SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Qiso aad u xanuun badan Wiilkii Caasiga ahaa ee Hooyadii maagay.

Waxaa jirtay hooyo waayeel ah iyo wiil ay dhashay oo guri qudha wada deganaa, wuxuuna qabay xaas aad u xun oo markastaba ku diri jirtay Waalidkiis.

Maalin maalmaha ka mid ah buu wiilkii ka yimid shaqada, wuxuuna galay gurigiisa, isagoo careysan buu qolkii ka soo baxay wuxuuna hadal ku gubay qalbiga naxariista badan ee hooyadiis.

Wiilkii baa hooyadiis ku jees jeesay oo ku yiri "Wajigaada waan dhibsaday ee na keen waxaan ku geyn doonaa meel aad ka sheekeyn doonto".

Hooyadu meysan garan wuxuu kala jeedo hadalkan wiilkeeda, wuxuuna geeyay buur dheer isagoo go'aansaday inuu cirifka sare ee buurta ka soo tuuro.

wuxuuna yiri "Waad ka leexan weysay xaaskeyga ee iska samir maanta ayaa kugu dambeysay dhib dambe oo aad xaaskeyga dhibto".

Hooyadii oo ilmeyneysa ayaa iyadoo deggan waxay tiri "Waxaad doonto samee laakiin ii ogolow inaan tukado labo rakco oo salaad ah".

Wuuu ka ogolaaday laakiin markay salaama dhaqsatay baa waxaa wiilkii qeybtuu taagnaa buurta la go'day wuxuuna galay dhulka hoose, isagoo aad u qeylinaya.

Hooyadii baa qeylisay, ilaa ay maqleen dadkii magaalada joogay, waxayna codsatay in wiilkeeda laga soo saaro buurta laakin lama awoodin ilaa loo tagay wadaadkii deegaanka oo sheegay inaysan jirin cid buurtan ka soo hoos bixin karta waayo wuxuu mutay "Abaal marinti caasinta waalidka" wuxuu shiikhu sii raaciyay inay iyada docadeeda ku badbaadin karto oo kali ah.

Hooyadii waxay sacbaha u hoorsatay Ilaahay oo kadibna wiilkii isagoo cidna saacidin ka soo baxay buurtii hoosteeda, halkaasna waxaa ku cibra qaatay dadki goobta joogay iyo intii qisadan ay soo gaartay.

Wiilkii wuu noolaaday laakiin ma awoodin inuu wax ku cabo, ama ku cuno ilaa gacanta hooyadiis maahee, hadii uu qof kale wax ka cuno ama ka cabo si' kastaba lagama yaabo inuu dhergo.

Sidaasna waxaa ilaahay ku hanuuniyay wiilki oo billaabay inuu hooyadiis u ixsaan falo, walaal hadii aad is-leedahay xoogaa caasin ah baa kugu jirta fadlan waa Ramadaan ee qalbiga fur waalidkaana saacid ileen la'aantood ma jirneen.

FG: Walaal Faafi qisadan si' walaalaha kale ugu cibra qaataan

Wq: Abdishakur Hussein

No comments:

Post a Comment