SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Ciidamada Puntland oo gudaha u galay degmada Qandala.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa maanta gudaha u galay degmada Qandala ee Gobolka Bari, halkaasoo muddo bil iyo maalmo ay gacanta ku hayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Taliyaha Ciidamada difaaca Puntland Jen, Saciid Dheere ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku xaqiijiyay la wareegida Qandala oo ah deegaan istiraatiiji ah oo dhaca Badda Cas.

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howl gallo ay uga saarayeen Qandala dagaalyahanada Daacish, waxaana ay ku qaadatay qabsashada deegaanka maalmo, maadaama wado aad u dhib badan ay tagto ayna ku yaalaan buuraley.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada la wareegay Qandala ay labo jiho ka galeen, dhinaca Badda iyo barriga, waxaana la sheegay in dagaalyahanadii Daacish ee deegaanka ku sugnaa ay isaga baxeen, isla markaana galeen dhanka buuraha.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in khasaare ku gaarsiiyeen howl galadii ay ku xoreynayeen Qandala dagaalyahanadii Daacish.

Warbaahinta ayaa lagu wadaa in loo soo bandhigo Qandala iyo howl galkii ay sameeyeen Ciidamada Puntland.

Dagaalyahanada Daacish ee la wareegay Qandala 26-kii October ayaa ahaa dagaalyahano horay uga goostay Al-Shabaab, waxaana hoggaaminayay Sheekh C/qaadir Cali Muumin.

No comments:

Post a Comment