SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Maalin ayay isoo lugoyeen,ma qadaan uga baahna?



Wakhtiyadan danbe waxaa Dunidan aynu ku nool nahay kusoo kordhay aaladda Intenetka,taasi oo dadka badan kiisii ka dhigtay kuwo had iyo goor mashquul ah isla markana aanay jirin wax ay haleelayaan.



Waxaa maalin maalmaha ka mida casuumad qado ii fidiyay laba nin oo dhalin yaro ah,waxa ay si kadisa ah ila soo hadleen aniga oo markaasi gurigayga jooga,waxanay ii shegeen in ay jeclaan lahayeen in aanu maanta wada qadayno.


Runtii markii ay fariintaasi oo talafon ahayd ay iga timi ,labadaasi nin ee akhyaarta ah,maan *laba-labayn,waanan ka aqbalay,waxanan u diyar garoobay sidii aan marti-galintaasi uga qayb gali lahaa.


Waxa gurigii aan ku jiray iigu yimi oo ay iyagu isoo direen nin akhyaar ah oo markaasi qayb wayn ka qaatay marti galin tayda, ninkaasi oo intii aan gaadhiga saarnayn aanu si fiican isu baranay,madama uu ahaa nin kasoo jeeda magaladii markaasi aan u dhashay ee Hargaysa.


Waxa aan tagay goobtii ama gurigii ay jogeen labadii nin ee casuumada qadada ah ii fidiyay,salaan iyo boogadin ka bacdi waxa aan fadhiistay kursi aan sidaasiba iiga dheerayn,aniga oo markaasi ka fikiraaya in aanu maanta labadan nin wada sheekaysan doonno ,madamaa wadamadan qurbaha ay adag tahay ,sida markasta la isu haleelaa .


Markii aan kursigii fadhiistay,ayaa waxa ay labadii nin mid ka mida uu si toos ah u gudagalay karinti qadada/casuumada ee ay markaasi iigu baqeen ; waana shay iska dabiici ah marka aad Yurub iwm aad joogto in ay dhici karta in cuntada isla wakhtigaas uun laguu diyaarin karo.


Hadaba intii qadadu ay noo karaysay ,halkii aan ka filaayay in aanu sheeko iyo is xaalwaraysi aanu kala bogan doono labadii nin, ayaa ninkastaaba waxa uu gaar ahaan tiisa ugu mashqoolay talafoonkii gacanta, ee uu markaasi haystay,iyada oo midkastabana uu dhagaha gashaday aalada loogu talagalay in uu qofku garkiisa wax ugu dhagaysto . 

Taasi waxa ay sababtay, in ilaa wakhtigii ay cuntadu noo bislanaysay ,ay adkayd  in aanu iswaraysanno aniga iyo dhalintii wax hadal ah , iyada oo aan jeclaa in aanu waxoogaa,*waa halkii Somalidee in aanu sheekada dhacda gurno . Anigu dhankayga waxba maan hagran,waxaanan diyar u ahaa wada shakaysi ; dhalintuna may ahayn kuwo aniga i necbayn ,balse mawjadda Internedka ayaa ka xoogroonaatay waana mida maanta dunida oo dhan ku abuurtay cabsi .


Markii la gaadhay xiligii ay cuntadu noo bislaatay,isla markana aanu u diyaar garawnay in aanu gacanta galino,daqiiqadii iyaga ahaa ,ayaa aanu helnay wax firaaqo ah oo aanu ku sheekaysan karno ,tasoo waliba ay dhacaysay in dareen koodu uu la jiro ,walina uu ku maqan yahay, barnamijyadii ay markii hore fiirsanayeen ,waxa taasi dheeraa  Mobeladii oo dacaladooda yaala ,oo iyagana uu kusoo dhacaayo fariimo uga imanaaya saxibadood iyo dadkii ay xidhiidhka lahayeen.Waxa ay noqdeen niman gacanna wax ku cuna ,gacanata kalana Mobilka ku fara-fareeya. 

Markii aanu ka faraxalanay cunto cunistii ,waxa saxibadaydii dhalinyarada ahaa halkii uga bilaabmay barnaamij koodii fiir-sashada iyo ku foognaanta mobiladooda,iyada oo ay mararka qaar dhacaysay waxooga hadal kooban oo ay igusoo turayeen si ay iyaga laftoodu ii dareen siyaan in aanay mooganayn ee ay la socdaan xaalkayga.


Wakhtigu waxa uu markaan gadhay xiligii la tukanayay salaada Maqrib,waxa aan waydiiyay halka ay taallo Sijaayadda lagu tukataa,tilmaan ayaa la isiiyay waanan soo qaatay,tukashadii salaada ka bacdi waxa isna fadhigii guriga nagusoo biiray ninkii sadaxaad ee saxibadan qadada ii sameeyay , guriga la galayay.


Qofnaba ceebtii maaha ee waa cadadii,salaan iyo isboogadin yar oo kooban ,saxiibkii nooyimi isaga oo aan bari iyo galbeed toona eegin ayuu markiiba *istaadhay barnamijkiisii ,waxa uu si dhakhsa ah u guda galay ,halkii uu markaasi uu rabay in uu Internedka ka maalo,taasoo intuu jidka soo socdayba uu kusoo mashquul ahaa,gurigana uu lasoo galay.

Dhalinta Yurub joogta,inta badan waxa uu caado ah,marka ay wax fiirsanayaan,ma fadhiistaan Kurasta iyo goobaha fadhiga,waxa dhaqan maguuraan ah u ah, in ay sariiraha fuulan kadibna qaarka danbe ay Bustaha iska huwiyaan.Waxaana inta badan taasi sababaaya,guryaha oo ku yar,ama qoyska oo aan markaasi haysan guri sidaasi u wayn. 


Akhristayaal ma ogtihiin markii ay arintu halkaasi marayso, aniga laftaydu kiiska iskamaan waalin,waxanan horaantiiba lasoo baxay markii aan arkay xaalku halka uu maraayo, Mobilkaygii kadibna waxa aan halkaasi ka bilawday dalacashada wixii barnaamij aan markaasi xiisaynayay,balse aniga waxa igu khasbay waxa ay ahayeen ,dareenka iyo wacyiga markaasi yaalay gurigan aan joogo. 

Hadal iyo dhamaantii,markii la gaadhay saacad aan is-odhan karo waa xiligii Cishaa-iga,ayaa waxa aan akhyaartii  ka codsaday in ay ii balamiyaan uguna yeedhaan Taxsi-gii markii hore isoo qaaday,oo kolayba ii iman lahaa,balse xaalku waa in uu wakhtigii uu filayay in uu yimaado in uu kasoo hormaro,taasna waxa igu kalifaayay jawiga ka jiray guriga.


Ninkii Taxsiga waday oo magaciisa lagu magacaabo *ekuT,ayaa markii uu ii yimi waxa uu ii sheegay in uu filaayay in aanu wakhti aad u badan aanu sheekaysan doono aniga iyo akhyaartan,balse waxa aan u sheegay in ay xaaladu markiiba isu badashay jawi ah in lakala mashquulo.


Ujeedada aan sheekadan yar ee kooban u qoray maaha in aan xumaan iyo ixtiraam la'aan aan ka tirsanayo saaxibada casuumada ii fidiyay "xaaaaaaaasha" balse waxa aan doonayaa in aan dadka u sheego in aalada Enternetku ay tahay mid nolosheenii qayb wayn ka qadatay.

Wabilaahi tawfiiq.


khadar-aar.blogspot.com


facbook.khadaraar@hotmail.com


khadaraar101@gmail.com

WQ/Khadar Ibrahim Aar

No comments:

Post a Comment