hagaajiya.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment