SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Cuntada guriga kuu taala ,maxaad maalin-kasta Suuliga/Musqusha ugu shubtaa!

Iftiinkacusub.com: Layaab iyo amakaag sawmaaha,in maalin kasta cuntada guriga kuu taala aad Suuliga/Musqusha ku shabo ama ku rido,waxa laga yaaba in qaarkii ay isleyhiin talaw maxay ayaa ku kalifay ama waa maxay sababta aynu raashinka iyo cuntada uu Suuliga ugu ridaynaa.


Arintani maaha mid kaligay ku kooban,dhamaanteen waynu wada qabnaa ,qofkasta oo Ilahay abuurayna Gaal iyo Muslim,cuntada waxa uu ku shubaa ama uu ku ridaa Musqusha ama Suuliga.

Waxkasta oo aynu soo iibsano oo markaasi inala ah mid cusub oo aynu jecel nahay, aakhirka maxay ayuu ugu danbeeyaa wax aynaan jeclayn ,isla markaana aynu neceb nahay.

Hadaba sababtu waa maxay markasta aynu cuntada ama raashinka ay Musqusha ugu shubnaa,aniga aragtidayda waa macna darada Dunidu ay leedahay,maalinkasta oo Ilahay keeno waxa aynu soo iibsanaa raashin aynu cunno isla wakhtiyar ka bacdina waxa aynu u xaajo tagnaa Suuliga si aynu ugu xaajo gudano.

Qofkasta oo wakhtigan xaadirka ah raashin ama cunto guriga u taalo,waxa ay ka dhigan tahay ayamo ama wakhtiyar ka bacdina in ay usu badalaysa ,mid la geeyo ama lagu shubo Musqulaha iyo Suuliyada.

Waxa iyana taasi raaca in shaykasta oo dhar ah oo aynu iibsanaa muddo ka bacdi uu duugoobaayo,aakhirkana uu noqonaayo mid laga faano ee meelahaasi Kudafadaha lagu tuuro.

Arintani sababta aan usoo qaatay waxa ay tahay, waxa aan arkay macna darada aduunka iyo marin habawga aynu ku jirno.Qofkasta oo inaga mida waxa uu maalinkasta ,saacadkasta iyo daqiiqad kasta uu mashquul ku yahay wax an aakhiradiisa waxba u tarayn.

Nabigu CSW maalin maalmaha ka mida , isaga oo ay la socdaan saxabidii sharafta badnaa,ayaa waxa uu meel Kudafada ku arkay neef xoolo ah oo bakhti ah hadana ay u raacdo Dhunkanaan (dhag laaban)kadibna inta uu neefkii bakhtiga ahaa dhagta ka taabtay ayaa waxa uu yidhi:

"waar yaa neefkan iga iibsanaaya" inta ay saxabadii wada yabeen ayaa waxa ay ku yidhaahdeen"rasuulkii Ilahayow kan(neefkan dhunkan)markii uu noolaaba aktayada qiimo kamuu lahayn,misse waaba hadduu bakhti yahay ".

Nabigu CSW isaga tusaalaynaaya saxabadii waxa uu ku yidhi" Aduunyadu kaasi aad ka faanaysaan Ilahay SW way kala liidataa agtiisa".

Waxa aad ogaataa qofkastaa aakhirka ,waxa uu ku danbaynayaa Qabriga iyo Xabaasha,waxa lagaga tagayaa Iilka iyo godka,aakhirkana waxa uu noqonayaa wax Ciiddu ay cunto oo halkaasi ku baa-ba'a;marka laga tago Ruuxda oo ah mida uu Ilahay hadhaw la xisaab tamaayo.

Dunidu malaha wax qiimo badan oo aynu maanta u hilawno,waxaan naftada iyo tiinaba kula dardaar mayaa in aynu wakhtigeena ugu badan aynu siino cibadada iyo camalka suuban.

Iftiinkacusub.com

No comments:

Post a Comment