SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Vitimin D-ga oo Hoos u Dhiga Khatarta Qaybo ka mid ah Cancer-ka.

Khubaro ku xeeldheer Cilmiga Science-ka oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa sheegay in Vitamin D-gu uu yarayn karo khataraha qaar ka mid ah noocyada uu ka kooban yahay cudurka Cancer-ku.

Khubaradaasi waxa ay dib u eegis ku sameeyeen
63 cilmi-baadhiyeed oo hore loo sameeyey, ka dibna waxa ay ogaadeen in Vitamin-diigu yareeyo fursadaha uu ku faafi karo ama uu horumar u samayn karo noocyada Cancer-ka, kuwooda ugu khatarsan sida Cancer-ka Naasaha dumarka ku dhaca "breast cancer" iyo cancer-ka nooca dhaxalka ku yimaada ee loo yaqaan Colon cancer.

Cilmi baadhistan ayaa laga soo dhoweeyey jaamacadda California laakiin waxa ay hadana ka digayaan khubaradu in qaadashada Vitamin D xad-dhaaf ahi ay dhibaato aad u ballaadhan gaadhsiin karto kelyaha iyo beerka, iyaga oo intaa raaciyey in loo baahan yahay in la sameeyo baadhis intaa ka dheer.

Vitamin D-ga dabiicaga ah ee loo yaqaano D3,
ayaa caadiyan waxaa soo saara jidhka ka dib marka qofka jidhkiisu loo Qorax ku filan helo, waxa kale oo laga heli karaa Cuntooyinka qaar sida Kaluunka saliida leh,margarine-ka, cabitaanada tayadooda la kordhiyey iyo Hilibka.

Cilmibaadhistan oo lagu sameeyey
jaamacadda California ee ku taala Sandiego ayaa waxa ay eegeysaa xidhiidhka ka dhaxayn kara vitamin-D-ga ku jira dhiigga iyo khatarta cancer-ka.

Waxa ay sheegayaan Khubaradu qaadashada 1000 unit oo caalami ah (IU) ama 25 microgram oo vitamin-D ah maalin walba waxaa 50% yaraan karaya khatarta noocyada cudurka sida breast cancerka, ovarian-ka iyo colonka.

Sida ay sheegayaan Culimadani qaadashada 2000 oo unit ama 50 micrograms oo vitamin D ah waxay keeni karaysaa in jidhku qaato calcium fara badan, taas oo suurta galka dhigaysa in uu burbur ku yimaado beerka iyo
kelyaha.

Professor Cedric Garland oo isagu hogaaminaya hawshan dib u eegista ah ayaa sheegay in laga heli karo Vitamin D tayo sare leh iyada oo aan jidhka loo dhigin Qorraxda kaas oo uu sheegay in laga helo cuntooyinka caadiga ah iyo kuwa tayadooda la kordhiyey. Professor Garland waxa dadka aan jidhkoodu Qoraxda u adkaysan karayn uga digay in ay isu dhigaan qoraxda maxaa yeelay waxa uu yidhi taas qudheeda ayaa dhibaatadeeda leh.


Source: Medical Journal.
Waxa soo Tarjumay: Osman Abdillahi Sool…..Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail