SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Sixiroolayaal Somaliland la wareegay iyo ka warhayn la'aanta dawlada Kulmiye !!

Waxyaabaha aadka u layaabka badan waxaa ka mida,dawlada ka jirta Somaliland sida ay uga warhayso uguna dhiiran tahay daba galka iyo ka warhaynta xisbiga mucaaradka ah ee Wadani ,iyada oo ay dhici karta in ay wadankii ka jirto khatar badani .

Waxaase wax aad loola yaabo ah in aanay dawladaasi aanay ka warhaynin in dalkii dhamaa ay la wareegeen Sixiroolayaal,kuwaasi oo maalinkasta hantidii umada ku qaadanaya sixir .

Sixirku waa shay ku gaadhsiinkara Gaalnimo,qofka sixiroolaha ahina waxa uu mudan karaa ciqaab la mid ah midka dilka oo kale,waligaa ha soo dhawaysan nin ama gabadh sixiroole ah,hadii kale aakhirka adiga ayuu ku sixrayaa.

Somaliland waxa ay noqotay meel ay gabood ka dhigteen dhamaan Sixiroolayashu,kuwaasi oo meelkasta isaga yimi kadib markii ay arkeen dal iyo dad aan masuliyiinteedii aanay ka warhayn ,kuna mashqul san yihiin,yaa maanta hadlay iyo Kulmiye ma cidbaa wax ka sheegtay.

Magalada Hargaysa ayaa waxa ay noqotay barkulanta Sixiroolayaasha,taas awadeed ayaa waxaa maalinkasta iyo sacadkastaba aad maqlaysaa qof ayaa la sixray oo dhamaan hantidii uu haystay laga qaaday ama naftiisa lagu dilay.

Maha wax lalaayabo in sixiroole uu jiro ,balse waxyabaha layaabka lihi waxa ay tahay,dawlada Somaliland ka jirta oo ah mid aan kaba war-haynin xaalka wadanku halka uu maraayo iyo waxyabaha ka dhex socda, iyada oo dadka hantidoodii ay u gacan gashay dad Sixiroolayaal ah .

Ma jirto Somaliland cid u qaabilsan arimaha noocan oo kale ah,ma jirto cid baadhaa iyo cid ka hortagtaa dadka sixirka ku shaqaysta ,kuwaasi oo dhamaan dhamaan hantidii umada ku boobaaya,waxyabaha kale ee aadka u layaabka badan waxaa ka mida in aanay jirin ciidan raadiya oo daba gala arimaha noocaasi ah.

Balse waxaba iyaduna dhici karta in dadkaasi sixiroolayaasha ahi ay joogaan guryo ku yaala magalooyinka iyaga oo la noolna dad u dhashay Somaliland,ay dhici kartana in ay difacaan hadii danbiyo lagu soo oogo.

Waxa aan kula talain lahaa Dawlada Somaliland ee iyadu mashquulka ku ah ka hortaga iyo hatigaada xisbiga Wadani in ay arimahan sida ugu dhakhsaha badan ay wax uga qabtaan,hadii kalana ay dhici karto in wadanka oo dhanba ay afaadaasi sixirku la wareegto.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment