SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Taariikh aan horey u dhicin: 4-boqor oo dunida dhan maamulay.

Maalintii uu ilaahay dunida abuuray ilaa iyo haaatan waxaa jira 4-boqor kali ah oo adduunka oo dhan maamulay, waxaana ilaahay qadaray in afartaasi 2-kamid ah ay noqdaan Muslimiin halka 2-da kale ay ahaayeen gaalo.

Nebukadnesar iyo Nimrod oo gaalo ahaa iyo Nabi Suleymaan CS iyo Dul-qarneyn oo ilaahay rumeeyay kana mid ahaa saalixiintii dunida soo maray.

1.Boqorkii Koowaad wuxuu ahaa Nimroud

Wuxuu ahaa boqorkii ugu horreeyay ee dunida dhan maamulay wuxuuna fariisinkiisu ahaa magaalada Baabal ee dalka Ciraaq, kuma ekaan inuu ahaado bani’aadam ee wuxuu sheegtay ilaahnimo {Allow naga kori}.

Ilaahay subxaanahu watacaalaa ayaa u soo diray nabiyullahi Ibraahim Caleyhi Salaam, wuxuuna nabi ibraahim ku amray Nimroud inuu rumeeyo diinta Islaamka laakiin arrintaasi wuu diiday gaalkaasi weyn waxaana dhex martay sheekadan.

Nimroud: Waa kuma ilaahaaga ku abuuray?

N/Ibraahim CS: Allahaygu waa kan wax walbo abuuray, waana Allah wax dila waxna nooleeya.

Nimroud wuxuu amray in loo keeno 2-nin markaasuu mid dilay midna sii daayay.

Nabi Ibraahim wuxuu badalay xujadiisa, taasoo tuseysay caqliga ilaahay siiyay, wuxuuna yiri "Cadceeddu waxay ka soo baxdaa mashriq ee birri ka soo saar magrib".

Nimroud baa wareeray oo arrintaasi ay tusisay tabar darradiisa.

Arrinta cajiibka ah waxa weeye markuu Nimroud dhimanayay waxaa ilaahay ku salliday Tuqsi ka mid ah ciidanka ilaahay kaasoo sanka ka galay gaalkaasi kibray ilaa uu kabtiisa madaxa iskaga garaaco, sidaas ayuuna dullinimo ugu dhintay.

2.Boqorkii Labaad wuxuu ahaa Nebuchadnezzar

Wuxuu lamid ahaa sida boqorkii hore, marka laga reebo inuu ahaa hogaamiye ciidan oo aad looga baqi jiray xilligiisi, wuxuuna hogaamiye u ahaa 100-kun oo dagaal yahan.

Wuxuu ku dhashay magaalada Baabal ee dalka Ciraaq, markuu kibray ee imaaradiisu ballaadhatay wuxuu xoog ku galay dhulka Shaam isagoo baqdin galiyay reer Dimishiq, waxay ogolaadeen heshiis iyagoo hanti aad u fara badan siiyay.

Markii dambe wuxuu xarun ka dhigtay beytul maqdas isagoo halkaas kala wareegay boqor ka mid ahaa dadkii rumeysnaa diinta islaamka gaar ahaan Nabi Daa’uud Caleyhi Salaam.

Gaalkan weyn ee dunida maamulay ayaa wuxuu ku caan baxay inuu dulleysto oo addoomo uu ka dhigto carruurta iyo haweynka iyadoo ragguna ahaayeen ciidankiisa.

Markii dambe waxaa isna tuuray 90-kun oo kamid ahaa carruu uu dhalay Nabiyullahi Casiis Caleyhi Salaam, waxaana laga soo kabsaday gumeysigii Nebuchadenzzar.

3.Boqorkii Sedexaad wuxuu ahaa Dul-qarneyn

Magacan Dul-qarneyn wuxuu ka dhashay dadka dhexdooda kadib markay arkeen geesinimadiisa, kartidiisa iyo awoodda ilaahay siiyay.

Wuxuu ku bar-baaray magaalo dadkeedu yihiin kuwa dulleysan oo aan laheyn caqiiddo, taliska xilligaas ka jiray caalamkana wuxuu ahaa gaalo.

Markuu arkay siday wax u dhacayaan ayuu billaabay dacwadda ilaahay ilaa dadkii iimaanka lagu galladay ay ka bateen gaalada.

Intaasi kadib wuxuu arkay riyo cajiib ah waxaana uu saaxibadiisa u sheegay inuu ku riyooday isagoo samada koray oo qabtay ileyska cad-ceedda.

Waxay ku fasireen inuu hanan doono dhamaan caalamka, isla markaasna uu yeelan doono ciidamo xoog badan oo dunida xaqa ku faafiya.

Ugu dambeyn wuxuu dul-qarneyn noqday hogaamiyihii caalamka wuxuuna ku guuleystay inuu adduunka ka hir galiyo waxdaaniyadda Allah.

4.Boqorkii Afaraad wuxuu ahaa Nabi Suleymaan CS.

Maamulkii boqortooyadii Nabi Suleymaan mid la mid ah sooma marin dunida, waxaana ilaahay u fudeydiyay Jinka iyo insiga, wuxuu ilaahay baray hadalka Xayawaanaadka, dabeyshuna isaga ayay ka amar qaadan jirtay.

Nabi Suleymaan waxaa dhalay Nabi Daa’uud labadooduba allah ha u naxariistee, waxay ahaayeen kuwa ilaahay diintiisa faafiyay.

Maalin maalmaha ka mid ah wuxuu nabi Suleymaan isku diyaariyay dhamaan ciidankiisa Jin,insaan,Dabeyl iyo xayawaannada oo dhan, wuxuu waayay HUDHUD, wuxuuna ku fakaray inuu dilo ama ciqaabo hadii uusan sabab cad la imaan.

Waxyar kadib shimbirkii Hudhudka ahaa baa yimid wuxuuna sheegay inuu maqnaashihiisu ahaa sabab weyn, wuxuu sheegay inuu soo arkay boqorad laga baqo oo qoomkeeduna u sujuudaan qorraxda.

Nabi Suleymaan baa Hudhudka u sheegay hadii uu been sheego in la ciqaabi doono, waxaana Nabi Suleymaan la kulmay haweyneydaas oo lagu magacaabi jiray Balqiisa.

Dood dheer kadib way rumeysay Nabi Suleymaan, waxaa laakiin aad cajiib u ah in dadkii xilligaasi rumeysnaayeen qaarkood in jinku ogaan karo cilmul qeybka.

Ilaahay baa doonay inuu arrintaasi cadeeyo ka hor intuusan dhiman Nabi Suleymaan CS, waxaana leysku yeeray dhamaan jinki oo la galiyay shaqo adag, kadib wuxuu nabi Suleymaan ku dengiigsaday gidaar halkaasoo nafty ay kaga baxday, way shaqeeyeen ilaa ay sanad howl adag wadeen iyagoo aan ogeyn inuu boqorkii dhintay, Indhaha nabiga oo kala furnaa awgeed way ka baqayeen, laakiin markii dambe baa ushii nabi Suleymaan waxaa cuntay Namli kadib baa dadkii oo dhan ogaadeen inaan jinku waxba ka ogeyn geybka Allah.

Intaasi waxaa ku dhan qisooyinka 4-tii boqor ee dunida oo dhan maamulay.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Qore: Abdishakur Hussein Shakra

Wariyeshakra@gmail.com

Facebook.com/diintaislaamka

No comments:

Post a Comment