SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Tartanka Madaxda iyo maal-qabeenada.

Hoggaamintu waa shay muhiim ah oo aanu ka maarmin Aadanahu, waana mida kaliya ee lagu gaadhi karo horumarka iyo hor-u-socodka arrimaha bulshada, haddii aad aragto ummad aan lahayn Madax hoggaamisa waa ummad aan jirin.

Hoggaamiyuhu sidiisaba waa kan sameeya jeexana jidka horumarka iyo hanaanka Dawladdeed ee Dalkaasi maraayo, waxaanu qiimeeyaa waxyaabo ka baxsan waxa ay dadka shacbigii iswaydinayaan amma ka fikirayaan, waxa uu aqoon iyo garasho dheer u leeyahay fahamka iyo odoroska waxyaabo badan oo Qarankaasi kusoo fool leh.

In badan ayaynu Qur’aanka Kariimka ah ku aragnay isaga oo ka waramaya hoggaaminta wanaagsan Nabigena (CSW), in badan waxa uu inagula dardaarmay in markasta aynu doorano hoggaamiyaha wanaagsan ee kasoo baxaya wajibaadka saaran. Haddii aan hoggaamin fiicani jirin laguma guuleysan kareen horumar badan oo maanta adduunka ka muuqda .

Hadaba akhristaw aan usoo gudo dhaco ujeedada qoraal kaygan oo ah Tartanka ka dhexeeya Madaxda iyo Maal-qabeenada maxay ayuu yahay?. Waxaa laga yabaa in Dadka qaar iswaydiiyaan Madaxda iyo Maal-qabeenadu maxay ayay ku tartamayaan maxaase ka dhaxeeya?

Waxa marag madoona in dhammaan madaxda aynu leenahay ay tartan dhinaca Maalka iyo Muuqaba ay kula jiraan dadka Maal-qabeenada, Qof Illaahay u naxariistay mooyaane, inta badana waxa ay u muuqdaan kuwo dadaal ugu jira sidii ay Maal uga kasban lahaayeen shaqooyinkan ay ummadda u hayaan.

Dadka maal-qabeenka ahi waxa ay leeyihiin dabeecado iyo dhaqamo ay kaga duwan yihiin dadka intiisa kale, dhaqamadaasi iyo cadooyinkaasi waxa Laf dhabar iyo asaas u ah isla markaana ay ka samaysmeen dhaaqalaha ay haystaan, sida iyaga oo ku raaxaysta guryo aad u qurux badan, baabuur aad u qaali ah, iyaga oo markasta Adduunka meesha ay ka doonaan daqiiqad ugu safri kara, carruurtooda oo hesha waxbarasho heer-sare ah oo ka duwan mida dadka caadiga ahi ay haystaan iyo iyaga oo Bulshada ku dhex leh sharaf iyo karaamo, taaso lagu qiimaynayo Maalka Illaahay siiyay.

Bal haddaba Akhristaw waxaa marag madoona in maanta ninkasta oo madax ahi uu u dhaqmaayo sidii ninkii maal-qabeenka ahaa ee isagu xoolihiisa ku takrifalayay, ninkasta oo madax ahi maanta waxa uu u raaxaystaa si kasii Xeel dheer ninka maal-qabeenka ah, waxa laga yaabaa in ninka maal-qabeenka ahi in uu hantidiisa u tudho, oo mararka qaar ay lexejeclo qaado balse madaxda maanta marnaba ka dareemi maysid wax lexejeclo la yidhaa ilaa mid Illaahay u naxariistay mooyaane.



Guryaha Madaxda

Haddaad maanta booqato Guryaha qaar ka mida Madaxda Qaranka waxa laga yabaa in aad la kulanto tacajab iyo layaab, waxa aad arkaysaa Guryo loogu talagalay raaxo dhamays tiran oo marnaba ishaadu aanay ka jeedsanayn qurux dooda, waxaabay kula eekanayaan guryahii Boqorada Carbeed. Iyada oo Ilaalada guryahaasi joogtaa ay tahay mid ka badbadis ah oo aan loo baahnayn dhaqaale badana uu ku baxo.

Hadday kuu suura gasho in aad guryahaasi guddaha aad u gashana waxa aad dareemaysaa isla markaana aad indhaha ku kala qaadaysaa quruxda iyo qalabaynta gurigaasi ka muuqda, waxa markaaba Caqliga Caafimaadka qaba ee Dalka iyo Dadkaba u damqanayaa kusoo dhacaaya boobka iyo dhaca lagu hayo hantida ummaddan gaajadu dishoota , ee qaarkood iska daa guri ay u hooydaane aanay haysan bac yar oo ay cadceeda ka dalalimaystaan.



Baabuurta Raaxada

Waxa ku yaab galinaya mararka qaarna aad is odhanaysaa malaha ma joogtid waddan ay dadkiisu baahan yihiin, sababta oo ah waxa aad arkaysaa baaabuurta shaaximan ee ay wataan Madaxdeena Qaranku, waa ay adag tahay in baabuurtaasi qaar ka mida aad ku aragto waddamo badan oo inaga dhaqaale badan.

Sida aan wararka ku hayo amma aan ogahay baaabuurtasi qaar ka mida haddii ay waxyeelo soo gaadho loga helimaayo waddanka guddahiisa wax lagu dayactiro, kadibna waxa khasab noqonaysa in laga dalbo shirkadii soo samaysay amma dalka Dibeddiisa, isaga oo Ninka madaxdaa ee baabuurkasi soo iibsaday heli kara baabuur ka jaban shaqadiisana uga adag ummaddana waxa uu u bad-badin lahaa dhaqalaha uu ka baabinaayo, balse waxa uu tartan kula jiraa nin maal-qabeenah.

Ninkasta oo madaxa waxa guriga u yaala ugu yaraan 3 saddex baabuur haddii aanay ka badnaynba, Baabuurtaasi qaar ka mida daqadahooda muraayada lama dajiyo loomana ogola in boodhka iyo siigadu ay soo gaadho kuraastiisa sharaxan ee shaalka ku hagoogan yahay, balse akhristaw aan ku xasuusiye dhaqaalaha baaburkan lagu soo iibiyay waxa uu wax tari lahaa dadka maatida ah ee aan lahayn hoy ay roobabka iyo Cadceeda kaga hoydaan, isla markana aan haysan wax ay cunaan.



Raaxada iyo nolosha carruurtooda

Waa wax lala yaabo isla markaana lagu qoslo in nin shalay aad taqaanay isagoo oo faqiir ahaa in marka uu madax noqdosi dhakhso ah u noqdo nin maal-qabeen ah, waxa aad arkaysaa nin reerkiisa iyo carruurtiisu ay cagaha dhulka ku hayeen oo maalintii xilka madaxtinimo loo magacabay daruuraha is yidhi ka dhaanso.

Ficilka iyo dareenada ay muujinayaan madaxdu waa wax caqligu diidayo, ninkasta waxa uu jecel yahay maalinta madax uu noqdo dhammaan carruurtiisa waxa uu gaynayaa dugsiyada lacagtoodu ay qaaliga tahay, xataa qiimaynayo dhinaca waxbarashada laakiin waxa uu wax ku qiimaynayaa dhinaca dhaqaalaha iyo ku dayashada dadka maalka leh, ilayn waa maal-qabeene.

Waxa uu tamaniyayaa in uu lasoo baxo qorshayaashii u yaalay ee ay ka mid ahaayeen in uu carruurta uu u raadiyo dugsiyo iyo Jaamacad dibedda, sababta oo ah waxa uu helayaa garab iyo gaashaan aanu hore u haysan una dheer tahay khasnadii Dawladda oo u furan.



Madaxda iyo wakhtiga nasashada

Madaxda waxa u caado iyo dhaqan u noqotay xiliyadda ay firaaqada leeyihiin in ay u nasasho tagaan Hudheelada qaaliga ee ku yaala magaalooyinka daafahooda. Hudheeladaas oo koobka shaaha lagaga cabo ugu $ 1(Hal Doolar) qado iyo cashana daa hadalkeed. Way adag tahay in nin madax ah aad ku aragto goobaha bulshada danyartu wax ka cunto kuna kulanto, Isla waynii iyo kibir awaadii waa nin maal-qabeen ah, raali ahow maal-qabeen.

Ma ila aragtay madaxdu xiliga ay casuumadaha gaarka ah samaystaan waxay tagaan Hudheelada wax waliba qaaliga yihiin, waxaana dhici karta in Hal habeen lacagta casumad kaga baxdaa ay quudin lahayd hal bil qoys waddanka dagan oo faqiira.

Wakhtigaasi ninka madaxdii uu nasashada ku jiro way adag tahay in aad hesho waayo goobta uu u nasashada u tagay waxa ku gayn kara oo kaliya baabuur aad goonidaada u wadato, basna daa hadalkii waayo waa nin maal-qabeen ah.



Goobaha shaqadda

Ma jirto inta aan ogahay madaxda cid shaqada ku kantaroosha oo ilaalisa wakhtiga ay shaqada soo galayaan iyo wakhtiga ay ka baxayaan, sidaa awgeed waxa uu ninka madaxdii shaqada imanaya xiliga uu kasoo tooso hurdada waxaanu shaqada ka tagaya xiliga uu doono, taasi waxa ay keentay in Dadkii Shacbiga ahaa ay ku kadeedmaan raadinta madaxda.

Waana astaamaha dadka maal-qabeenka, waayo ninka maal-qabeenka cidina lama xisaabtamayso goorta uu doono ayuu shaqada soo galayaa kana baxayaa sababta oo ah waa shaqo isagu uu leeyahay, inta badana waxaaba shaqada sii wada dadkale.

Waxa dhaqan iyo caado inoo noqday in aad aragto maallinkasta qof shacbi ah oo warqad amma fayl meelaha la wareegaya kaasi oo doonayaa cid si gaar ah u garanaysa Wasiirka, sababta oo ah waa ay adag tahay in uu xafiiska ka helo amma loo sii daayo, wakhtiga yar ee uu yimaadana xafiiskana waxa suragal ah in uu ku mashquulo soo dhawaynta madax isaga la mid ka ah iyo la sheekaysigooda.

Qofkasta intii aanu madaxda noqon haddii waxoogaa xanuun ah uu iska dareemo waxa uu daawo u raadsan jiray dhakhtarada waddanka iyo farmashiyada balse hadda maadama uu madax noqday waxaaba caado u noqotay haddii uu iska dareemo waxooga xanuun ah sida duray, madax xanuun iwm waxaa laga yaaba in uu sida ugu dhakhsa badan uu ugu dhoofo wadamada Jaarka, haddii xaaladu sii xumaatana xaalku waa Dubay amma Yurub ilayn waa nin maal-qabeene.



Xaqiiqda jirta

Akhristaw ma og tahay in mushkilada jirtaa ay tahay in dadku aanay dareensanayn in ninka madaxda ahi uu yahay nin iyaga u shaqeeya balse ay u haystaan in ninka madaxda ah isaga loo shaqeeyo, haddii uu noqdo mid ku caan ah boobka hantida ummadda waxa ay dadku u yaqanaan Geesi (Nin rageed Xiniinya cadde) hadduu noqdo Nin Illaahay ka cabsado oo xumaanta iska dhawrsadana waxa loo yaqaana ma tabcade nacas ah iwm.

Waddamada Afrika qaar ka mida halka ay madaxdu hanti urursi ka gaadheen waxa ay ku xaragoodaan in ninka madaxdii marka uu gurigiisa baabuurta sida daraasiinta u taala mid ka mida lasoo baxaayo waxa uu isla eegaa in ay isku soo baxayaan qurux ahaan Gadhiga uu watto, Sacada uu xidhan yahay, Fargalka gacanta ugu jira iyo Suudhka uu ku labisan yahay,hadaanay intaasi islahayn dib ayuu ugu noqdaa labiskiisa, tasi waxa ay keentay in boobkii Hantida ummaddu uu noqday wax aan laga sheekayn karin.



Akhriste qisadan ila akhri kadibna wax qiimee

Habeen habeenada ka mid ah ayaa Amiirkii Muuminiinta ee Cumar Ibnu Khattab oo dhex lugaynaya magalada Madina si uu ugu kuurgalo dadka dhibaataysan, ayaa waxa uu maqlay oohin, kadibna waxa uu ku leexday gurigii oohinta uu ka maqlaayay. Waxa uu arkay haweenay iyo carrurteeda oo oohin isku daray, waxa kaloo uu Idhaha ku dhuftay digsi yar oo dabka saaran. Haweenaydii ayaa waxa uu waydiiyay waxa ay la ooyayaan iyada iyo carruurtu. kadibna gaajo in ay hayso ayay u sheegtay. Waxa uu waydiiyay digsiga waxa saaran, waxay tidhi biyo carruurta aan ku sasabayo ayaa ii saaran mana garanayso in ninka la hadlayo yahay Cumar Madaxwaynahii ummadda.

Waxa ay bilowday in ay dhaliil dusha ka saarto Cumar iyada oo ku dhaliilaysa in uu iska indha-tiray dhibaatada haysta iyada iyo carruurteeda. Cumar oonan wali isu sheegin ayaa waxa uu waydiiyay Cumar maxay ayuu idiin qaban lahaa, waxay ku tidhi, waxa waajib ku ah in uu ogaado dareenka ummaddiisa maadaamo uu yahay Madaxwaynihii ummaddan.

Cumar oo murugaysan ayaa waxa uu u soo kacay dhinacii Baytul Maalkii isaga oo uu weheliyo ninkii gacan yaraha u ahaa, kadibna waxa uu soo raray cunto farabadan sida Bariis, Saliid, Subag iyo wa xooga Lacag ah.

Markuu jawaankii buuxiyay ayuu gacan-yarahiisii waxa uu ka codsaday in uu tunka u saaro. Gacan-yarahii ayaa diiday isaga oo ixtiraamaya in uu Amiirka Muslimiinta jawaan buuxo tunka u rito, Cumar waa uu ku adkaystay, isaga oo leh :-

Ma adiga maalinta Qiyaamaha culayska iga qaadi doona. Xaq waxaan u leeyahay in aan aniga xambaaro jawaankan.



Guntii iyo gunaanad

Afeef:- Yaan la ii arkin nin madaxda si toos ah uga soo horjeeda iyada oo aan ogahay in madaxdu ay tahay laf-dhabarta iyo horumarka dalka, laakiin waxaan doonayaa in ay wanaagsanaadaan kuna koobnadaan dhaqalaaha yar ee xalaasha ee ay qataan, waayo Illaahay iyaga ayuu kala xisaabtamayaa Aakhiro xaqna uma laha in ay ku dul nooladaan dadka maatidaa.

Caqliga dadka oo isbadala mooyaane isbadali maayaan sidan ay madaxdu u fikirayaan.

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar