SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Xasan Sheekh Madaxweynahii Diyarada jeclaa!!

Hogaamiye kasta oo Somaliyeed waxa uu leeyahay dhaqan iyo caado anay jirin cid ku matashaa,taasi oo la xidhiidha hawlmaalmeedkiisa shaqo iyo habdhaqankiisa maamul,ma jiro hogaamiye aan arintaasi layayni.

Wadanka Somaliya waxa mudooyinkii u danbeeyay soo maray madax kala gadisan,kuwaasi oo kala ahaa Madaxwayneyaal iyo Ra'iisal wasareyaal,waana labada nin ee dhinaca xukunka ugu sareeya ,waana mida aan jeclahay maanta in aan faalo yar oo kooban ka bixiyo.

Madaxwaynaha hada xilkiisii dhamaaday ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu yahay madaxwayne aad moodo in uu ku suntahay,caado iyo dhaqana ay u noqotay ku safrida diyaradaha hawada haada.

Kama hadlaayo Madaxwaynaha iyo shakhsiyadiisa,waayo waxa aan ogahay in uu yahay nin inta
badan farxaan ah oo markasta ay ka muuqato calamada isku kalsoonaanta,balse waxa aan ka hadlayaa waa dhanka safaradiisa oo u badan gadiidka hawada heehaaba.

Ma-arkaysid mana maqlaysi Madaxwayne Xasan Sheekh oo ku safraaya Gaadhi,haadii aad maqashana ama aad aragtana waa wax aad u kooban.taas awadeed ayaa dad badan oo kamida umada Somaliyeed waxa ay iswaydiinayaan Madaxwaynuhu maxay ayuu ku jecladay safarka Diyaradaha xataa hadii Jawhar oo aad u dhaw gaadhayo.

Wa su'aal u bahan in laga jawaabo,balse hadii aan anigu isku dayo in aan jawaab waafiya ka bixiyo, waxa ay ila tahay Madaxwaynaha in ay balwad iyo raaxo jacayl ka noqotay raacida Diyaradaha hawada heehaaba.

Waxa laga yaba madaxwaynuhu in uu isleeyahay hadii aad jidka ama wadada aad ku safarto malaha waxaa ku heli doona odayashii iyaga ahaa,balse taasi maha mid uu madaxwaynahu uu dadka ka iibin karo.

Hadaad is tidhaahdo dib ugu laaba safaradii uu madaxwaynhu diyarada uu raacay,waxa ay kusoo boqol laabmayaan kuwii uu baabuurka u kaxaystay wadanka gudahiisa,taas awadeed waxa uu Madaxwaynahu noqday Madaxwaynahii ugu diyarad raaca badnaa uguna diyarad raaca jeclaa.

Waxa isaga hortii madax soo ahaa rag badan,kuuwaasi oo gobolo aad u kala fog ugu safri jiray gadiidka dhulka,iyada oo khatarta jirtaana ay tan hada ka badnayd ama ay kasii xumayd,balse madaxdaasi Xasan Sheekh ka horeeyay may ahayn kuwo ay balwad u tahay diyaaradu.

W/Q-Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment