SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Allah Qof Qof Ayuu Dadka U Xisaabinayaa ee Uma Xisaabinayo Mad-hab Mad-hab, Koox Koox.

Caalamka Islaamka waxyaabaha muddo boqolaal sano ka jira ee ay ka mid tahay gaajo, jahli, dibudhac, dagaallo, isduudsi, iwm. ma wax aan la fahmi karin, ama aan sabab lahayn, ama ay mamnuuc tahay in la dhex galo oo runta la sheegaa?!

Waxa isweydiin mudan, muxuu ugu beermaa, oo uu ugu balaadhaa xinka, isqabqabsiga, dagaalada iyo dhibaatooyinku deegaanada islaamka?

Sababtu waxa weeyi: dadkoodu islaamka ka hor waxay ahaayeen qabiilo iyo qolo qolo kala qoqoban oo magaca danta iyo maslaxadda ku dagaalama, islaamka ka dibna wax aan ahayn magacda iyo waxa lagu dagaalamayo iskama bedelin, oo waxay noqdeen kuwa u kala qaybsama kooxo, mad-habo, xisbiyo iyo dawlado diini ah oo magaca Allah iyo Rasuulka ku dagaalama!

Waan ogahay in dad badani ay diidi doonaan jawaabtaa aan bixiyey, laakiinse waxa garanayaa in aanay wacyi buuxa iyo ogaansho cilmiyeysan ku diidaynin, waxayse ku diidayaan waa caadifad iyo iyadoo lagu amray in ay diidaan! Diin ahaan looma amrin oo Allah kuma amrin, ee waxa ku amray sheekhooda, kooxdooda, xisbigooda, mad-habtooda ama jamaacadooda! Si kale hadaan u dhigo, qof walba sheekhiisa iyo kooxdiisu waxay u sheegto wax aan ahayn sax maaha!!

Jawaabahaygaa kuma diidayaan caqli iyo cilmi, ee waxay u diidayaan waxa laga mamnuucay in ay fikiraan oo ay caqligooda isticmaalaan! Ilaa yaraantoodii ayaa lagu laqimay oo waxay is arkeen iyagoo fikirka laga adoonsado, laguna qasbay dhaqan, oo laga dhigay riciyad, sidaa darteed waxay u baahanyihiin si joogta ah qof horkaca "raaci" oo u fahma wuxuu Allah ka rabo.

Qur’aanku ma odhan oo kaliya waa xaqa dadka ee wuxuu sheegay in weliba dadku awood u leeyihiin in ay la doodaan sheekhooga iyo xataa rusushooda.

Tusaale ahaan, qur’aanku wuxuu inoo sheegay in nebi Ibrahim uu Allah ku xujeeyey in uu tuso siduu wax u nooleeyo isagoo weliba aaminsan, balse doonayey in uu qalbigu u dego!

Hadaan isweydiinno, muxuu qofka ku nool dalalka islaamka maantu u difaacaa qabiilkiisa – ama wax ha dulumto ama ha la dulmee? Sababtu waxa weeyi wuxuu qofkaasi dareensanyahay in uu u baahanyahay in qabiilkiisu difaaco, qabiilkuna ma difaaco qofka aan qabiilkiisa u hiilin, markaa waa in uu qabiiliiste noqdaa!

Hadaba ma odhan karnaa, qofka sheekhiisa, kooxdiisa, mad-habtiisa ama xisbigiisa diiniga ah u hiiliyaana wuxuu sidoo kale iyagana difaac ka heli sidii qabiilka? Jawaabtu waa MAYA. Qabiilku wuxu qofka ka difaaci kara qabiil u dhigma ama la mid ah, laakiinse sheekha, kooxda, mad-habta iyo xisibiga ama dawladda diiniga ahi qofka u hiiliya kama difaaci karto Allah – sababta oo ah maalinta xisaabta qof qof ayaa Allah dadka u xisaabinayaa!!

Iyadoo ay sidaa tahay ayaad hadana arkaysaa dad masaakiin ah oo maalin kasta u dhimanaya koox, maamul, ama xisbi diini ah oo aan waxba uga tarayn xisaabta Allah.

Murtidu waxay tahay, waxad ogaataan ilaa inta dadka dalalka islaamka ku nooli ay u kala hiilinaya kolba sheekh, koox ama xisbi in aakhirana aanay waxba uga tari doonin xisaabta, adduunyana waan aragnaa oo waa: gaajo, faqri, jahli, tafaraaruq iyo qaxooti waxay ka dhaxlaan!!! Allahna waxba ka bedeli maayo ilaa inta ay iyaga wax iska bedelayaan.

W/Q: Omar Haji Farah.

No comments:

Post a Comment