SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Waar Dunida nabadi kama jirto!

Marka aad dhageysato raadiyayaasha , akhrisato wargeysyada ama aad daawato telefishanada caalamka waxaa kuu soo ifbaxeysa in caalamka oo idil uu holcayo ayna hareereeyeen dagaalo ujeedooyin kala duwan leh oo u dhaxeeya qabiilo, jabhado iyo ciidamo dowladeed

Dhibaatooyinka iyo dagaalada qasa (Gaza) kor u kaca maleeshiyooyinka islaamiyiinta ee ciraaq iyo siiriya, xaalada ka taagan ukrine (Ukraine) ayaa mararka qaar ku dareensiinaya in dunida oo idil uu dagaal ka jiro.

Weli xumaan ayaa jirta, dunida oo idil laga soo bilaabo sanadkii 2007 – dii sanadba sanadka ka dambeeya waxaa sii xumaanaya amniga , machadka dhaqaalaha iyo nabada institut for economics and peace ( iep )ayaa soo saaray in 11 dal oo kaliya ay xor ka yihiin qalalaasaha iyo dagaalada ka taagan caalamka . tusaale ahaan boqortooyada ingiriis ( united kingdom ) waxey xor ka tahay qalalaase siyaasadeed oo gudaheeda ah laakiin dhawaan faragelintii dagaalada dibada sida dagaalka Afghanistan ayaa britain ka dhigaya mid heerkeeda amni uu liito waxeyna kaalinta 47 – aad ka noqonayaa liiska kala horeynta dalalka ugu nabdoon caalamka sanadkii 2014.

Macadka dhaqaalaha iyo nabada ( iep ) 11 dal oo caalamka ah ayey u aqoon sadeen in ay si buuxda nabad u yihiin waxeyna kala yihiin: Switzerlan, Japan, Qatar, Mauritius , Urugway, Chile, Botoswana, Costa Rica, Vietnam, Panama iyo Brazil.

Warbixinta EIP waxaa ka muuqaneysa in dalalka Mareykanka USA iyo Midowga Yurub eu aysan nabadi ka jirin iyadoo dalka ugu horeeya nabada caalamka uu yahay Switzerland isla markaana wuxuu noqonayaa dalka kaliya ee ka tirsan yurub – EU ee ku jira liiska 11 – ka dal ee sida dhabta ah nabadi uga jirto caalamka oo dhan, 2 dal oo reer Africa ah Mauritius iyo Botoswana ayaa nasiib u yeeshay in ay ka mid noqdaan liiska dalalka ugu nabdoon caalamka, halka dalka qatar ka noqonayo dalka kaliya oo ka tirsan khaliijka , jaamacada carabta kuna yaal qaarada esia oo ku jira liiska dalalka nabada buuxda ay ka jirto, dalalka Japan iyo Vietnam oo iyana qaarada esia ku yaal ayaa ku wehliya liiska dalka qatar, dhanka kale 5 dal oo bartamaha iyo koofurta qaarada america ku yaal ayaa ku jira liiskan.

Sanadkii tagay 2014 waxaan aragnay in uu kor u kaceen dhaqdhaqaaqa argagaxisada, dagaalada Gaza iyo xal u helid la’aanta dagaalada iraq iyo syria ayey tiri Cammilla Schippa agaasimaha machadka dhaqaalaha iyo nabada (Institute for Economics and Peace ). Marka laga soo tago bariga dhexe waxaa iyana jira degenaansho la’aanta dadka rayidka ah ee isu rogay kooxo hubeysan ee ukraine, dagaalada Koofurta Sudan (South Sudan) iyo Dr.Congo (Democratic Republic of Congo).

Naxdinta dhaqaalaha guud iyo siyaasada dhulka sidoo kale dhibaatooyinka lacagta addunka ayaa dalal badan u keenaya dhibaatooyin iyo in ay ka dhacaan qalalaase dagaal.

Qalinkii qoraa sare:

Muse Mohamed Osman

No comments:

Post a Comment