SCWW .MAHAD ILAAHAY AYAA ISKA LEH ,NAGA DHIGAY MUSLIMKA .Waxa aan halkan salaan aad u qiimo badan uga dirayaa,akhristayaasha sharafta iyo karaamada leh ee websitkan IFTIINKACUSUB.COM ku xidhan, waxanan markasta idin leeyahay soo dhawaada ,waxa aan ku dadaali doonnaa in markasta aad websitkan aad ka heli-doontaan qoraalo iyo barnaamijyo idin raali galiya, idinkuna nala wadaaga waxkasta oo aad isleedihiin bulshada ayay wax u taraysaa, noogu soo hagaajiya fariimaha Gmailka,iftiinkacusub@gmail.com iyo khadaraar101@gmail.com .XASUUSIN MARNABA HA ILABIN NABIGA CSW SALIGIISA.

Tobanka qodob oo aad dadka kusoo jiidan karto, markaad Khudbad jedinayso.

Xirfada cod karnimada iyo aftahanimadu waa wax ku abuuran gudaha qofka billi-aaddankaa oo ilaah haybad u siiyay.balse, waxaynu halkan ku soo qaadan doonaa toban qodob oo aad ku kasban karto dhageystayaashaada marka aad wax soo jeedinayso. Waxaana ka mid ah :-

1. Ha ka dhigin soo jeedintaada mid aad u dheer.

2. Ha ka faaloon wax ka badan afar ama shan qodob.

3. Yaan lagugu arkin qosol xad dhaaf ah iyo cadho toona.

4. Ha u taagnaan sidii qotin meel kali ah. Laakiin, same dhaq-dhaqaaq sida:-{gacanta oo kor u qaado, ama adoo madaxa dhaqaajinaaya iwm…}

5. Ha ka ku hadlin cod qudhaata{kali ah}. Balse, badal qaab dhaca codkaaga. Mar dalac, mar hoos u dhig marna xanshaashaq.adoo ku daraya hadalo kul-kulul, waano ama hadalo cad-cad. Islamarkaana meel u yara banee {yara aamus, hadana bilow…………}

6. Ha isku dayin in qof kaa jeesto ama meel xoqdo. Isticmaal hadalo culus oo ku saabsan dhankooda, sida maahmaah aan dhamaystirnayn,sarbeebo ama hadalo xikmado ah; adigoo isticmaalaya ereyadan:-(hadii, xagee, markii, kuma, wakhtigee, qof idinka mid ah ma garanayaa, miyaad aragteen iyo waan arkey.}

7. Ha isku dayin inaad la qososho dadka ama la sacabiso. Aamusnow daqiiqado, dhig gacmahaaga miiska wada hadalka {stage ka} ama ku dhufo shay.

8. Ha fadeexadeyn qof si wanaagsan loo yaqaan, kaas oo sumcad ku leh bulshada dhexdeeda{ha noolaado ama ha dhintee}.

9. Ha amaanin naftaada ama ha amaanin qof si fiican loo yaqaan oo aad taageerto.waligaa ha dherernaan{taagnaan} laakiin, isu qalooci midig ama bidix. Oo tilmaam qof sumcad xun leh ama jabiya oon oofin balamaha oo la yaqaan.

10. Ha faro galin dadka kaa soo hor jeeda arimahooda shakhsiyadeed ama ceebahooda; laakiin, tilmaam meelaha daciifka ka yihiin oo sax adigu. Fiiq oo tag gacantaada si ay u wada eegaan dadku. Deedna tilmaam dhabarkooda danbe si ay u jaleecaan dhamaantood xagadanbe. Kaga bax hadalka maahmaah ama shay kale oo raad ku reeba xasuusta dadka.

W/Q; sakariye waddani

Email:caaqi_daalo@hotmail.com
 

No comments:

Post a Comment