SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Yaa u hanjabay Ilhaan Cumar?

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Somaali-Mareykankan ah kana mid ah mudaneyaasha Golaha Degaanka ee Gobolka Minnesota ayaa shaaca ka qaaday in si aan caadi aheyn loo handaday.

Marwo Ilhaan ayaa xustay in Nin taksiile ah uu hanjaabaado kala duwan u jeediyay, waxaana sidoo kale ay qeexday in Ninkaasi uu isku dayay in uu xijaabka ka qaado.

Iyadoo hadalakeeda sii watada ayaa waxey cod dheer ku sheegtay in Ninkaasi uu ku tilmaamay in ay xubin ka tahay Ururka Daacish oo ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria.

Weli majiro wax hadal ah oo ka so baxay Saraakiisha Mareykanka oo ku aadan handaadan lagula kacay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka soo jeeda Dalka Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment