SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Shaydaanbaa i-xasuusiyay halkay lacagtaydu taalay!!

Maalku waa shaygu ugu muhiimsan ee in aynu helno aynu aadka u jecel nahay , nafta u huro sidii aynu u heli lahayn,qofkasta oo inaga mid ahi in uu maal iyo lacag yeesho waa wax ka go'an, mana aha wax uu muran ka taagan yahay.

Nin oday ah oo noolaa qarnigii imaamkii waynaa ee Abu-xaniifa , ayaa maalin maalmaha ka mida ayaa lacag uu haystay ayaa waxa uu ka baqay in ay tuugtu gurigiisa ka qaadato.

Wakhtiyadaasina inta badan ,waxaa dadka u caado ahayd, in ay lacagaha iyo dahabka ay haystaan ay dhulka hoostiisa ku asaan,halkaasi oo u ahayd khasnada kaliya ee ay xoolahooda kaga badbaadin jireen budhcada iyo tuugada wakhtigaasi.

Hadaba nin ka mida muslimiintii, ayaa waxa uu garan waayay, goobtii iyo halkii uu lacagtii faraha badnayd ee uu muddaba shaqaynayay uu ku aasay,kadibna isaga oo naxsan ayaa waxa uu oradkii u tagay imaamkii waynaa oo markaasi lagu tuhmaayo amabase ahaaba nin aad u Allah ka cabsi badan.

Ninkii ay lacagtu ka halawday ee garan waayay meel uu kaga aasay dhulka,ayaa waxa uu sheekhii uu u tagay ku yidhi,imaamow waxa aan haystay waxooga lacag ah,kadibna si aan tuugtu iiga dhicin ayaa waxa aan ku aasay meel dhulka ka mida,balse nasiib daro meeshii ayaan garan waayay , kheekh waxa aan ka rabaa in aad ii sheegto meeshii aan lacagta ku aasay.

Ninkan lacagtu ka halawday,sababta keentay in uu ku yidhaa sheekha, lacagtu halka ay ku aasan tahay ii sheeg ,waxaa ku kalifay,waxa uu ku tuhmayaa Allah ka cabsi iyo isaga oo u tirinaaya in uu ninkan sheekhii ka mid yahay Awliyada Ilahay,taas awadeedna waxa uu u fahmay,madamaa uu darajada leeyahay in uu waxkasta sheegi karo halka ay ku lumeen ama ay yalaan,iyada oo markaasi ay ka qaldantay caqidadu.

Balse Imaamkii waynaa ,waxa uu ninkii lacagtu ka halawday ugu jawaabay,waxaasi oo kale lama wadiiyo culimada,balse si aad lacagtaadi u hesho waxaan kugula talinayaa,waa in aad caawa oo dhan salaad usoo jeedaa ilaa uu waagu ka baryaayo.

Ninkii waxa uu qaatay taladii sheekha kadibna markii uu tukaday saladii cishaa'i wixii ka danbeeyay oo dhan waxa uu ku jiray salaad,balse marka uu waxooga saladii badhtanka kaga jiro, dhawr ragcadoodna uu tukaday, ayaa waxa uu xasuustay halkii uu Lacagta ku aasay.

Waxa dhacday in uu degdeg salaadii uga baxay ,kadibna uu lacagtii lasoo baxay,farxadii uu farxay ayaa markii uu waagii baryay ayaa waxa uu u tagay sheekhii waynaa ee talada siiyay,kadibna waxa uu ku yidhi,sheekh maxay ayaad ku garatay in aan lacagtii helaayo, sheekhii ayaa waxa uu ugu jawaabay,waxa aan ogaa in aanu shaydaanku salaada wakhtigeedu sidaas u dheer yahay in aanu kuu ogolanayn,kadibna uu lacagtaadii ku xasuusinaayo,si uu salaada kaaga mashquuliyo ama kaaga kaxeeyo.

Bilaahi caleeg,inaga oo aanay jirin lacag iyo xoolo aynu meel ku aasnay oo inaga maqani,maalin kasta imisa jeer ayuu shaydaanku salaada inaga saara, oo kolba waxyar oo aan qiimaba ku fadhiyin ina xasuusiyaa ama uu horteena keenaa.

Ilahaw noo gargaar,shaydaana adaa abuurtaye naga qabo,imaankana noo siyaadi.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment