SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qisso yaab leh: wuxuu dhintay isagoo sujuudsan.

Qisadaan waxeey ka dhacday wadanka Sacuudiga waxeeyna ku saabsantahay khaatimada wanaagsan.
Nin darawal ah oo ka shaqeeyaRiyad ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa gaarigiisa sooraacay 4 dhalin yaro ah waxeeyna u sheegeen inuu geeyo Sharqiya oo riyad u jirta 4KM.

Darawalka waxaa caado u ahayd inuu daaro QURAANKA KARIIMKA, Inti jidka eey ku sii jiraan waxaa la gaaray xiliga Salaada Casir darawilki wuxuu baaburka ku leexiyay meel shidaal markaasuu dhalin yaradi ku dhahay "kawarama hadii aan tukano waa xiligi salaada casir", dhalinyarada markeey isla socdaan qof ayeey u arkaan inuu yahay hogaamiyahoowda, hogaamiyahi dhalin yarada ayaa Darawilka ugu jawaabay"Anaga maba tukano"darawilki wuu yaabay markaasuu ku dhahay "qof muslim ah oo aana tukaneeynin muxuu muslim ka yahy, Salaada Waa cibaada isu soo dhaweeysa ALLAHA iyo ADOONKIISA" hadal dabacsan ayuu hadana kula hadalay wuxuuna ku yiri "Dhalinyaro Salaada waa cibaado inoo dhaweeyneeysa ALLAH ee aantukano ".Dhalanyaradi mid ka mid ah ayaa yiri "Aan tukano" .

Darawalki iyo dhalinyaradi weey weysa qaaten darawalki ayaa imam u noqday, Salaadi markeey tukadeen oo imaamkisalaama noqsaday ayaa Wiilki hogaamiyaha u ahaa oona dhahaayay aan tukano ayaa sujuudi ku daahay darawalki iyo 3di wiil ayaa wiilka u fahmeen inuu ku ciyaaraayo ayagoo dhahay "Maxaa kugu dhacay miyaad nagu dheedheeleeysaa" markaas ayeey dhaqaajiyeen dhinac ayuu u dhacay wiilki oo nafta ka baxday. Dhalinyarada dhan waxeey u maleeyaan inuu ku dheel dheelaayo biyo ayeey kushubeen, Gacanta bidix ayeey fiiriyeen, qoorta ayeey ka taabteen misane waa qof Nafta ka baxday.

Wiilashi mid ka mid ah ayaa oohin isla dhigay waliba oohin daran ilaa dadka wada u dhawaa eey isugu yimaadeen darawalki wuxuu ogaaday in wiilka ooynaayo uu yahay wiilkidhintay waalkiis ka weeyn, darawalki wiilka wuxuu ku dhahay "jooji oohinta walaalka Khaatumo fiican ayuu ku dhintay waliba asigoo sujuudsan oo salad tukanaayo, Qofkana wuxuu ku dhinta ayaalagu soo saaraa maalinta qiyaamo insha allah walaalkaa asigoo sujuudsan ayaa lasoo saari doona" wiilki ayaa dhahay "uma ooynaayi dhimashada walaalkeey ee waxaan u ooynayaa aniga iyo walaalkeey 15 sano ma tukan, 15 sano ma sujuudin, 15 sano ma rukuucin walaalkeeygana wuxuu dhintay asigoo sujuudsan ALLAHU AKBAR".

ALLAH waa mid u naxariista adoomihiisa Wiilka asigoo salad tukanaya Ruuxdiisa laqaaday.

SALAADA SALAADA SALAADA aan ilaalino si ALLAH nooga raali noqdo, Si uu ALLAH uu kheerka noo waafajiyo tuko salaada..

Abdulahi Abdikariin Takar

No comments:

Post a Comment