SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Dadku maxay iga doonayaan??

Dunidu dhibaato badanaa,dunida hadal iyo hugun badanaa,dadku maxay dadka-kale karaabaan? dadku maxay ugu wada dhaqmi layihiin si wanaagsan? maxaa laysu xantaa ama laysu xaasidaa?

Su'aalahaasi oo dhami waa kuwo maanta nolosheena oo dhan horyaala, Somali hadal way dhamaysay,waxanay tidhi,Carab iyo labadiisa daan ayaa is-qaniina, hadana ma kala maarmaan oo hadaan midba midka le aanu u adeegayn midna gooni uma noolaadeen.

Waxyaabaha aadka u layaabka badan waxaa ka mida,qofkastaa oo aduunka ku nool waxa uu qofka kale ee ay saxiibka yihiin ama ay isyaqanaan uu ka rabaa in uu ula dhaqmo sida uu isagu jecel yahay.

Xaasha taasi waa ma dhacdo,ogsoonow hadii aad qofkasta ka rabto in uu kuula dhaqmo sida aad adigu jeceshahay, ku talagal in adigana lagaa raabo taas oo kale,waan ogahay oo waa ay kugu adag tahay,hadaba ogsoonow in qofkastana ay ku adag tahay.

Waynu kala wada waji iyo aragti duwanahay,xataa waxa aynu ku kala duwanahay socodka iyo talabada ,taas macnaheedu waxa ay tahay in waxkasta aynu ku kala aragti duwanahay,haku khasbin qof kale in uu raaco aragtidaada waayo adiguba ma jecelid in aad qofkasta aragtidiisa ku raacdid.

Qofkasta qumanahiisa ayaa qoorta u sudhan,hadaad hayso fikir iyo tala fiican,iigu sheeg si degan oo anigu aan fahmi karo,waxa laga yaaba in anaan la fahmad ahayd dadka kale ,waayo Ilahay SW Furcoon markii Nabi Muuse cs loo dirayayba waxa lagu amray in uu Qaywl fiican kula hadlo.

Waxa aan ahay bashar , waxa dhici karta in wax iska kay badalaan,waxa iman karta in aad iga waydo dabeecad iyo dhaqan aad igu taqaanay,balse taas macnaheedu maaha in aan ku nacay ama aan qof xun noqday ,waxase dhici karta in wakhtigii iyo sacadahii aynu wada kulmi jiray oo kaliyii ay meesha ka baxeen.

Waxaa iman karta,in aad iga waydo sheeko iyo xaladayn aynu wakhtiyada qaar ku mada-daalan jiray,markaaba ha ii fahmin in aan ahay ,nin saxiibtinimadii xadhiga u jaray,balse waxa dhici karta in ay aqooni aniga ay ii korodhay,una arkay waxa aynu wakhtigeena ku lumin jiray in uu ahaa mid aan labadeenaba aan ina anfacayn.

Qalad ha ka fahmin waxyabaha iska badalay jidhkayga,maaha hadii aan kaa buuranahay in aan ka lacag badanahay,balse ogsoonow in aan kaa culays badanahay,sidoo kale hadii aan kaa dheerahayna ha moodin in aan kaa qurux badanahay .

Hadaad iga waydo dhaqan iyo dabeecad aad shalay igu taqaanay,markaba cadho jiq hayska siin ee i waydii waxa igu soo kordhay,waxa laga yaaba in aan sheego waxyaabo aad iiga garawdo .

Markasta oo aynu is-aragno hadii aad ugu aragto wax aad ku faraxdo,hay xaasidin hana ii calool xumaan,balse ugu dheh mashaa Allah,ilayn adiguba ma jeclid in lagu xaasudee,haygula dhaqmin waxkasta oo aad og-tahay in aan necbahay ,ilayn adiguba ma jeclin waxa aad neceb tahay in lagugu soo hadal qaadee.

Hadii ay dadku kugu yidhaadaan waad isbadashey, ogsoonow waxa ad joojisay wixii ay kugu yaqaaneen.

W/Q.Khadar Aar.

No comments:

Post a Comment